Jaamac Shabbeel Oo Ay Soo Tuftay Xumaddii Qabiilku, Si Indho La'aan Ahna Isku Barbartaagay Dagaal Ooge Buubaa

0
Wednesday April 07, 2021 - 09:20:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamac Shabbeel Oo Ay Soo Tuftay Xumaddii Qabiilku, Si Indho La'aan Ahna Isku Barbartaagay Dagaal Ooge Buubaa

    Qore: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed


Toddabadyo dhawayd waxaa la isla dhex jibaaxayay hadalo iska gole ka fuul ah oo boqolaal jeer oo hore uu yidhi Professor madhane Buubaa kaasi oo mar kale u hanqal taagaya in xil maqaar saar ah Muqdisho ay uga magacaabaan kuwa uu u yahay istabnigga labaad ama Awr kiraalaha ee inoo laqima in reer Waqooyi la siiyay Raysal wasaare ku xiggeen iyo wax la mida kuwaasi oo uu qaarkood laba jeer dhali karayo sida Farmaajo oo uu ka quud darraynayo Xil ku sheeg reer Waqooyi.


Buubaa waa qof aan lahayn qiyaam dadnimo, una fahmay siyaasaddu inay tahay dhiig dad oo la cabbo, isagoo hormood ka ahaa dagaal aan loo Aabbo yeelin oo uu isaga iyo kuwo kale ka qarxiyeen Somaliland dabayaaqaddii 1994kii. Dagaalkaas oo ay ku hoobteen dad badan iyadoo ay markaas uun ku soo laabteen guryahooddii iyo magaalooyinkii ay iska dhaxlayeen qarniyaal oo loo hibbeeyay dumistoodda in dib loo helo gobanimaddii ay lumiyeen 1960 kii oo hadii ay haysan lahaayeen maanta ay Somaliland la mid ahaan lahayd Singapore ama Malaysia. Taasi se ma dhicin oo waxaa ka itaal roonaaday Muqdisho iyo shan Soomaaliyeed baanu isku keenaynaa oo ahaa halhays madhan oo ay ka qabsatay.


Lixdan sanno ka dib Soomali la isku keeno ha joogtee labaddii la isla doontay ayaa birta iska aslay oo maanta mid ka mid ah loo baryayaa inay nabad hesho midna loo baryayaa aqoonsi ay dawlad madax banan ku noqoto.


Marka si khaasa looga hadlayo mawduucan ku saabsan midkee Somaliland dan ugu jirtay isku dar iyo kala joog, kuwii filkraddii kala joogga aaminsanaa waxaa lagu ladhi karaa Garaad Cali, Michael Maryaano, Cismaan Gacanlow, Gudduudo Carwo, Xuseen Aw-Faarax iyo Axmed Xasan Ibraahim oo ay Michael isku xisbi iyo fikirba ahaayeen lagase hoos qaadi waayay. Laakiin waxa diidmadii laga faa’iiday "Kabtay meeday?!” iyo 60 sanno oo bur-bur iyo halaag ah oo illaa Maanta soo gaadhay oo marag aanu ka nahay, Eebbena na joojiyay oo uu nagu simay.


Aan u soo noqdo Dagaal ooge Buubaa oo markale xoqaya dadkii uu sababta u ahaa isaga iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin Jaamac yare, Tuur iyo Suldaan Maxamed. Kooxdan waxa ay ku dhuumanayeen inay Cigaal iyo Xukuumaddiisii ka soo horjeedeen, runtuse waa in ay Generaal Caydiid ay heshiis hoose kula galeen inaanay Somaliland lugaheedda isku taagin. Dagaalkana waxay u bilaabeen si ay fulinayeen heshiis ku sheegga ay taayirka istabnigga ah ugu ahaayeen Caydiid oo markii danbe ku baxay dhowr xabadood oo ay ku dhufteen faladh ka soo go’ay ciidankiisa oo marka horeba qabiil kula socday, waa garabkii Cismaan Caato e` taasi oo ay kala haleeleen xiniinyaha ka dibna dawo la’aan ugu dhintay meel qarsoodi ah iyadoo lagala cararayo Maraykanka iyo huwantiisii oo doonayay inay gacanta ku dhigaan kana gooyaan wixii uu Muqdisho ka gaystay.


Ha ka il duufin sheekadda laga alifay dagaalkaa sokeeye ee aan loo baahnayni inuu salka ku hayay fikirkii ay qabeen siyaasiyiin ku sheeg ay ka mid ahaayeen Tuur iyo Basbaas 1960 kii. Iyagoo aaminsanaa inay ugu badanayso haddii Xamar la tago, iyagoo aan dan ka lahayn ardaagga ay ka soo jeedaan, laakiin eegaya danta shaqsi. Tan 1994 kiina taas uun bay la mid ahayd oo waxa ay is tuseen Dagaal oogayaashaasi kala ahaa Tuur, Jaamac Yare, Basbaas, Buubaa iyo Suldaan Maxamed inaanay ugu badanayn haddii Somaliland la ahaado. Sidaa daraadeed waxay goosteen inay markan Cigaal iyo xukuumaddii lagu soo dhisay Boorame jillaafo u dhigaan, kana dhigtaan marmarsiye (scapegoat) inay Cigaal diidan yihiin, Tuurna lagu gafay oo laga qaaday xukunkii isaga oon dhamaysan labo sanno oo dastuurkii SNM siiyay.


Haddiise aanay qabaan u ahayn Caydiid, dano shaqsiyana aanay eeganayn wixii dadka reer Somaliland min Ceelaayo ilaa Saylac isku raaceen ayay ka mid ahaan lahaayeen ama ha xumaato ama ha samaato e’, waxaanad noo sheegi waxa ay u yihiin kuwo qaldan oo haddana qaladkoodda loogu daba fadhiisanayo ilayn waadigan dagaal sokeeye ooge Buubaa noogu sheegaya inuu yahay falasuufe waliba siyaasiya.


Haddiise aad ka soo horjeeddo xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) ha uga dhigan gabood falyo wixii ay gaysteen dagaal oogayaashaasi. Waxaanad markan dhex fadhiisatay dhiiqo, horena waxaan kuugu raacay waxyaabo badan oo aad Somaliland ka tidhi ama Xukunka Siloon ee Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yiqaan) oo ay ka mid tahay mooshinkii kufsiga ee aad iskaga hor timaadeen ama kuwo kaleba oo aad ku saxsanayd.


Waxaan jecelahay inaan ku soo gabagabeeyo maqaalkan haddii uu adiga Jaamac Shabbeellow kuugu suntan yahay Prof: Buubaa ama Philosopher Buubaa, annaga waxa uu noogu suntan yahay dhiigyo cab iyo dagaal ooge aaminsan inay dhiigyo cabnimada ugu badinayso oo uu ku gaadhayo darajo ay xamar ku tosho, haddiise kale uu ahaanayo mid aan cidi waxba u diran oo fadhiid ku ah Hargaysa. Waliba caddaalad ma ay helin dadkii uu sahayday labada dhinacba, isaga iyo kuwaa kale ee aan kor ku soo xusay haddii caddaaladi Somaliland ka jiri lahayd mar hore ayaa tiirka la qabadsiin lahaa oo laga goyn lahaa wixii uu sabab u ahaa qayb ahaan. Laakiin waxa uu daba galiyay qabiilkii uu shalay dabka saaray, maantana uu hiil uu ka filayo haddiiba la is yidhaa la xisaabtama. Waxa Somaliland halkaa dhigay iyo guud ahaan Somaliba waa in qabiil dhufays laga dhigto, dhiig kasta oo la soo cabbo.


Waxaanse hubbaa inaanu maalin maalmaha ka mid ah heli doonin qabiil xabadda iskaga dhigga oo ay dul yuuruursan doonto caddaaladda Rabbi ee aan sinaba looga baxsan karin isaga iyo inta la ah danbiilayaashii oogay dagaal sokeeye oo aan loo baahnayn. Jaamac Shabeellow yay kaa khaldamin in Buubaa Siyaasadda u yaqaan cadyahow ku cunay ama ku ciiddeeyay oo haddii uu arko in ragga qaar xilka loo dhiibay sida Cigaal Alle ha u naxariisto’e uu ka xiggo in uu dhalinyaradda ka soo jeedda Salaxley uu dabka saaro, si uu nacaybka Cigaal iyo xil waayistiisa uga dhigto shiddaal uu ku ololiyo Somaliland ka dibna inoo sheego been ah Somali ma kala maarmi karto. Bal wayddii oo waxaad ku tidhaahdaa maxaanay Somaliyi u kala maarmi karin ee iskaga xidhan? sowtaa magaaladda yar ee Jabuutiba ku caano maashay gooni isuga taageeddii, Somalida aad sheegayso intoodda kale haddii ay ku soo darsami lahayd 1977kii in la cuni lahaa sida Somaliland shaki igagama jiro. Waxaana Eebbe taa waafajiyay Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon, hadda ogow oo ma ahayn ama ma sheeganayn inuu ahaa Prof: Saaqid sida Buubaa waliggii school( Dugsi) ma tagin haddana waa kaa ku taliyay in Soomaali aan waxba lagu darsan xataa ka soo horjeestay SNM ee lahaa aasaaskii IGAD si uu isku hortaago guul SNM gaadho ee xataa heshiisiintii Mingiste iyo Siyaad Barre ee kalifay in SNM isku soo tuurto magaalooyinkii Hargaysa, Burco iyo goboladdii Waqooyi ee hore (Somaliland maanta) uu isaga Waa Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon ka danbeeyay.


Aan ku soo dabaalo Maqaalka Shabeelow intii hore waan kula socday mar kasta oo aad dhaliisho Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) iyo si kasta oo aad fikirkaaga u cabirto laakiin tareenkaggii kolka waan ka dagay, kolkaad iigu sheegtay philosopher Buubaa oo madhan oo ah qabaan salafkiisa ay istaadho xil yar oo looga cumaamaddo Muqdisho. Ilka soodhlahaasi waa la ogaaday tabtiisa iyo xeeshiisa ee Somali uu isku gayn karaa ha kuu joogtee ma dhafsiisna mid Farshadda cabitaankeedda ku caano maalay.


Haddii uu sidaa siyaasi kuu yahay waa aragtaadda shakhsigga ah laakiin dadka reer Somaliland kulama qaban xaq ayay u leeyihiin inay haystaan gobanimaddii ay labadda jeer marna ka dhacsadeen Great Britain, marna Somaliya ee isagu ha ku noqdo Muqdisho hadda u suurta gali mayso inuu daawaha saaro kuray yaryar oo aan waxba ogayn oo reer Salaxley ah dhiiggooddana uu ku baadi doono ganbooyin uu jeebka ku shubto.


Qore: Cabdi Muhumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...