Dal 4,000 Oo Qof Maalin Keliya Ay Ugu Dhinteen Xanuunka Covid-19

0
Wednesday April 07, 2021 - 08:31:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal 4,000 Oo Qof Maalin Keliya Ay Ugu Dhinteen Xanuunka Covid-19

    "Mareykanka ayaa kaalinta koowaad wali ku jira, waxaa xanuunka ugu dhintay in ka badan 555,000 oo ruux"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mareykanka ayaa kaalinta koowaad wali ku jira, waxaa xanuunka ugu dhintay in ka badan 555,000 oo ruux"

In ka badan 4,000 oo qof ayaa 24-ki saac ee lasoo dhaafay cudurka COVID-19 ugu dhimatay dalka Brazil, taasoo ka dhigtay khasaaro nafeed tii ugu badneyd ee maalin gudaheed laga diiwaangeliyo dalka ugu weyn Koofurta Ameerica.




Wasaaradda caafimaadka Brazil ayaa Talaadadi shaacisay, in 4,195 ay 24-ki saac ee lasoo dhaafay cudurka COVID-19 ugu dhimatay guud ahaan dalkaasi. Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada dhimashada ay sii kordheysay tan iyo bishii February ee sannadkaan.


Faafista cudurs-sidaha keena xanuunkan ayaa sare u sii kaceysay dhowrki bilood ee lasoo dhaafay. Khubarrada caafimaadka Brazil ayaa arrintaasi ku sababeeyay, nuucyada cusub ee xanuunka oo soo badanaya iyo dadka oo aanan dabaqeyn kala fogaanshaha.


Haddii ay xaaladda sidaan ku sii socoto, kubarradu waxay saadaalinayaan in Brazil uu noqon doono dalka ugu dhimashada badan cudurka COVID-19 guud ahaan caalamka.


Mareykanka ayaa kaalinta koowaad wali ku jira, waxaa xanuunka ugu dhintay in ka badan 555,000 oo ruux, halka Brazil ay tirada dhimashada mareyso ku dhawaad 337,000 oo qof.


VOA

Loading...
Loading...