Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwadii Loo Haystay Wasiirkii Amniga Jubaland Ee Isku Soo Dhiibay

0
Tuesday April 06, 2021 - 22:40:26 in News by G. Good
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwadii Loo Haystay Wasiirkii Amniga Jubaland Ee Isku Soo Dhiibay

    Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwadii Loo Haystay Wasiirkii Amniga Jubaland Ee Isku Soo Dhiibay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwadii Loo Haystay Wasiirkii Amniga Jubaland Ee Isku Soo Dhiibay

Qoraallo ka soo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xidhay gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.


Lis Dairy

Cabdirashiid Janan oo loo heystay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, ayay markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lagu cadeynayo in aan loo haysan wax dembi ah.


Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa hore dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Gedo ugu soo oogay Cabdirashiid Janan.


Sidoo kale, warqad kale oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xidhay gal-dacwadeedka Cabdirashiid Janan.


Dhawaan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay dalab ah in cadaaladda la hor keeno Cabdirashiid Janan, si loo hubiyo dembiyada lagu eedeynayo.




Loading...
Loading...