Afartan Sanadood Ka Dib Aas-aaskii SNM Miyaa La Helay Wixii Loo Dagaalamay?

0
Tuesday April 06, 2021 - 14:10:12 in News by
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afartan Sanadood Ka Dib Aas-aaskii SNM Miyaa La Helay Wixii Loo Dagaalamay?

    Afartan Sanadood Ka Dib Aas-aaskii SNM Miyaa La Helay Wixii Loo Dagaalamay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afartan Sanadood Ka Dib Aas-aaskii SNM Miyaa La Helay Wixii Loo Dagaalamay?


40 sanno ka Dib Aas-aaskii SNM, Wixii Loo Dagaalamay Ma La helay, 30 Sanno Ka Dib Madax bannaanidii Lagu Dhawaaqay, Maxaa Qabsoomay, halkee'se La Joogaa, 20 Sanno ka Dib Distuurkii Loo Coddeeyey Ma lagu Dhaqmay oo Xuquuqdii Muwaadiniinta ma Ilaaliyey.?


6 April 1981

40 SANNO

Maanta waxa laga jooga 40 sanno guuradii assaaskii ururkii "DHAQDHAQAAQA WADANIGA SOOMAALIYEED SNM”. Oo lagaga dhawaqay magaladda London 6 April 1981.
40 Sanno ka dib waxii laga dagaalamay malaga baxay ?ama loo dagaalamay ma lahaya mise wax ayaa dhiman?

Dadka reer Somaliland qaar kamid ah ayaa qaba in waxii loo dagaalamay oo ahaa cadaalad iyo saraynta sharciga in aan 40 sanno kadib aan wali si siman aan muwaadinintu u wada arag balse ay dhaanto xukunkii adkaa ee dawladii askarta arxanka darnayd ee laga samaystay SNM si la iskaga rido. Balse cadaaladii loo dagaalamay lama wada hayo wallow dalku dimuqraadi yahay oo dadku xoryahay xaga ray dhiibashadda.

18 May 1991

30 SANNO

Bisha soo socota ee May waxa laga jooga ama ay ku buuxsamaysa 30 guuradii kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland oo lagaga dhawaaqay magaaladda Burco 18 May 1991.

Su’aasha dad badani is weydiinaayo ayaa ah. 30 sanno oo ay Somaliland nabad, dimuqraadiyad iyo koboc dhaqaale ku naalonaysay maxaa iska badalay haayadahii dawliga ahaa ee magac ahaan loo yagleelay horaantii sagaashamadkii? Haayadaha dawladu ma yihiin qaar dhisan oo adeeg dawladeed bixinkara mise wali waxa ay yihiin qaar ku faana qashinkii oo laga xaadhay maanta Radio Hargeysa oo waliba war weyn laga dhigo.

31 May 2001

20 SANNO

Bisha soo socota ee May dabayaaqadeeda waxa laga jooga 20 guuradii kasoo wareegtay maalintii dadweynaha reer Somaliland ay u codeeyen tastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Su’aasha la isweydiinaya waxa ay tahay maadama dalku 20 sanno lahaa tastuur ka kooban 130 qodob oo marka aad akhriyayso aad ku diirsanayso. Mayahay dastuurkaasi mid la dabaqay oo sidiisa loo raacay?

Golayaashii la doortay sida GOLAHA DEEGANKA, GOLAHA WAKIILADDA IYO MADAXTOOYADDA waxa ay ahaayen qaar mudo dhaafay oo mudadii loo doortay dhaafay iyada oo aan sababaha tastuurku uu sheegayo in mudada loogu kordhiya aanay jirin.

Tastuur jabintu kuma eeka oo kaliya mudo kordhita golayaasha ee waxa jira in si badheedh ah loo jabiyay qodobo waa weyn. Sida in la xidho xildhibaan xasaanad leh iyo qaar kale oo kale oo dhacay 20 tanka sanno ee tastuurku jiray.

Waxa qoray, Aqoonyahan Yaasin Calase

Loading...
Loading...