Imtixaanka Horyaala Gudoomiye Riyo-raac Tufis Iyo Liqid Midkee Ayuu Go'aansan Doonaa?...Faallo

0
Tuesday April 06, 2021 - 13:59:55 in News by
  • Visits: 1249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaanka Horyaala Gudoomiye Riyo-raac Tufis Iyo Liqid Midkee Ayuu Go'aansan Doonaa?...Faallo

    Imtixaanka Horyaala Gudoomiye Riyo-raac Tufis Iyo Liqid Midkee Ayuu Go'aansan Doonaa?...Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imtixaanka Horyaala Gudoomiye Riyo-raac Tufis Iyo Liqid Midkee Ayuu Go'aansan Doonaa?...Faallo

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdirashiid Riyo raac ayaa waxaa horyaala imtixaan iyo jirrabid culus oo lagu eegi doono siduu umaareeyo xaaladaha siyaasadeed ee kala midabka ah ee ku gadaaman doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka ee dalka ku soo foodle.


guddoomiye riyo raac oo ka mid noqoshada komishanka doorashooyinka saluug weyn laga muujiyey markii la soo magacaabey taas oo loo arkayey in uu yahay xubin dhinac ka raran maadaama oo ka mid ahaa xisbiga KULMIYE haddana tudhaale xisbiyada qaranka ka yimi lagu meel mariyey ayaa su’aalo iyo doodo badan ka dhaliyey sidii loogu kalsoonaan lahaa natiijada doorashada uu hoggaanka u yahay maadaama markii horeba muran badani hadheeyey xubinimadiisa.
Cabdirashiid Riyo Raac Oo la Weydiiyay In Uu Is casilayo iyo jawaabta uu bixiyay – Sagal News

Komishanka doorashooyinka qaranka ee ah badbaada kaliye ee bulshada somalililand lee dahay xiliga doorashooyinka ayaa cabsi weyn ka qaba kalsoonida natiijada doorashooyinka Somaliland maadaama gudodomiyaha doorashooyinka loo nisbaynayo in madaxweynaha gacansaar lee yihiin madaxweyne muusena yahay qofka kaliya ee ku haya xilka guddoomiye taas oo qaylo dhaan laga muujiyey in riyo raac noqon Karin garsoore dhex u noqda saddexda xisbi ee loolanka culisi ka dhaxeeyo waana hal-xidhaale lagu eegayo siduu u maamulo doorashooyinka Somaliland,
Riyo raac ayaa hadda galey mooro cakiran wuxuuna xaalkiisu noqdey laba daran mid dooro in uu xeeladeeyo sidii uu ciwad celin ugu samayn lahaa tacabkii la galiyey inuu ka mid noqdo komishanka oo badbaada dalka ka doorbido badbaada kursigiisa.

Guddoomiyaha komishanka ayaa waxa uu in muddo ahba ahaa 'Dhuxul dambas huwan', taas, oo la fili karayey ama ifafalaheedu muuqday in xaalku ku dambayn doonno halka maanta uu marayo xisbiyada mucaaradka ahna wuxuu u arkaa cida kaliya ee duullaanka culus ku haysay inuu ka mid noqdo komishanka doorashooyinka wuxuuna geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuley sidii xisbiyada mucaaradka ah si xeeladeysan uga aargoosan lahaa maadaama uu u arkayey cida kaliya ee dabreysaa iyaga yihiin,

Loollanka culus ee xisbiyada dalka hadda jira waa imtixaan iyo jarribid hortaalla guddoomiye Riyo Raac iyo sida uu u maareeyo baratanka uu dhexeeya KULMIYYE, WADDANI Iyo UCID.

Riyo raac ayaa la wariyey shirar doceeyo hoose oo galey uu ku shaxdhigay sidii uu usoo saari lahaa xildhibaano uu wato wuxuuna xisbigii uu ka tirsanaa iyo murrashixiin xildhibaano uu dhabartaabtayba ugu bushaareeyey in uu soo saari doono isagoo ilaashanaya kalsoonida xisbigii uu ka tirsanaa ilo xogogaala oo diirada ku hayey dhaq-dhaqaaqiisa ayaa tibaaxey inuu ku walo marey in KULMIYE mar kale hanto hoggaanka dalka.

Gebegabadii dadka oddorosa siyaasadda Soomaaliland iyo khaasatan ta komishanka doorashooyinka ayaa waxay isku raacsanyihiin in imtixaanka Guddoomiye Riyo Raac horyaalla uu yahay 'Tufis iyo liqis laba xaaladood, oo khatar weyn ku geddamaan tahay', waa se tijaabo kale, oo hoggaanka komishanka lagu eeggii doonno.


Suxufi Maxamuud Fantastic
Loading...
Loading...