Maareeye Rodol Oo Wareejay Xilka Hay'adda Duulista Xili Muqdisho La Wareegtay Hawada Somaliland

0
Tuesday April 06, 2021 - 10:03:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye Rodol Oo Wareejay Xilka Hay'adda Duulista Xili Muqdisho La Wareegtay Hawada Somaliland

    "Waxaan Rajjeynayaa In Aanu Sanadaha Soo Socda Jeexno Wado Horumar Ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Rajjeynayaa In Aanu Sanadaha Soo Socda Jeexno Wado Horumar Ah"

Hargeysa(HWN)-Maareeyaha Cusub Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), Ayaa Xilkii Kala Wareegay Maareeyihii Hore Ee Hay’addaasi Cabdi Maxamed Rodol Oo Uu Dhawaan Xilka Ka Qaaday Muuse Biixi Cabdi.




Munaasibada Xil-Wareejinta Oo Ka Qabsoontay Xarunta Guud Ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Ee Magaalada Hargeysa, Ayaa Waxa Ka Qaybgalay Masuuliyiin Ka Socday Laama Xukuumadda iyo Wakiillo Ka Socday Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Marti-Sharaf Kale.


Maareeyaha Hore Ee Xilka Wareejiyey Cabdi Maxamed Rodol Oo Ugu Horayn Xafladdaasi Hadal Ka Jeediyey, Ayaa Ka Waramay Waxyaabihii Ugu Muhiimsanaa Ee U Qabsoomay Intii Uu Xilka Hayey, Waxaanu Sheegay Inay Dib-Hagaajin Iyo Casriyeyn Uu Ku Sameeyey Dhabaha Diyaaraduhu Ka Duullaan,gaar ahaan Calaamadaha Runway-ga oo Sameeyey Dhamaan Caalamadaha Lagama Maarmaanka Ah Ee Diyaaraadaha adeegsadaan.


Maareeyaha Cusub Ee Xilka La Wareegay Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay, Ayaa Sheegay In Uu Karti, Aqoon Iyo Waayo-Aragnimo Wixii Uu Leeyahayba Gelin Doono Horumarinta Hay’adda Duulimaadyada Iyo Maamulka Madaarada, Kaashanna Doono Shaqaalaha Kala Duwan Ee Halkaasi Ka Howl-Gala.”Aad Iyo Aadbaan Ugu Faraxsanahay In Aan La Wareego Xilka Hay’adda Duulista Iyo Madaarada Oo Aan Muddo Dheer Ka Soo Shaqaynayey. Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Mahad-Celinayaa Madaxweynaha JSL Oo Xilalka Qaranka Laf-Dhabartoodii U Dhiibay Dhalinyarada”Ayuu Yidhi Maareeye Cumar Sayid.


Maareeyuhu Isagoo Hadalka Sii Wada Waxa Uu Balan Qaaday "Anigoo Adeegsanaya Khubarada, Agaasimeyaasha Iyo Shaqaalaha Hay’addan Waxaan Rajjeynayaa In Aanu Sanadaha Soo Socda Jeexno Wado Horumar Ah Oo Uu Qarankani U Aayo Oo Ah Higsiga Ay Higsanayaan Madaarradu”Ayuu Raaciyey.


Intii ay jirtay xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayay hoos udhicii Ubalaadhnaa ay wajahday Hawada Somaliland, taasi oo sababtay in si buuxda Hawada Somaliland looga Maamulo Muqdisho.

Loading...
Loading...