Rooble oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Shabeellaha Hoose

0
Tuesday April 06, 2021 - 09:54:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Shabeellaha Hoose

    Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaaca dalka, waxaana uu u ballan qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaaca dalka, waxaana uu u ballan qaaday




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay weerarkii maalmo kahor  Saldhiyada Awdheeglle iyo Bariire.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaaca dalka, waxaana uu u ballan qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya u heellan tahay daryeelkooda.

 

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa, iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la keenay Askartii kusoo dhaawacantay weerarkii  Saldhiyada Ciidamada ee Awdheeglle iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona  Dowladda ay guulo ka sheegteen weerarka.


Loading...
Loading...