Fariinta Muqdisho: Ma Aqbalayno Kelitalisnimo Qabiil

0
Tuesday April 06, 2021 - 09:31:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariinta Muqdisho: Ma Aqbalayno Kelitalisnimo Qabiil

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Dawladnimadu maaha hanti gaar ah oo uu leeyahay qof, koox, ama qabiil balse waa hanti guud oo ay xuquuq ahaan ummaddu u wada leedahay una simantahay sida loogu simanyahay waajibaadka dalka. Dawladnimada ta ugu xun ee ummad ku habsata waa ta ku salaysan kelitalisnimo qabiil oo wax ummadda ka dhaxeeya lagu naaxiyo laguna koriyo qabiil gaar ah inta kalena lagu dhibaateeyo looguna geysto tacadiyo dabadeedna ay cadaawad ka dhalato dulmigaas muddo aakhirkana qaraxdo lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo lagu hoobto sida kelitalisnimadii qabiilka ee Siyaad Barre.

 

Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu markiiba ka baxay dhammaan ballanqaadyadii uu u sameeyay ummadda Somalia markii uu u tartamayay doorashada madaxweynaha dalka. Waxaa uu xukunkiisa ku bilaabay burburin maamul-goboleedyada, baarlamaanka, fulinta iyo garsoorka si uu u noqdo keliyaliye sida la aaminsanyahay ay kula tasheen kelitaliye Abiy Ahmed iyo kelitaliye Isaias Afwerkii oo qaybweyn ku leh maamulidda Somalia, waana sababta uu Farmaajo u horjoogo in dalka laga qabto doorasho xalaal ah oo uu ku tago. Waxaa uu bilaabay dhisidda kelitalisnimo labaad ee Mareexaan, waxaanu laalay Dastuurkii iyo dhammaan shuruucdii dalka kuna bedelay wareegto uu gacantiisa ku qoro kuna xukumo dalka sidii Taliskii Siyaad Barre.

 

Farmaajo waxa uu samaystay koox u dhalatay Somalia siiba Muqdisho iyo koox ka timid Somaliland, NFD, Somali Galbeed iyo Jabuuti oo dadka Muqdisho u laba-dibleeya una garba-duuba si uu ugu sandulleeyo kelitalisnimada qabiilka, beeshiisana ugu naaxiyo xuquuqda dawladnimada ee ummadda ka dhaxaysa, sida uu hadaba ugu taxay jagooyinkii, derajooyinkii, ganacsigii, mashaariicdii horumarinta, safiiradii, qunsuladii ka dhaxeeyay ummadda isla markaana ugu tagrifalay hantidii ummadda, hubkii dalkana gacanta u geshay beeshiisa sidii Siyaad Barre, taas oo macnaheedu tahay qabiil raba inuu ummad dhan gumaysto.

 

Kooxahaas oo laaluush-ku-nool, xaraan ku-naax-ah waxay buste saaraan kelitalisnimada qabiilka ku dhisan ee Farmaajo waxayna ku wacdiyaan dadka Somalinimo, wadaninimo iyo dawladnimo been ah oo ay ku qaraabtaan. Kooxahaas, oo ah calooshood-u-shaqaystayaal, dan kama laha dadka iyo dalka midna.

 

Kooxda Mareexaan ee maanta Baraha Bulshada ka difaacda Farmaajo kana ammaanta waxay iskugu jiraan laba qaybood. Qayb da’weyn oo iyagu la yaab aan lahayn inay dulmiga ku taageeraan Farmaajo waayo waxay arkaan in marlabaad loo loogay dawladnimadii Somaliyeed oo ay hore ugu mameen, dhibaatooyin laxaad leh ku geysteen xilligii Taliskii Siyaad Barre. Qaybta kale waa dhallinyaro dhalatay kadib rididii Taliskii Siyaad Barre oo malaha maqla waalidkood oo weli ammaana Taliskii Siyaad Barre una sheegin ubadkooda in xukunkii Siyaad Barre dad iyo dalba lagu dumay, Somali ku kala tagtay, sidaas daraadeedna aanay marnaba habboonayn in la ammaano xukun kelitalis ah oo laga dhaxlo dagaal sokeeye.

 

Waxaad moodaa in Beesha Mareexaan si fudud u ilowday cawaaqib-xumadii laga dhaxlay xukunkii Siyaad Barre oo aanay waayaha waxba ku qaadan isna qaban, oo haddii ay ku fashilmeen inay Soomaali ka qabtaan Siyaad Barre ay waajib ku ahayd inay kan maanta, Farmaajo, ka qabtaan. Mareexaan waxaa uu maanta magac iyo sharafba ku yeelanlahaa haddii inta ay isku tagaan qabtaan Farmaajo oo dhammaystay 4tiisii sano kana fujiyaan kursiga Soomaali ka dhaxeeya ee uu ku dheganyahay, dadka iyo dalkuna ka badbaadilahaa burbur labaad, iyaguna ka badbaadilahaayeen taariikh xumo tii hore ka xun oo aan dib dambe loo aamineen haddii Farmaajana dagaal dhibaato keena lagu rido.

 

Mudadii 4ta sano ahayd ee Mohamed Abdullahi Farmaajo xukumayay dalka waxa uu madax dalal shisheeye (Itoobiya iyo Eratariya) la galay heshiisyo sharcidarro ah oo uu ka qariyay baarlamaanka dalka oo xaq u lahaa inuu ka doodo dabadeedna diido ama oggolaado, arrintaasuna waxay lid ku tahay dawladnimada iyo qaranimada Somalia. Farmaajo waxaa kale oo uu ku kacay arrimo badan, sida hoos ku qoran, oo iyaguna lid ku ah xasiloonida, nabadda, dawladnimada iyo qaranimada Somalia, horseedna u ah kelitalisnimo qabiil oo fool xun. Mohamed Farmaajo ay soo dhaweysay, sharaftayna Muqdisho loona dooratay madaxweyne oo la aaminay ayaa markiiba intuu ummadda iyo dalkaba ku wacad-furay noqday:

 

1. Nin sharaftii, xurmadii iyo maqaamkii dawladnimo tuuray oo laalay iskuna-bedelay kelitaliye, ciil-qabe cadow ah oo u haliilsan cabbudhinta iyo laynta dadkii doortay kuna bilaabay weeraro iyo dilal qorshaysan. Waxaa shacabka Muqdisho markiiba lagu bilaabay in jidadka magaalada laga xiro taas oo si joogto ah u cunaqabataysa nolosha iyo dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada iyada oo maamulku isku magacaabo: "NOLOL IYO NABAD.”

 

2. Nin go’aansaday inuu ciidamo sir ah samaysto si uu si toos ah iyo si dadbanba ugu ugaarsado una laayo birmageyda, madaxda iyo dhallinyarada isla markaana dhistay ciidan qabiil si shacabka loogu sandulleeyo kelitalisnimada qabiilka.

 

3. Nin cashuurta uu Muqdisho ka qaado aan waxba ugu qaban balse qayb tolkiisa iyo degaankiisa ku bixiya, qaybna Facebookga ku kiraysta kooxo (CBB) qabyaalad sumaysan iyo danaystinimo isku bahaystay iyo warbaahinno si sharafta iyo milgaha dadka ay u aflagaadeeyaan una caayaan iyaga oo Diin, dhaqan iyo xeer midna dhawran, taariikh aan rabin mid xun mooyee oo wadaninimada, qaranimada iyo dawladnimada siista sandareerto xaaraan ah, Farmaajana, sidii Siyaad Barre, u miisa ammaan aanu marnaba kasban balse ah dhaqanka foosha xun ee kelitalisnimada, qaybna ku bixiya laaluush uu siiyo kaba-qaadayaal uu ku fushado danihiisa gaarka ah ee KURSI isku dhejinta iyo kelitalisnimada isla markaana iskaga-horkeena dadka si uu dullinimo iyo gunnimo ugu xukumo.

 

4. Nin hubkii dalku wada lahaa barna degaankiisa u raray barna haysta si uu dadka ugu cabburiyo uguna laayo. Nin yiri dadku iguma banaanbixikaraan oo ra’yigooda ma cabbirikaraan haddii ay isku dayaana xabbad ayaan la dhacayaa sidii dhacday 18kii, 19kii February 2021 oo lagu diligaaray madaxweynayaashii hore ee Somalia Hassan Shiikh Mohamuud, Shiikh Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisal wasaarihii hore, Hassan Ali Khayre, iyo musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, shacabna kas loogu dilay, waa arrin halis ah waana qiso ku ugub taariikhda Somalia, waa casharada ay bixiyaan kelitaliyayaasha manaxaanka ah sida Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki.

 

5. Nin inta la doortay ummadduna rajo weyn ka muujisay, haddana 3 sano horjoogay lana dagaalamayay in doorasho dalka laga qabto welina diidan isla markaana xagal-daaciya oo fashiliya wadahadalkasta iyo kulankasta oo doorashada lagaga hadlayo si uu Somalia xoog ugu xukumo oo ummadda iyo beesha caalamkuba la yaabanyihiin.

 

6. Nin si cad ugu leh dadka Muqdisho: "Ama MUQDISHO ayaan dhulka la simayaa ama xoog ayaa idinku xukumayaa idinkuna gumaysanayaa oo xataa fahmila’ in sharafta dadku ka qiimo badantahay daaraha uu u dhaaranayo oo haddii ay dumaan la dhisankaro. Waxa uu fahmila’yahay in daar dheer oo qurux-badan oo qofku ugu dhex-noolaado dullinimo iyo gunnimo ay ka sharaf badan tahay in burburka xoraynteeda uu qofku ugu dhex-noolaado sharaf iyo cisi. Waxaa xoraynta u baahan waa dhulka ee maaha daar. Magaalooyin badan oo qurux-badan ayaa dhulka lala simay maantana kuwo kasii qurux-badan ayaa dib looga dhisay dhulkoodii.

 

7. Nin nacaybka, xumaanta, dhagar-qabnimada, ciilqabnimada iyo macangagnimada uu qabo aan weli wax la mid ah aanay Soomaali soo marin kana tegidoona dhaxal xumo in badan oo maanta jecel ay ka qoomamayn taageeradiisa haddii dagaal xukunka looga tuuro, waana arrin taariikhda dhacda oo aan la hurin. Siyaad Barre ayaa intuu xukunkii dalka ku qabsaday afgembi 21kii October, 1969 una bixiyay KACAAN si aan loo fahmin dabadeedna dalka ku xukumayay kelitalisnimo qabiil 21 sano, markii dambana qabiilkaasu isaga oo mindida daabkeeda haya ku duulay Isaaq, Somaalina ku kiciyay nacayb awgeed una geystay gummaad iyo burburweyn oo noqotay taariikh ma-guurto ah, kuwii cadaawadaas ka dambeeyayna ka dhaxleen taariikh xun oo aan weligood ka harayn. Maantana waxaa la rabaa in dhibaatadii loo geystay Isaaq mid la mid ah loo geysto Hawiye iyo Somalia inteeda kale, dhaxal xumaase laga qaadi.

 

Farmaajo waxbadan ayaa looga digay maamulka kelitalisnimada qabiilka ee uu markiiba dalka ka bilaabay, waxbadan ayaa loo sheegay inuu dalka ku wado jid aad u khaldan, waxbadan ayaa loo qeexay in dulmiga iyo tacadiyada uu dalka ku hayo ay horseedikaraan dagaal sokeeye. Farmaajo intaba dhegaha ayuu ka furaysta. Maanta waxa Muqdisho taagantahay: Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.

 

Dagaal wax lagu degdego maaha, Farmaajo iyo kooxdiisana wax la sii daawankaro maaha. Haddii aanu si deg deg ah uga tanaasulin kelitalisnimada qabiilka kana harin doorashada maadaama uu dembiyo galay mardambana aan la aaminkarin, sharaftii ummadda Somaliyeed iyo dawladnimadiina uu dhulka ku jiiday waa in la iska xoreeyaa. Allaah (SWT) waxaa uu naftiisa ka xarrimay dulmiga, mana oggola in adoomihiisu is-dulmiyaan, sidaas ayay waajib ku tahay in jihaad lala galo Farmaajo iyo kooxdiisa oo laga xoreeyo dalka, dadka iyo dawladnimda Somalia. Taariikhda halgamada lama hayo ciidan xaq u dirir ah oo lagaga adkaado dhulkiisa oo ay taakulaynayaan dadweynihiisu, hubkastaba nacabku ha haysto, inkastaba dagaalku ha qaatee.

 

Waxaa Somalia qabsaday kelitaliye waxa uu ku hadlo ay been tahay, waxa uu bixiyo ay laaluush tahay, waxa uu amrana ay dhagar tahay. Waa koox ku milantay Shabaab oo u dhaqanta sida maafiyda oo aan dawladnimo iyo qaranimo midna rabin balse danahooda shakhsiga iyo qabyaalad u burburiyay sumcadii Somalia, hantida ummadana si xun u booba. Waa koox Adduunyada iyo Aakhiraba ka dooratay dulmi iyo fasaad ay masiirka ummad Muslim ah ku geliyaan halis. Waa koox sharaftii iyo karaamadaii dadka, dalka, qaranimada iyo dawladnimada Somalia ku riday god dheer, oodana u rogtay. Muqdisho waa weyrax, way caraysantahay, waa soo jeesatay waxayna la mid "WARAABE DAALAY, DIRIRTIISAA LOO TAGAA.”

 

Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, doorasho xalaal ahna ay rajo-beel noqoto, MUQDISHO waa ma hurto inuu ka bilowdo dagaal sokeeye la iskaga xoraynayo gunnimada iyo dullinimada kelitalisnimada qabiilka ee Farmaajo laguna soo celinayo sharaftii, karaamadii ummadda, dalka, qaranimada iyo dawladnimada Somalia. Muqdisho marnaba ma aqbalayso kelitalisnimo qabiil.

 

AUN Gabyaagii Salaan Carrabey waxaa uu yiri:

************************************

Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye.

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dheragu xaaraane.

Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye.

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

———————————————————

AUN Gabyaagii Ahmed Ismaciil Diiriye (Qaasim) waxaa uu yiri:

*************************************

Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe.

Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye.

Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne.

Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye.

Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye.

Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye.

 

#Ibrahim Hassan Gagale

April 5, 2021


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...