Xildhibaanka Kaynta

0
Tuesday April 06, 2021 - 09:23:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanka Kaynta

    W/Q: Farxaan Maxamuud Maxamed—Dhegey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Farxaan Maxamuud Maxamed—Dhegey

Doorashadu waa fursadda lagu kala saaro dadka u hanqaltaagaya inay xilal qabtaan. Waa dhabbe wanaagsan oo lagu heli karo kuwa ku habboon xilalka kala duwan ee loo tartamayo, waxay se u baahan tahay in habka-doorasho isaga laftiisa la doorto—loo sameeyo sharci iyo shuruudo qeexan oo aan cidina ka tallaabsan karin. Khasab waxa ah in ay jiraan dhawr ammuurood:



B.Sharcigii lagu maamulayey doorashada

T.Caddaaladdii/hufnaan madax bannaan

J.Fulintii xukuumadeed (aanay noqon wax reeraha iyo qabiilooyinku eryadaan oo iyagu sharci iyo xeerrar u dejistaan). Sidoo kale, sharciga haddii aan lagu dhaqmin oo aan la hawlgelin, hawshiina socoto iyadoo xeer-sharciyeedka la xagal daacinayo waxay kolkaa ka dhigan tahay sharci la'aan.


Soomaalilaan oo gobollada kale ee Soomaalida kaga duwan hannaan doorasho xor iyo xalaal ah, bal se reernimadii ku laaqan tahay oo ay si qotoysan u la falgashan tahay. Dunidu se ku ammaanto maadaama arrintani aanay ka jirin Afrika inteeda badan, si guud waa u guul bogaadin mudan; waana tilmaan ilbaxnimo iyo bislaansho tibaaxaysa. Doorashada qof iyo cod ahi hadda Soomaalilaan way labaatan jirsatay oo laba sano-tobnaad ayay buuxisay. Halka se ay ka cayn-wareegsan tahay ee tallaabo ka qaadi wayday ee hore uga socon wayday waa qaddiyadda 'Qabiilka', haddaan si kale u dhigana hal meel ayay taagan tahay illaa 2001 dii illaa maanta oo ay tahay 2021. Waa caddillaansho iyo korriin la'aan kaalin door ah lumiyey. Waxa intaa dheer in ay hadda aad u xoogaysatay oo xad walba gaadhay.


Doorashada isku lammaan ee G. Wakiillada iyo G.Deegaanka oo hadda soo wajahan waxay leedahay sawaxan duureed dawladnimada lidku ah, durbaannada reeraha ayaa daryaamaya. Hoggaan-dhaqaneed ka kala duwan ayaa shirar iyo shawr kula jira reerahooda, dulucdooduna waa tolla'ay iyo talka iyo wixii reerka u dan ah. Ayaan-darro maba aha hawsha socotaa mid hoggaan-dhaqaneed qusaysa bal se cidla ayay ka heleen. Oo haddii xukuumaddihii hawshan lahaa jahayn iyo jawi sugan keeni waayeen miyaanay hoggaan-dhaqaneedku kolkaa cidla ka helin? Haa , way ka heleen. Walaaca ugu wayn ee tayada dawladeed iyo in sharciga la gu saleeyo hawlaha qaran hortaagan waxa ka mid ah hannaanka reer reerka ee xukuumaduhu naaxiyeen.


Waxa hadda socota reerihii marka qof ku dhawaaqo in uu musharrax yahay u taagan G.Wakiillada, waxa dhacaysa isla xaafaddaa in ay xubno kalena ku dhawaaqaan inay musharrixiin yihiin. Cudurka ugu wayni halkan ayuu ka bilaabmayaa. Halkan ma jirto xukuumad soo faragashanaysa oo jaangoynta xubintaa doorku leh. Kaalintaana waxa buuxiyey reerka/tolka; reerkii halkii ay dadkaa tartamayaasha ah aqoon iyo karti ku kala saari lahaayeen, taasi ma dhacdo. Waayo xeerka qabiillada kuma jirtoba aqoon iyo karti, keliya waxa kira "kumaa wax cuni kara oo lala cuni karaa ama kuma dhiig leh oo reerahaa aynnu is haynno hadhaw runta u sheegi kara"? Taasi waa halbeegga reerku ku xulanayaan xildhibaankooda! Hana yaabin, haddaan idhi 'Xildhibaankooda'. Waayo waa sax in aan idhaahdo xildhibaankooda — saa halkan xildhibaan qaran ma joogo e.


Kala saariddii musharrixiintu waxay khasbaysaa in laysla tago tuulooyinkii iyo halkii reerku deganaa, ka dibna odayaal kaymahooda iska jooga oo kaymahooda ku sharfan, noloshoodii iyo xoolahoodiina halkaa ku haysta ayaa shirgelaya; shirka lagu kala saarayo tartamayaashaa waxa saldhig u ah —dareenkii kaynta ee wax iska celinta iyo wax cantuugista ku dhisna— guddi-kaymeeddii waxay soo xulayaan ka ay u arkaan in uu yahay ka ugu dhow xeerka kaynta, waxa halkaa ka soo baxa kii ugu liitay aqoon ahaan iyo aragti ahaan; waa qofka tolla'ayda iyo tolku kala wayn yahay qarannimada maadaama ay arkeen in uu reerka dantooda ku meteli karo, dantaas oo ah taynnu kor ku sheegnay. Halkaa waxa ka soo baxaya xildhibaankii kaynta oo ka madhan qaran dhis iyo u qalmidda xilka wakiilknimo ee xeerdejinta dalka. Aqoon ahaan iyo aragti ahaanba haddii uu madhan yahay qofkaa la soo xulay, xeerdejintii dalka oo dheellitirihii sharciga ahaana wuxu noqonaya gole magac ah oo haawanaya. Guddidaa kayntu iyagu dembi maleh waa odayaal ku sharfan sida ay u noolyihiin, waxay wax ku soo xuleenna waa wixii ay yaqaanneen.


Xildhibaankii kaynta marka xaafaddu soo dhammayso hawshiisa isaga/iyada oo la wado ayaa Xisbiyada mid ka mid ah la keenayaa, ayaan-darrada kale xisbgiina malaha siyaasad ma dhaqaaqdo ah oo musharrixiinta xisbigaa iska sharraxaya loo dejiyey waana calaamad muujinaysa in ay xisbiyaduna cidla yihiin, keliya cod uun doonayaan bal se qorshahoodu qaran hagaajin ka madhan yahay. Haddii ay dhacdo in xisbigu ka hadlo xubintaa loo keenay. Odayaashii kaynta iyo caaqilladoodii ayaa halkan tuban oo hanjabaad ayay ku gooddinayaan ay leeyihiin "kan baannu wadannaa, isaga ayaannu soo saaraynaa haddaanu annaga nahay, haddii kale haddaannu xisbi hebel iska sharraxaynaa"


Xisbigii cod buu eeganayaa wax kale dantiisa ma aha sidaana duuduub ayuu ku qaadanayaa musharrixii loo keenay. Waa sababta aynnu u maqallo haddaannu reer hebel nahay maanta xisbi hebel ayaannu xildhibaankayagii ku wareejinnay, hadda qofka la wareejinayaa mabda'ahaan waxa dhici karta in aanu xisbigaba taageersanayn! Waa se damiir laawe kaynta lagu soo sameeyay.


Halkaa waxa is raacay xisbiyadii oo cod uun raadinaya bal se aan tayada shiqsiga dan ka lahayn, iyo cidda soo xulaysa xildhibaanka oo labadoodaba xaalkooda aynnu kor kusoo xusnay. Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranku waa kuwa ceebta ugu wayn leh, Golihii Wakiillada ayaa qofka isu sharraxaya shuruuddiisa aqooneed laga dhigay 'Dugsi Sare' iska daa Golaha Wakiillada e Golaha Deegaanka ayaanay ahayn in keliya dugsi sare laga dhigo. Bal muxuu sharci dejinta dalka wakiil kaga noqon karaa qof aqoontiisuba dugsi sare taagan tahay? Nasiib xumaba nasiib xuma kale ayay sii kordhisay.


Mar haddii xaal sidaa yahay, iswayddiinta wayni waxay noqonaysaa xaggee wax ka qalloocdeen? maxaa sababay in halkaa la taagnaado oo magaca dawladeed sidaa u dullaysnaado? Warcelintu waa mid sida cadceedda u cad oon daahnayn feker iyo daalla mudnayn; halka hoobadka laga galay ee laga kici waayey waa hoggaaminta soddon jirsatay illaa 1991-kii, illaa maanta 2021 ayay hal majare haystaa; majaraha iska qayil-fadhiga iyo qabiil ku baanka. Waa halka waxkasta oo qalloocday iyo goldaloolo kastaa u noqonayso. Heshiis bulsheedkii dawliga ahaa, dadkana ka wakiilka ahaa (social contract) — waa halka uu magaca uun ku noqday ee masuuliyaddiisii lumisay. Godkaa ayay fadhiyaan cudurrada: qabyaaladda, faqriga, horumar la'aanta, foolxumada saynsaabka xukuumadeed, caddaalad-darrada, jahliga iyo jaho la'aanta shacabkuba. Inta hoggaamintu ay sidaa u xanuunsan tahayna xal in la helaa suuragalba maaha! Sababtuna waxay tahay, dawlad uun baa wax beddesha shacabku waa rejo sugayaal uun. Waxan daawaday madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey doorashada soosocota, hadalkiisa oo dulucdiisu ahayd in qofkasta oo doorashada soo socota xubnaha wakiillada iyo deegaanka loo xulayo ciddii si uun ugu luglihi in ay daacad ka noqoto, ayaa sidan yidhi "Cidina idinku faragelinmayso oo idin la soo xulimayso musharrixiinta ee qof walaw ilaahay ka baq oo daacad ka ahow soo xulidda musharrixiinta"


Weedhaa madaxwaynuhu yidhi ma xuma erey ahaan, waa talo qof caadiya. Waxay se dibadda ka tahay hoggaamintii iyo hadal hoggaamiye toonna. Marka madaxwaynihii dalka hoggaamintiisa u xilsaarraa odayaasha kaynta jooga ku leeyahay inoo soo xula dad wanaagsan, kaalintii hoggaamineed ee samayn lahayd wanaagga la doonayana ay dibadda ka joogto, kolkaa maxaa socda? Xaggee se loo socdaa? Waa socod iska sabbayn ah iyo hoggaan magac ah. Kaalinta maqani waxay tahay in dawladdu shuruudo u yeesho hannaanka musharrixiinta lagu soo xulayo, oo Guddida Doorashooyin ka la sii mariyo si loo helo dad ku habboon halka ay tegayaan. hoggaaminta dalka oo hiraalkeedii aadame iyo hayaaminteedii qaran wadata ayaa arrimahan ka masuul ah. Maaha shaqo u taalla beel, reer, iyo qofaftoonna. Habaw-hoggaaneed kani maaha mid Muuse ka dhashay ama la kawsaday, waa se mid soo taxnaa illaa iyo bilawgii dib-u-helista.


Golaha Wakiillada oo ah dheellitirihii iyo rugni sharciyeedkii ugu cuslaa dawladnimada, kana masuula samaynta, saxidda, dabagalista, iyo hubin sharciyeedka hawlaha qaranka oodhan. Golaha muhiimaddiisu sidaa u wayn tahay, miyuu geyaa in kaymaha lagu qaybsado qorshe la'aan! Oo halkii ugu sarraysay dalka ay yimaaddaan dad aqoon ahaanna buuxin karin, aragti ahaanna dadkii la waday ee xisbiyada loo geynayey ahaa, mabda'ahaanna aaminsan in uu reer u shaqeeyo oo xaafad u yahay wakiil; xildhibaanka sidaa ah, ee sidaa ku yimi muxuu qaran ugu jilin yahay? Marka se saddexdii dhadhaar ee dawladnimada kii ugu mudnaa halkaa ku dhacay, labada kalena halkay tegayaan? Sow cidla iyo fadhigii uun maaha! In yar oo aad u kooban mooyaane, xubnaha golayaasha soo foolleh sidaa ayay yihiin, in ay hawshooda shaqo si wanaagsan u gutaanna waxa ka horraysa in iyagu wanaagsan yihiin waddo wanaagsana ku yimaaddeen.


Hoggaan xumadu waxay keentay in masuuliyaddii xukuumadeed la waayo oo ay asqawdo, waana ta keentay in xeerrar kii kaymuhu xukuumad ahaan u shaqeeyaan oo xildhibaanno iyo sharciyo samaystaan. Hoggaan xumadu waxay u gogol-xaadhay oo dhabbaha u sallaxday dad aan aragti maamul iyo milge qaran maalin ka fekerin, keliya doonaya hanti xaaraan ah oo ay helaan, waayo waxay ogyihiin in aanu jirin sharci qabanaya oo ku qaadaya dembiga ay galaan. Dhanka kalena waxay ogyihiin in uu jiro xeerkii kaymaha oo iyaga difaacaya. Xeerka tolka waxa qaran u ah 'reer'ka. Sababtaa awgeed ayuu tuugga qaranka dhacay ee dhibay u difaacaa. Dalladda reerka waxa ku difaacan oo ku soo baxa doxorrada iyo damiir laawe yaashii ay ahayd in ummadda aanay hor iman ayaa ah kuwa iyagu talada ku magcaabnaada!


Hoggaaminta xumaatay waxa ka dhashay derbiyo adag oo aragti-kaymeed ku dhisan, taako iyo xannibaadna ku ah dadkii xilalka ku habboonaa, dhinaca kalena soo dhawaynaya kuwa qarannimada lidka ku ah ee reernimada iyo jahli mawjadeedka xambaarsan. Kuwaasina waxay xumeeyeen/xumaynayaan aayihii dadka iyo dalka; iyaga ayaana lagu karbaashnaanayaa oo hammigii ummadeed dhulka la gelaya. Waxad mooddaa in aynu ku karbaashannahay kuwii uu Filasoofar Plato sheegayey muddo hadda laga joogo laba kun iyo dheeraad sano ee uu lahaa

... "The penalty that good men pay for not being interested in politics is to be governed by men worse than themselves. —Plato"


weedhan oo dulucdeedu tahay: haddii masiirka ummadeed gudashadiisa laga gaabiyo, loona oggolaado inay abhallada iyo ardaalladu ku tagrifalaan, waxay keentaa in dulleeye yaasha loo dulloobo! Ayaan-darradu se waxay tahay —innaga dib u carrawga iyo habaas fadhiga ayaaba guul ah— waa sababta qof gaajoonayaa laabta u garaaco isagoo wixii ugu mudnaa ee noloshiisuba ku xidhnayd aan haysan.


Way ila dheeraataye, in la rejo dhigo oo la quustaa waxay ka dhigan tahay is dhiibid. Waxa se yaalla waaqac adag iyo hawl wax ka qabadkeedu qarniyaal qaadanayo, waxayna u eegtahay in jiilka aan ka mid ahay sidaa kaga dheelman doono iyadoon waxba is beddelin. Waxa se rejo ka muuqaataa in aqoontu kobcayso, inkasta oo hannaanka kaymaha iyo duqaydii lixdankii, toddobaatankii, sideetankii, iyo sagaashankiiba ay weli lidwayn ku yihiin nolosha toolmoon ee qarannimo mooyaane aan qiil kale hawaysan. Kobocaa bidhiiqaya ee xuurtaysani wuxu u muuqdaa mid garaadka iyo garashada xornimadeed ka hawl gelidoona, oo diidi doona dambaska jahliga iyo dareenka reer reerka ee duurka looga taliyo.


Farxaan Maxamuud Maxamed—Dhegey

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...