Maydh iyo Xiis

0
Tuesday April 06, 2021 - 09:09:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maydh iyo Xiis

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

 

Magacyadan Maydh iyo Xiis, waa magacyo dalka Yaman inooga yimid, oo Yamanta ayaa inoo soo waariddey, oo Yamanta ayaa magaalo-xeebeedyadeena ula baxdey, ama u bixisey; oo inaguna magacyadaas ayaynu ugu wan-qalney.




  1. Maydh ama Maydi (ميدي) waa degmo ka tirsan gobolka Xija, ee dalka Yaman.
  2. Xiis ama Xays (حيس) waa magaalo taariikh leh, oo gobolka Xudeyda, ee dalka Yaman ka tirsan. Boqor Xiis (Xays) Bin Yariim ayaa magaaladan Xiis (Xays)  aasaasey. Sidaas darteed, isaga ayaa magaaladan Xiis (Xays) loogu magac-darey.

Sideedaba, Yamantu, xidhiidh soo-jireen ah, ayay xeebaheenna la lahaan jirtey, oo saameyn badan ayay xeebaheenna kaga tagtey. Yamantu, qaxitaan, tacabirid, ganacsi iyo diin fidin, ayay inagu soo gaadhey.


Tusaale:

Dagaal-qabiileed iyo dagaal diimeed, ayaa Yamanta soo daashadey, oo in badan kala qaxiyey. Sidaas darteed, muhaajiriin badan, oo qabiilka Aala-Isxaaq ay ka mid ahaayeen, ayaa xeebaheenna, sida Maydh iyo Xiis, waqtiyo kala duwan iyo ujeeddooyin kala gaar ahaaneed, ku soo kala gaadhey.

 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...