Diiday Ruux Ma Odhan Karo, Lama Xidho Denbiilaha, Dimuqraadi Baan Ahay.

0
Tuesday April 06, 2021 - 09:05:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diiday Ruux Ma Odhan Karo, Lama Xidho Denbiilaha, Dimuqraadi Baan Ahay.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM[A.S.C.W.R.W.B],

 TU KHAAS AHANA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DOOLO DIBIGA JOOGA,DADKUUNBA U SHEEGEE,

   NABAD KUMA DAREERO,MA DAREEMIN WELIGII,

   DAWLAD BAANU NAHAY,DEMENAHA U SHEEGO,

   LAYGUMA DAGAAYE,HAY DABAALAD JOOGTAYN.

 

2-DUUL ABAARO IYO CUDUR,DEMEROY DHAMEEYEEN,

   DOORASHANAN GELAYAA,DIGASHUN KA SOO QAAD,

   DURBAANKIYO CIYAARA,DIBA INTOO U DHIGATAAN,

   DUUGEENA EEGTAAN,WUXUUNI INAY KA DOOGAAN.

 

3-DILAA WEEYE CUDURKANI,DAWO IYO DABIIB MA LEH,

    DAAYIN TALADA SAARTO,KALA DURUG AFKANA DUUB,

    DAAD WARARAC WEEYAAN,DIBIRUHU DANTIIN MOOGE,

    KU DILE IYO KU DAAWADE,BAL MAXAY ISDOORSHAAN. 

 

4-DURUUFTIYO DHIBAATADA,AY QABAAN DADWEYNUHU,

    DULMI IYO KU TUMASHIYO DIGASHANA U DHEERTAHAY,

    DANYAR INTII U DOODIYO,DAABACAADA IYO WERIYAHA,

    DIIDAY RUUX MA ODHAN KARO,LAMA XIDHO DENBIILAHA.

 

5-DIMUQRAADI WEEYAAN,DAWLADEENA FAAN BADAN,

    DERISKEENA QAARKOOD,TAAGAASAY U DUDAAYAAN,

    KU DAYASHAYNU MUDANAHAY,DUUL BAYNU DHAANA.

    DUNIDAYNU GAADHSIIN,KUWAAN DOORASHABA GELIN.

                                  ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...