Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Shirka Afisyoone

0
Monday April 05, 2021 - 21:51:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Shirka Afisyoone

    "Waxaan fahamsannahay qorshaha hoggaamiyayaasha ee ah inay wadaan wada-hadalladooda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan fahamsannahay qorshaha hoggaamiyayaasha ee ah inay wadaan wada-hadalladooda"

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dhiiri-gelisay ka qeyb-galka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka albaabadu u xiran yihiin ee wada-tashi ee ka socda Muqdisho.




Shirkan ayaa 3-4-tii bisha April ka dhacay Teendhada Afisyoone ee Muqdisho, wuxuuna horudhac u ahaa oo looga hadlayey ajnedaha shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashada.


Si katsaba, shirka ayaa maanta hakad la geliyey, waxaana la sheegay in idb la isugu laaban doono maalinta Talaadada ee berri ah, ayada oo weli aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay, ama isfaham looga gaaray arrimihii la isku hayey.


"Waxaan fahamsannahay qorshaha hoggaamiyayaasha ee ah inay wadaan wada-hadalladooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladan muhiimka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska QM.


Golaha amaanka ee QM ayaa sidoo Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida inay ka shaqeeyaan doorasho loo dhan yahay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, danta ummada Soomaaliyeed.


Baaqan ayaa ah kii labaad muddo bil gudaheed ah oo ay golahan oo ah kan ugu awoodda badan QM uu kasoo saaro arrimaha doorashada Soomaaliya.


Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.


VOA

Loading...
Loading...