HEYSKA DHIMAN
Muddo dheer ayaan rumeysnaa in noloshu hal u jeeddo leedahay, waana farxadda. Dhibaatoyin fara-badan iyo xanuunno aan ka seexan waayay kana harsan waayay, ayaan awgeed u maray. Habeenno badan iyo xitaa maalmo badan, ayaan iyada uun ka fikirayay, kuna fikiraayay. Dhabtii ma aanan ahayn qofka kaliya ee sidaas aamminsan, balse malaayiin iyo balaayiin ayaa sidaas qabay, haddana rumeysan. Bal u fiirso hareerahaaga, oo si dhaba u akhri dadka sida aadka ah kuugu dhow. U kuur-gal sida ay farxadda iyo qanaacada u doonayaan—Waxa ay dhammaantood eryanaayn farxad aan jid iyo jiho lahayn. Wax walba ayey samaynayaan qarash walbana waa ay hurayaan, si ay u helaan. Meel walba ayaan ka baadi-goobeynaa qanaacada heer ay dadku awgeed,dambiyo waawayn u galaan ama u galeenba.Taasi waa sababta aan u iibsanno sheeyo baqti ah oo aannaan u baahnayn. Waa sababta aan u la seexanno dad xun oo aynaan rabin, waana sababta aan nafteenna u cadaabno marka aan shaqo ku jirno, si ay noogu qancaan maammuleyaasheennu. Horta maxaan sidaas u samaynaa? Si dhaba haddaan kuula hadlo, aniga waxba igama gelin—Anigu saynisyahanna maahi—Waxaan xoogaa bawsadaa Dhaqanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha oo wax iiga billaabanyihiin, iyagaasna kuma sii xooggani—balse waa ogahay in la joogo, casrigii xogta(information age) sidaas darteed wax walba, wax uun baan ka aqaan, haba iska yaraadaane.
**
Waxaan nahay isla annaga, aaan taas ogaanno horta. Dadku waxa ay inta badan falanqeeyaan, sababta aanay u faraxsanayn. Sidaas oo kale waxa ay iskala doodaan waxa keenay in aanay noloshoodu u socon, sidii ay doonayeen. Taas anigu muhiim uma arko, wax waynba maaha intaas. Waxaan ka fikiraa taas beddelkeeda, sidii aan wax u hagaajin lahaa oo aanmar kale sheeyada uga dhigi lahaa,kuwo xisillan oo nagi. Sannad ka hor, sidooda ayaan u fikiri jiray, waxaanna ahaa mid iska raacdaysta farxadda,sida ay iyaguba, uga daba kadleeyaan. Sidaas baan ahaa iyo sidaan hoose. Waxbaad iibsanaysaa, adigoo moodaya in aad farxad ka helayso. Waad is –qurxinaysaa si aad dadka u soo jiidato adna isu soo jiidato, adigoo moodaya in taasi ku raalli-gelinayso. Dal-xiis baad u bexaysaa oo qarash badan baa kaa baxaya, adigoo rumaysan in ay farxadi kaa soo raaci doonto; balse dhammaadka maalinka iyo billawga habeenka inta u dhexaysa, ayaad sariirtaada daal kula soo dhecaysaa, wax walbana waa sidoodii. Inta sariirta isku dhacdiidiso, ayaad ka fikiraysaa waxa labaad oo ku farxad-geli kara, si aad ugu dhaqaaqdo. Waxaas aan jirin, baad iska dhaadhiciday oo si xun kuu lug-goynaya adna ma dareentid—dadkuna ma dareemaan—Intii dareentaana kuuma sheegto. Haddaba ma garanaysaa meesha xigta ee aad farxadda ka doonayso? Maya saan isleeyahay, waa tahay. Bal aan anigu kuu sheego. Waxaad raacdo ku yufeysaa wax kala firaarsan oo midba jiho u ordayo, sida boqol neef oo ari ah oo ri ba meel u carartay. Waa iska sidaas oo kale markaad tiraahdo farxad baan raadinayaa mar walba. Waxaan is-leeyahay Feylasoofkii caanka ahaa ee Aristootal, been buu noo sheegay. Wuxuu yiri " Macnaha iyo nuxurka noloshu waa farxadda” waxaan qabaa in oraahdaas laga eego dhinacyo badan, sidaas oo kalena lagu eego, indho badan. Maxaa wacay markii aad aqriso, waxaad is-leedahay ujeeddada loo noolyahayba, waan in la faraxsanaado. Bal malee inta faraxsan oo aan dunida waxba ka gelin! Farxad aan qiimo ku fadhin miyaa wax gasha?Sideedaba laba qosol isuma qalmaan:qosolka guulaystaha iyo qosolka guul-ma-doonaha. Labadaas qosol waxa ay u kala fogyihiin sida cirka iyo dhulku u kala fogyihiin. Ha layska wada faraxsanaado war socon kara maaha, laakiin dareemmadu nolosha ha u sinnaadaan. Sidaas ayaa ah sida caadiga ah oo ay ku dheelli-tirantahay.
**
Mar kasta oo aad samayso wax-qabadyo yar-yar, waa mar kasta oo hal-abuurkaagu tarmo, hab-fikirkaaguna kobco. Weligaa horta ma isku-dayday wax qiimo leh oo wax-gal ah? Wax uun macno leh, oo adduunkaaga iyo adigaba qiimo kuu leh. Sii dhex-geli maayo arrinkaaga, kaana dhex-sheekayn maayo. Maba aqaan sababta aan sidaas u yeelaayo balse mid dhab iga dheh: Dib u dhalo hadda oo maskaxdaada ka fur-fur, xarkaha tirada badan ee isku guntan. Ka tir-tir daxasha saaran, oo ku sifeey aqris fara-badan, kana har waxa aad raacdaynayso, oo wax cusub sameey. Tusaale ahaan: ka caawi maammulahaaga shaqo culus oo isaga u taal—calaashaan aan adiga kuu oollin—qodobkaasi waa xasaasi, oo billado ayaad ku mudan kartaa sida dhabta ah. Sidaas oo kale, hooyadaa xajka geey amaba aabbahaa. Qoraallo qor, sida maqaallo iyo kutubba. Caawi xaaskaaga, iyo cid kastoo garab kaaga baahan—Mararka qaar saaxiibbadaada la xiriir, oo waydii in ay caawinaad kaaga baahanyihiin—abuur ganacsi, ka dibna dad ka shaqaalaysii oo si wanaagsan ula dhaqan. Adigu wax uun sameey oo farxad qallalan ha eryannin, muhiimmaddu waa in aad gacmaha iyo maskaxda wax ka qabato ee ma ahan in aad xeebta qarkeeda ku faraxsanaato, adiga oo fara-maran.
**
Waxaad ka dhalatay bulsho soddon malyan iyo dheeraad ah, oo lagu sheego in ay dunida ka dambeeyaan—Waaba runoo, waaba ay ka dambeeyaan—balse dunidu meel ma jirto. Bulshadaas maalin walba kumannaan baa qabuuraha loo sii sidaa, kumannaankaasna qiyaas ahaan marka saddex dhig loo dhig, labo waxa ay ahaayeen sabool kabuhu ka go’ayaan. Intooda badan waxa ay ka tageen carruur iska oynaysa, oo dabkooda saddaqadu shidi doonto marka ciidda lagu rogoba, laakiin waxaa hubaal ah in iyadaasna beryo uun ahaan doonto—Waa saddaqadee— Ka dibna ay is hertama doonaan nolosha iyo reerku. Hablo qurux badan, dad wada bashaas ah iyo saaxiibbo badan adigoo leh, bay noloshu kaa dhammaanaysaa, balse inta aysan kaa dhammaan is waydii waxaad dhaxal ahaan uga tegi doonto? Anigu waxaan xusuustaa subax aan qolkeyga murugo kala soo toosay. Waxaan is waydiiyay "Haddii aad maanta dhimato, maxaad ummaddaada uga tegaysaa?” jawaabtu se waxa ay noqotay waxba, sidaas darteed isla subaxdaas, ayaan billaabay qoraalka, adiguna sidoo kale waxaad billaab kartaa farsamada casriga ah, kheyraadka dibiiciga ah iyo sida loo soo saaro, farsamada hubka iyo tan gawaarida, sawir-gacmeedyada, wax-soo-saarka kale ee casriga ah, macallinnimada, qoraalka, ganacsi loo aayo iyo hal-abuurro kale oo dadka iyo dalkaba wax u gala, adna wax kuu gala.
**
W/Q: Darius Foroux
Turjumaadda: Cabdisalaan-Ceeryaamo
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!