Shan Ka Mid Ah Ardayda Dugsiga Nuuraadiin Oo Xabsiga Lagu Hubsaday Iyo Halka Xadhigoodu Salka Ku Hayo
Shan Ka Mid Ah Ardayda Dugsiga Nuuraadiin Oo Xabsiga Lagu Hubsaday Iyo Halka Xadhigoodu Salka Ku Hayo
Hargeysa(HWN):-Maamulka dugsiga Nuuradiin oo xabsiga ku hubsaday qaar ka mid ah ardaydii sababay gadoodkii ka dhacay xarunta dugsiga sare ee magaalada Hargeysa.
shan arday oo ka mid ah ardaydii dugsiga Nuuradiin ayaa xabsiga lagu hubsaday, kuwaas oo ilaa hada xidhan, warbixin la shaaciyey ayaana soo bandhigtay in maamulka dugsiyada Nuuradiin uu xabsiga dhigay ardayaasi.
warbixinta lagu shaaciyey xadhiga ardayda ayaa u dhignayd sidan:-
Intaynaan ka sheekayn cidda ka masuulka ah xadhigga Xaynoosh iyo ardayda la xidhan, aynu isla eegno qodobadii ay wasaaradda waxbarashadu kasoo saartay rabshaddii ka dhacday dugsiga Nuuradiin qodob ka mid ah oo odhanayay:
"7. In maamulka dugsigu aanu ardayda iyo waalidiinta wax talaabo ah ka qaadin ilaa inta baadhista hay’adaha nabadgelyadu soo dhammaystirmayaan"
Waxaynu isla ognahay in aannu shaqo ku lahayn maamulaha ama mulkiilaha dugsiga Nuuradiin baadhintaanka ardayda iyo wixii sharci ahba, wasaaradda iyo gudidii loo xil saaray ayaa shaqo ku leh arrintan.
Muddo laga joogo bil iyo hal maalin ka hor oo ku beegan 03/03/2021 ayay rabshaddu dhacday sidaynu ogayn, go'aamada wasaaraduna waxay soo baxeen muddo todobaad ah kadib oo ku beegan 10/03/2021, inagoo sidaa og, waa kii mulkiilaha dugsiga Nuuradiin iskugu yeedhay waalidka markay bishu ahayd 18/03/2021, ugu danbayna siduu rabay ka sameeyay guddi soo saarta go'aanno iyo xeerar ay ku kala dhaqmaan ardayga iyo maamulayaashu. Markay taariikhdu ahayd 20/03/2021, ayuu mar labaad iskugu yeedhay gudidii waalidka uu ka dhex sameeyay, kadib is jiid-jiid badan oo cabasho iyo ciil badan muujiyay wuxuu waalidka iyo ardaydii oo is hor fadhida ugu soo gunaanaday "Ardayda waan saamaxay, waanna ardaydaydii" waalidkii, ardaydii iyo isagiiba sidii ayay isku ogaayeen.
Maanta oo ay bishu tahay 04/03/2021; waxa dugsiga Nuuradiin laga qaaday arday, waliba iyaga oo imtixaankii naqdinka ahaa ku jira, ugu danbayna waxaa la geeyay saldhigga Kood-Buur. Sidoo kale isagana waxaa xaafadda laga soo qaaday Xaynoosh Axmed Jaamac oo saldhigga Daloodho lagu xidhay. Waanna hawshii ee la soco.
Waxaan ku horaynay oo aannu booqonay ardaydii laga soo kaxeeyay dugsiga dhexdiisa kadib la keenay saldhigga iyagoo balcaddii ay waalidkood usoo galiyeen gashan! Waxaa lanoo sheegay in aan lanoo sii daynayn ilamaa hal qof mooyaanne, hal qof oo naga mid ah ayaa u tagay oo mid kamid ah soo arkay, kadibna kasoo noqday. Sidoo kale waxaan isku daynay in aannu booqano Xaynoosh, oo saldhigga Daloodho ku xidhan, isna waan u tagnay se' nasiib xumo way na diideen. Ugu danbayn hadalku wuxuu ku dhanyahay in aannay ardaydaasi u xidhnayn ama aannay soo xidhin gudidii loo xil saaray arrintii ka dhacday dugsigii Nuiradiin.
FG: haddii ay in uun uu kasoo baxday go'aankaasi wasaaradda ama gudidii; waxay soo qaadan lahaayeen warqad cad oo ay sharci ugu leeyihiin in ay ku xidheen se' arday lagu idhi "Kaalaya soo hubiya in bishii iskuulka laydunku leeyahay" kadibna sidii lagu soo xidho, macquul ma ahan in ay wasaaradda u xidhan yihiin. Waxaan aaminsanahayna in ay u xidhanyihiin Mulkiilaha digsiyada Nuuradiin.
![]() |
Loading...
Loading...