Dhakhtar Soo Bandhigay Xaalada Dhabta Ah Ee Magaalada Boorama Uu Galiyey Xanuunka Covid-19

0
Monday April 05, 2021 - 14:42:31 in News by
  • Visits: 1581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtar Soo Bandhigay Xaalada Dhabta Ah Ee Magaalada Boorama Uu Galiyey Xanuunka Covid-19

    Dhakhtar Soo Bandhigay Xaalada Dhabta Ah Ee Magaalada Boorama Uu Galiyey Xanuunka Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtar Soo Bandhigay Xaalada Dhabta Ah Ee Magaalada Boorama Uu Galiyey Xanuunka Covid-19


Hargeysa(HWN):-Dr. Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo ka mid ah dhakhaatiirta somaliland ayaa soo bandhigay xaalada dhabta ah uu xanuunka Covid-19 galiyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.



Dr. Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo bandhigay waxa uu kaga waramay heerka uu xanuunku ka marayo somaliland gaar ahaan magaalada Boorama oo uu cadeeyey inay meel khatar ah ka marayso xaaladu, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan


Abaaro 11:27 habeenimo ayaa waxa ila soo hadashay walaashay oo ii sheegtay in wiil aanu ilmaabti nahay naqasku ku dhagsan yahay, ka dibna waxa dhexda igaga hor yimid gaadhiga wiilka lagu waday oo ilaa dhakhtarka wayn ii dhaafay, markaan ka daba tagay waxa naloo sheegay in aanay wax OXYGEN ah aanay oolin dhakhtarka ee aanu gayno qaybta loogu talo galay in la dhigo dadka qaba COVID-19, oo ah qayb dhakhtarka wayn ku taala oo hore dadka qaaxada (TP) qaba la dhigi jiray. Anigaaba ka sii horeeyay oo markaan u tagay waxa ay ii sheegeen in aanay wax oxygen ah aanay meeshaba oolin, ka dib waxa aan wacay dhakhaatiir aan garanayo oo meelo kala duwan jooga si aan xog uga helo dhamaantood waxa ay ii sheegeen in aanay waxba iga caawin karin, ALLA CIIL BADANAA niyad jab wayn baa i haleelay, wiilkiina halkan buu sakaraad ku yahay, meel aan i ciirsano iyo cid na caawinaysaa ma jirto, marbay igu soo dhacday Hargaysa ma ula carartaa, hadana waxa aan isku qanciyay in uu dhexda ku naf baxo, ka dib waxa aan hadana naf biday dhakhtarada gaarka loo leeyahay oo aan hal mid mooyaane (Al-Hayaat) aan inta kale soo wada maray dhamaantood wax OXYGEN ah aanay oolin. ugu dambayn dhakhtar baan iska dhignay, intuu gaadhiga dhexdiisa ku naf bixi lahaa. Alhamdulilah ilaahay fadligii wiilkuu uu caafimaaday, imikana wax dhib ah ma qabo. Bal maxaad u malaynaysaa cida aan cid u or orada iyo cid wax u qabata aan haysan ee dowladii wax u qaban lahayd halkaas marayso.



Maanta mar aan dhakhtarka wayn booqday waxa aan la kulmay Hooyo ooyaysa oo cid wax uga qabanaysa aanan jirin, midh OXYGEN ah ma taalo, waxayna dhakhaatiirtii qaybta COVID-19 ka howlgalaysay ii sheegeen in labo cishaba aanay xabad OXYGEN ah helin. Waxa maroora dilaac ah in maalin walba dhakhtarkaa Boorama OXYGEN la’aan loogu dhimanayo, cid alle cid wax u qabanysa ma jirto, dowladii masuuliyadeeda lahaydna, meel loogu hagaago ma jirto, ILAAHAY BAAN KU DHAARTEE IN AAAN LAGA DABA HADHI DOONIN oo xisaab aduunyo iyo mid aakhiraba ay u taalo, cid walba oo xoolihii umada wax loogu qabanay jeebadaha ku shubatay.


Waxa aan u soo jeedinayaa in hadii aanay umadda waxba u qaban karayn boosaska baneeyaan, shaqo xumo iyo xoolaha umada oo aayar la dal dasho isma qabanaysee.


Waxa qoray: Abdirashid Abdi Jama


May be an image of road, tree and text that says 'THE BORAMA HOSPITAL WAS FUNDED BY THE EUROPEAN UNION EC MoHL BRH COOPI'

Loading...
Loading...