General Doolaal Oo Xabsiga Hargaysa Loo Taxaabay Iyo Doorka Uu Riyo Raac Kuleeyahy Xadhigiisa

0
Sunday April 04, 2021 - 21:45:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    General Doolaal Oo Xabsiga Hargaysa Loo Taxaabay Iyo Doorka Uu Riyo Raac Kuleeyahy Xadhigiisa

    "Doorka Uu Gudoomiyaha Komishanka Somaliland Ku Leeyahay Xadhiga General Doolaal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorka Uu Gudoomiyaha Komishanka Somaliland Ku Leeyahay Xadhiga General Doolaal"

Hargaysa (HWN) Generaal Jaamac Maxamuud Doolaal, ayaa xabsiga weyn ee Hargaisa loo taxaabay maanta iyada oo ilaa hadda aan wax dambi ah lagu helin.


Muddo 19- habeen ah, ayuu ku jiray jeel ku dhexyaalla miiska saraakiisha Somaliland, waxaana xabsiga la geeyay sidii qof shacab ah xilli ay aad u xuntahay xaaladdiisa caafimaad.




Muuse Biixi iyo Taliyihiisa Nuux Taani, ayaa laalay codsi kayimi guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha uu kasoo jeedo sarkaalku, oo codsaday in dammaanad lagu sii daayo inta lagu helayo dambi ama lagu waayayo.


Sida uu tibaaxay Nuux Taani, waxaa eed looga dhigayaa cod lasheegay in guddoomiya guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyaraac uu u diray Muuse Biixi.


Saraakiil la dhegaysiiyay codka, ayaa sheegay in uu duubay nin lagu magcaabo Fu'aad Bicirif oo ay wada shaqeeyaan Riyo-raac; muddooyinkii ugu dambeeyayna ku sugan Muqdisho.


Fu’aad Bicirif, ayaa lasheegay in Generaalka uu codka uga duubay qaab shirqool ah oo in muddaba ay ku hawla naayeen rag uu kamidyahay Cabdirashiid Riyo-raac.


Ilaa hadda maamulka Muuse Biixi kama hadal xadhigga Generaalkan, waxaana si weyn looga daarinayaa xaaladdiisa caafimaad kadib markii uuxanuunsaday muddadii uu xidhnaa.


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...