Ila Qosol ... Ninkii Reer Miiga Ahaa Ee Jabuuti Usafray

0
Sunday April 04, 2021 - 10:48:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ... Ninkii Reer Miiga Ahaa Ee Jabuuti Usafray

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
Xilligii u Faransiisku xukumi jirey Jubuuti, ayuu nin reer miyi ahi Jubuuti u soo safray. Intii uu magaalada ka muraadsanayey, ayuu arrin magaalo-joog-xuma ah ku kacay. Dabadeedna, inta la qabtay ayaa la xidhay. Waxana lagu xukumay, xadhig saddex bilood ah.



Ninkii reer baadiyaha ayaa garan waayey waxan loo haysto ee uu biiyey!

Haddaba si looga dhaadhiciyo waxa loo haysto awgeed, ayaa loo qabtay turjubaan (interpreter) soomaaliyeed oo ka dhaadhiciya dambigan loo haysto iyo xadhiggu wuxuu yahayba.


Turjubaankii ayaa u sharraxay, waxa lagu haysto iyo muddada lagu xukumayba . Markii uu arrintii fahmay ee lagu yidhi, " Saddex bilood ayaad jeelka fadhiyaysaa oo reerkaagii kuma noqonaysid;" ayuu isaga oo yaabban turjubaankii ku yidhi, " Walaalkay Saancadaalaha waxad ku tidhaahdaa, baylah badan baa ii taalla, riyihiina xilli xun bay dhaleen oo waaba saddex biloode; maalin keliya ma haleelayo ayuu ku yidhi ku dheh!!
Allahayoow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin!


Cabdullaahi Maxamed Cumar
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...