Xadhiga Siyaasiga Ah Dadka Waxba Ma Yeelo E , Waa Lagu Dalacaa
			Laakiin Dalka Ayey Ku Tahay Fool-Xumo In Dawladnimada Iyo Shuruucda Dalka Lagu Danaysto.                        
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
	
		
	
 
   
    
		
Mohamed Abdi Jama
			  
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
   
  
		
		 
    
         
    
        
    
    
                        Dawladnimadu waa nidaam ku dhisan heshiis bulsho oo ah 
dastuurka iyo xeerarka kale ee ka farcama , waxaana ay u dhisan tahay 
ilaalinta karaamada iyo daryeelka dadka jamhuuriyada Somaliland , sida 
ku cad qodobka 1aad ee dastuurka faqradiisa 2aad iyo qodobada dastuurka 
jamhuuriya Somaliland ee 22naad ilaa 36naad waxa kaliya ee ay ka hadlaan
 yahay xuquuqaha iyo xoriyada muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland. 
  
            
		
 Maadaama oo dastuurka dalku u damaanad qaaday in qofku wax dooran
 karo lana dooran karo qodobkiisa 22naad , in qof lagu hadido maxaad 
isku sharaxday waxa ay meel ka dhac iyo foolxumo weyn ku tahay waxii 
umada jamhuuriyada Somaliland dhigatey iyo shuruucda dalka, waxaana ay 
qaranka 30jirsaday ku noqonaysaa cawaaqib xumo iyo dib u dhac weyn oo 
soo food-saaray . 
		
 Sadexda sanadood ee xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne
 Biixi waxa hadh beeley xadhiga ujeedaysan kaasi oo lala beegsado 
siyaasiyiinta , saxafiyiinta , muwaadiniinta kale ee jamhuuriyada 
Somaliland ee aaraadooda iyo aragtidooda cabira isaga oo uu u damaanad 
qaadey dastuurka dalka qodobkiisa 32naad .
  
		
 Waxa muuqata in xukuumadu la soo baxday cadaadis ay ku hayso 
dadkeeda , cidii ay u aragto in ay mucaarid ku tahay ama danaheega ka 
soo horjeedo , sidaasi oo ay tahay oo maanta meelkasta culeys la saarey 
haddana Madaxwaynaha Somaliland wali waxa uu rabaa in uu nidaamka dalku 
noqdo mid aan cidi ka daba hadal, waxaana kuu cadeynaya hadalkii 
Madaxwaynaha maalintii shirweynaha xisbiga kulmiye oo ku tusaya in uu 
saluugsan yahay xeerarka dalka u yaalla isaga oo waliba Madaxwaynaha iyo
 maamulkiisu ay ku danaysteen xeerarka iyo shuruucdii dalka ee hore . 
		
 Hantida kaliya ee dadka jamhuuriyada Somaliland haystaan waa 
nidaamka dawladnimo , isaguna hadii uu noqdo wax marba cida kursiga 
joogtaa ku danaysato waxa iman doonta in uu meesha ka baxo oo dalku 
fawdo noqdo , hay'adaha qaranka ee dalka iyo muwaadiniinta jamhuuriyada 
Somaliland waxa loo baahan yahay in ay ilaaliyaan shuruucda dalka oo 
aanay ku shaqeyn rabitaanka ah marba qofka jooga in sharciga dalku noqdo
 shaadh isaga leeg oo lagu qiyaaso. 
  
		
 Dhawaan bay ahayd markii axsaabta siyaasada jamhuuriyada 
Somaliland ay ka baxeen xayndaabka sharci ee dalka iyo waxii ay ku 
dhisnaayeen iyaga oo dalka dib ugu celiyey nidaamkii beelaha , waxaana 
ay si badheedh ah u jabiyeen qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada 
Somaliland , wali maan arag cid ka hadasha , natiijadeediina waxa uu 
dhalay in murashaxiin tartamaysa oo axsaab ku jirta la yidhaahdo 
reerkooda ayaa haysta oo xidhay iyada oo loogu soo dhuuntay nidaamka 
dawladnimo. 
		
 Madaxwaynaha hadda dalka joogaa xiligii uu mucaaridka ahaa waxii 
uu diidanaa oo dhan iyo wax ka badan ayuu sameeyey oo ah in aan la 
ilaalin xaqa iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka , adeegsiga xadhiga 
siyaasadeed , u afduub xisbi qaran dan gaara , cabudhinta iyo cadaadiska
 muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland hadii ay yihiin siyaasiyiin , 
saxafiyiin , samefaleyaal , muwaadiniin shacbi ah iyo qof kasta oo ay u 
aragto xukuumadiisu in uu ka soo horjeedo. 
		
 Arimaha noocan ah oo dhamaantood ahaa wax dhacayey mudada sadexda
 sanadood iyo badhka ah ee uu madaxweynuhu talinayey waxa ay meel ka 
dhac iyo gef ku yihiin waxii umada jamhuuriyada Somaliland halganka 
dheer u soo gashay ee ay ku wayday boqolaal ka kun ee qof , waxa ay meel
 ka dhac ku yihiin shuruucda dalka iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee 
dalka jamhuuriyada Somaliland, waxa ay meel ka dhac ku yihiin xuquuqda 
muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan xuquuqda aadamaha. 
		
 Waxa aan cambaareynayaa dhamaan falkasta oo meel ka dhac iyo gef 
ku ah xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo 
xuquuqaha kale ee aasaasiga ah ee shuruucda dalku siisay , sidoo kale 
waxa aan cambaareynayaa dhamaan gefafka laga galay shuruucda 
doorashooyinka iyo dastuurka dalka iyada oo dano gaar ah la eeganayo, 
waxa aan cambaareynayaa meel ka dhaca lagu sameeyey axsaabta siyaasadeed
 ee jamhuuriyada Somaliland oo ah hanti uu dadka iyo dalka jamhuuriyada 
Somaliland leeyahay mudada ay jiraan. 
		
 Waxa aan uga digeynaa xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi iyo 
xisbigeeda in ay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada hay'adaha qaranka , 
ciidamada qaranka iyo garsoorka dalka oo aan loo adeegsan dan 
siyaasadeed iyo wax ka duwan xeerarka dalka ee lagu dhisay , arimahani 
oo ku keenay in ay nusqaanto kalsoonida shacabku ku qabaan hay'adaha 
dastuuriga ah ee dalka iyo ciidamada qaranka guud ahaan oo ay ahayd in 
ay dadka iyo dalka dhex u ahaadaan . 
  
		
Mohamed Abdi Jama
   Mohamed Dhimbiil  
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

        
                    
                0            





