Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil Oo Farriin u diray Shacabka Ku Dhaqan GOBOLKA SOOL

0
Sunday April 04, 2021 - 09:49:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil Oo Farriin u diray Shacabka Ku Dhaqan GOBOLKA SOOL

    Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil Oo Farriin u diray Shacabka Ku Dhaqan GOBOLKA SOOL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil Oo Farriin u diray Shacabka Ku Dhaqan GOBOLKA SOOL

Hargeisa(HWN):-Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil (Qudduf), oo ka mida Murashaxiinta gobolka SOOL ee golaha Wakiillada Somaliland, isla markaanna ka mida Murashaxiinta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee gobolkaas ku matali doonna Doorashooyinka isku sitkan ee golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka oo la filaayo inay qabsoonto 31-ka bisha May ee foodda innagu soo haysa haddii Alle yidhaahdo.
No description available.




Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil (Qudduf), oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeeddiyay bulshadda gobolka Sool, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaannood ee xarunta gobolkaas, ayaa waxa uu guud ahaan Shacabka ku dhaqan ka codsaday inay ku barbar-istaagaan Hankiisa iyo doonista ka mid noqoshadda Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu ku boorriyay inay sida ugu habboon uga faa'iidaystaan fursadda maanta hor-taalla, taasoo ah inay doortaan Xildhibaano aqoon iyo karti u leh ka jawaabidda adeegyadda ay shacabku u baahan yihiin.


Murashax Cabdinaasir Qudduf waxa uu hoggotusaalleeyay shacabka inay fursaddan qaaliga ah uga faa'iidaystaan siddii ay codkoodda u siin lahaayeen Murashaxiin xilkas ah oo si fiican u yaqaan waajibaadka saaran, kuwaasoo uu sheegay inay gudan karraan Waajibaadka guud ee dalka ka saarran iyo Masuuliyadda deegaannadii laga soo doortay ee uu codkoodda ku fadhiyay.

"Waxaan ahay Murashax u tartamaaya golaha Wakiillada Somaliland, waxaanan ka sharaxanahay Xisbiga WADDANI, marka ugu horraysa waxaan u sharaxanahay shacabka ku nool gobolka SOOL, anigoon qabiil sheegayn ama magaalo gaar ah. Haddii ALLE ila qabto waxaan rabbaa in doorashaddaydu gobolka u horseeddo is badal kheyr-qaba oo ay mahaddiyaan, idinkanna Shacab ahaan waxaan idinka codsanayaa inaad i garab joogsataan oo aad i geysaan Kursiga golaha Wakiillada Somaliland." Ayuu yidhi Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil oo loo yaqaano Qudduf.

Waxa kale oo uu Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawi (Qudduf), uu sheegay in wax waliba ay u baahan yihiin Shaqo, sidaa awgeed waxa uu reer Sool ugu baaqay inay golaha Wakiillada gaystaan dad Xilkas ah oo albaabkasta u garaaca gobolka.

"Wax weliba shaqo ayay u baahan yihiin, reer Soollow haddaydaan doorran dad Xilkas ah oo Xafiiskasta oo dawladdu leedahay idin garaaca, oo kuwa Hay'addaha caalamiga ah mashaariicda idinka soo qaada, oo albaabkasta idin garaaca oo berito meeshaa wax idinka qaban karra, markaa maanta ayaad fursad haysataa, haddiise aad qabyaalad iyo kannaa reer hebel ah ka duushaan beritanna, taasaa idin haysan doonta." Ayuu yidhi Murashax Cabdinaasir Maxamed Cawil (Qudduf).

Loading...
Loading...