Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay Farrimaha Khaldan Ee Laga Faafiyo Ka Hor-tagga Xanuunka Covid_19

0
Sunday April 04, 2021 - 09:42:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay Farrimaha Khaldan Ee Laga Faafiyo Ka Hor-tagga Xanuunka Covid_19

    "Muwaadin ka qayb qaado ollolaha xakamaynta xannuunka Covid-19"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muwaadin ka qayb qaado ollolaha xakamaynta xannuunka Covid-19"

Hargeysa (HWN) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa ka hadashay Farriimaha lidka ku ah Wacyi-gelinta Xanuunka Covid_19 ee Dadka qaarkood Bulshada la wadaagaan.

 

War Qoraal ah oo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi soo saaray Jimcihii ayuu ku sheegay inaan loo baahnayn in Bulshada lagu khalkhal-geliyo farriimo aan sax ahayn, maaddaama oo loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado ka hor-tagga xanuunka Covid_19.

 

Wasiirka oo sidoo kale sheegay sheegay inay Mishiinka laga dhaliyo Ogsajiinta geynayaan Magaalada Boorama, ayaa qoraalkiisa oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan "Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxay deddaal adag oo joogto ah ugu jirta horumarinta adeega caafimaadka dalka iyada oo xiligan dagaal adag oo culus kula jirta kahortaga iyo xakamaynta xannuunka COVID-19.

 

Waxaanan bulshada Somaliland u sheegayaa in dhawaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku gaynayso mashiinka oxygen-ta dhaliya magaalada Boorama. Hadda waxa dhammaad ku dhaw goobta la dhigi lahaa ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama. Talogalku waa inuu daboolo baahida loo qabo oxygen-ta ee Awdal iyo Selel.

 

Hore waxa aan u gaynay magaalooyinka Hargaysa, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo oo dhammaantood aan hore u lahayn. Waxa kale oo qorshe ah in Laas-caanood-na aan mustaqbalka dhaw gayno.

 

Muwaadin ka qayb qaado ollolaha xakamaynta xannuunka Covid-19 Bulshadana jahawareerka halaga daayo hana laga wacyi galiyo khatarta Covid-19. Muwaadin naftaada badbaadi.”


Loading...
Loading...