Shirka Afisyooni oo galay maalintii labaad iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Sunday April 04, 2021 - 09:31:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Afisyooni oo galay maalintii labaad iyo wararkii ugu dambeeyey

    Maanta ayaa Madaxda ay markale sii wadi doonaan wada-hadallada, iyaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta ayaa Madaxda ay markale sii wadi doonaan wada-hadallada, iyaga



Maanta ayaa waxaa Maalintii labaad Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ku kulmaya Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Kulanka oo shalay Maalintii koobaad qabsoomay ayaa waxaa uu horudhac u yahay shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee dhawaan ka furmaya Muqdisho, waxaana looga hadlay sida uu shirkaasi ku qabsoomi karo.

Maanta ayaa Madaxda ay markale sii wadi doonaan wada-hadallada, iyaga oo ka doodi doona ajandaha shirka soo socda iyo sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soom aaliya.

 

Xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka oo ka Shaqeeyay isku keenida Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa dusha kala socda Shirkaas, iyaga oo Madaxda dowladda & dowladda Goboleedyada ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan.

 

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaan weli laga gaarin heshiis rasmi ah, iyada oo ay ku gadaaman yihiin caqabado dhowr ah oo la donayo in laga gudbo si loo qab to doorasho la isku raacsan yahay.



Loading...
Loading...