Boqorka Urdun Oo Walaalkii Oo Uu Ka Shakiyey Xidhay
Amiirkii mar ahaan jiray dhaxal sugaha taajka
boqortooyada Urdun, ayaa sheegay in xabsi guri lagu soo rogay taas oo qayb ka
ah qabqabashada lagu hayo dadka xukuumadda dhaliila.
Muuqaal uu BBC-da u soo mariyey qareenkiisa ayaa Amiir Xamsa Bin Xuseen, oo ay walaalo kala bah ah yihiin Boqor Cabdallah, ku eedeeyey hogaanka dalka musuqmaasuq, karti darro iyo cagojuglayn.
Arintan
ayaa soo baxaysa iyada oo tiro saraakiil sar sare ah loo xidhay sida la sheegay
in ay af-gembi maleegayeen.
Milatariga dalkaas ayaa markii hore beeniyey in Amiir Xamsa xabsi guri ku jiro.
Laakiin
wuxuu ciidanku sheegay in la faray inuu joojiyo falalka loo adeegsan karo in
lagu beegsado "nabad gelyada iyo xasiloonida" dalka.
Talaabadan
ayaa sida muuqata la qaaday ka dib booqasho uu amiirku ugu tagay hogaamiyeyaal
beeleed oo la sheegay inuu taageero ka soo kasbaday.
Amiir
Xamsa wuu beeniyey inuu wax khalad ah falay waxaanu sheegay in aanu wax shaqo
ah ku lahayn khiyaamada la maleegay.
Muxuu amiirku sheegay?
Muuqaalkan uu soo duubay Sabtidii ayuu ku yidhi "waxaa booqasho iigu yimid taliyaha ciidanka Urdun saaka oo ii sheegay in aan la ii ogolayn in aan guriga ka baxo oo aan dadka la xidhiidho ama aan la kulmo sababta oo ah kulamo aan fadhiyey ayaa lagu dhaliilay boqorka".
Wuxuu
sheegay in aan isaga qof ahaan loogu eedayn dhaleecaynta.
Hase yeeshee isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi "anigu ma ihi qofka ka masuulka ah maamulka dumay, musuqa iyo karti darrada ka jirtay maamulka dalkeena 15 ilaa 20 sano ee u dambeeyey ee hadana ka sii daraya. Anigu kama mausul ihi in shacabku kalsooni ku qabi waayaan hay'adahooda dawladda".
"Waxay arintu gaadhay meel aan qofna awoodin inuu hadlo ama uu aragtidiisa cabiro isaga oo aan ka baqayn in la handado, la xidho ama loo hanjabo"
Xadhigga
siyaasiyiinta sarsare waa ku dhif Urdun oo ah dal ay xulufo yihiin Maraykanka
oo Bariga Dhexe ku yaal.
Dalkaasi
wuxuu leeyahay nabad sugid adag oo awoodo dheeraad ah la siiyey tan iyo intii
uu dilaacay safmarka fayraska korona, arintaas na waxa dhaliilay ururada u
dooda xuquuqda aadanaha.
Masar,
Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Boqor Cabdallah.
Yaa kale ee la xidhay?
Dadka kale ee la xidhay Sabtidii waxa ka mid ah Baasim Cawadallah oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda iyo Shariif Xasan Bin Sayd oo ka mid ah qoyska boqortooyada.
Cawadallah
oo ah dhaqaaleyahan wax ku soo bartay Maraykanka ayaa ahaa nin boqorka aad ugu
dhow oo saamayn weyn ku lahaa dib u habaynta dhaqaale ee Urdun.
Marar
badan ayay gorodda is geliyeen isaga iyo shakhsiyaadka dawladda ku xididaystay
oo diidanaa qorshihiisa dib u habaynta dhaqaale.
BBC