Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wakhti Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Xasuustay Hawadii Oo Soomaaliya La Wareegtay

0
Friday April 02, 2021 - 17:32:14 in News by
  • Visits: 4117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wakhti Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Xasuustay Hawadii Oo Soomaaliya La Wareegtay

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wakhti Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Xasuustay Hawadii Oo Soomaaliya La Wareegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wakhti Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Xasuustay Hawadii Oo Soomaaliya La Wareegtay


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay xilka ka qaaday Maareeyihii guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Eng. Cabdi Maxamed Rodol isaga oo xilkaasi u magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Muuse Biixi oo si cajiiba uga jawaabay arrin laga faafiyey | Caasimada Online


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021 uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Cabdi Maxamed Rodol,

Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland


Loading...
Loading...