Gudoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Waddani Maxamed sadiiq dhame Xadhigiisa waxaa loo gudbiyey 8-da hayadood ee udooda xuquuqal insaanka

0
Monday May 06, 2019 - 09:41:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Waddani Maxamed sadiiq dhame Xadhigiisa waxaa loo gudbiyey 8-da hayadood ee udooda xuquuqal insaanka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
CANBAARAYN XADHIGA  Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani

Aniga  oo ka shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 faqradaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20.
Iniga oo ka duulaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12.


Inigoo isna tixraacaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub ee dhaqan galay 1.6.2010, gaar ahaa qodobadiisa 3,5, 6-faqradaha1,2,3 xarfaha A,b,c, d & e, qodobka 7-aad faqradaha 1 & 2; qodobka 9-aad faqradaha 1&2; qodobka 10-aad faqradaha 1&2; qodobka 11-aad  faqradaha 1& 2.

Sida ku cad Dastuurka Jamjuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 27-aad farqadiisa 1-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taab taanka ah. Sida  uu qeexaayo Xeer Lr 14/2001 qodobkiisa 20-aad farqadiisa 1-aad waxaa lagu tuntay isla markaana la ixtiraami waayey xasaanadii masuulnimo iyo tii xisbinimo ee masuulkaasi lahaa. dhamaan tacadiyadaa loo geystay muwaadinkaas ee jidh-dilka leh ee katiinada leh ee fayo-dhawr xumada leh waxay baal marsan yihiin Dastuurka Qaranka Somaliland.

Dhammaan qodobada badan ee kor ku xusan ee ay kow ka yahiin Xeerarka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Dadyowga Midowga Afrika, Axdiga Xuquuqda Aadamaha Midowga Yurub, iyo qodobka 27-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood sid cad u qeexayaan xasaanada iyo xuquuda Bani-aadamka. 

Waxaa dhamaan xeerarkan kor ku xusani ka wada digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga, sharciga islaamka iyo shuruucda Dastuurka qaranka. haddii aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab iyo xadhig ku mutaysan karo. Waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga loona isticmaalo awood dowladeed iyo mid ciidan, isaga oo aan lagu qaban isaga oo denbi faraha kula jira.

Waxaa xukuumadda cod dheer loogu sheegayaa in  Gudoomiye Moxamed dhame xoriyadiisa si deg deg ah ugu soo celiso.  Sida xukuumadda talada haysaa jejceshahay Xisbiyada mucaaridka  laguma sandulayn karo. Waxaa magaca muwaadinka loo gudbiyey dhamaan haydaha udooda xuquuqul insaanka ee wadanka ingiriiska ka hawlgala
ku waas oo Xukuumada su'aalo ka waydiin doona Xadhigiisa  waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose:

          1- Amnesty International. ...
  • 2-Bail for Immigration Detainees. ...
  • 3-Campaign for Freedom of Information. ...
  • 4-Charter 88. ...
  • 5-Electronic Frontier Foundation. ...
  • 6-European Human Rights Centre (EHRC) ...
  • 7-Human Rights Watch. ...
  • 8- Islamic Human Rights Commission

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...