Loolanka Ka Dhexeeya Qabyaaladda Iyo Muwaadinimada

0
Monday May 06, 2019 - 09:25:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolanka Ka Dhexeeya Qabyaaladda Iyo Muwaadinimada

    Sida aynu wada ogsoonahay dagaalka ma dhexeeya Qabiilka iyo muwaadinimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aynu wada ogsoonahay dagaalka ma dhexeeya Qabiilka iyo muwaadinimada
waa mid soo jireen ah. Dunida hore u martayna waa at soo martay laakiin way ka gudubtay kadib markii ay rumaysteen cawaaqib xumada qabiilka waxaanay xoojiyeen oo ay u gargaareen muwaadinimada. Taas oo u saamaxday inay kala badbaadaan.

Carriga geeska iyo dunida dib u socodka ah  qabiilka ayey awoodiisu saraysaa oo aad loo aaminsanyahay. Somaliland maanta aad ayey uga dharagsanyahay foolxumada Qabiilka iyo arimaha foosha xun ee naf iyo maalba khatarta ku haya. Dhacdadii ugu danbsysayna waa taa galaafatay saraakiisha qaranka.


Mujtamacani hadaba waxa uu u baahanyahay gurmad iyo cid ka badbaadisa halista qabiilka.
Haddii loolanka ka dhexeeya qabiilka iyo muwaadinimada uu qabiilku guulaysto ogaada halis khatar ah ayaa lagalayaaye. 

Taariikhda dhaw haddii aynu dib u milicsano waxaynu ogaal u nahay kadib dagaalkii wadanka lagu xoreeyey mujtamaca Somaliland aad ayuu uga dharagsanaa dhibkii uu qabiil dhaliyey iyo dhibaatadii uu soo mariyey. Odayaashii joogay iyo wax garadkiina waxay isku dayeen inay ummada kala badbaaiyaan oo nabad ayey xooga saareen iyo nidaam dawladeed oo dhanyahay in la dhiso.

Maanta waxa dib u xoogaysanaya qabiilka dad oo siyaasi iyo oday isku sheeg ahina runtii arinkaas waxaad moodaa inay aad ugu ololaynayso. Waa nasiib daro in maanta nidaamkii xisbiyada ee ahayd inuu muwaadinka u hiiliyo uu maanta qabali isku badalo. 

Sababaha arinkan keenayna way badanyihiin. Waxana ka mid ah siyaasi aan bislaan iyo aqoon gaab aan gidaarka dabadiisa waxa yaal arkayo oo mujtamicii u noqday tusaale (role model).

Waxan ku soo gunaanadayaa si aynu uga badbaadno aafada qabiilka aynu u gargaarno muwaadinimada.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...