Qanacsanaanta Iyo Mahadnaqa (Qodobka Sagaalad Ee Guusha)

0
Monday May 06, 2019 - 09:21:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1491
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qanacsanaanta Iyo Mahadnaqa (Qodobka Sagaalad Ee Guusha)

    Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinayaa in uu helo nolol ka fiican ta uu haysto. Waxaana hubaal ah in aan laysku raacsanayn liibaanta adduunyada iyo halka u sarraysa ee uu qofku derejo iyo nolol ka gaadhi karo. Dad badan ayaa aaminsan in guusha noloshu tahay in aad heshid lacag badan. Waxa ay kuwaasi ku doodayaan in ay hayntidu tahay furaha nolosha iyo ta qofka u goyn karta wax kasta oo uu jecelahay sida, caafimaad, farxad, jacayl, xasillooni, madadaalo, raaxo, awood iyo wixii la mid ah. Taa beddelkeeda waxa sidoo kale dad badani isku waafaqsan yihiin in nolosha macaankeeda ama libinteedu aanay ahaynba in aad adduun badan hesho balse ay tahay in aad haysato caafimaad, cunto, hoy, xorriyad iyo qaneeco kuu horseedda in aad iimaansato hadba waxa aad haysato, dariiq fiicanna aad u marto wixii korodhsiimo ah. 



Ka kudub sida ay dadyowgu dunidu u arkaan qanaacda aduunyo iyo waxa ay tahay uno so dadaag qanaacda dhabta ah e diinta o ah in aad marka aad dadaal diined samayso in aad kasi labo laabto o anad qancin o anad is dhigan si aynu ugu tartan janatul fardawa o ah meel meqaam sare leh isla markana lagu maamuso dadka maamusan e soo dadaalay noloshii aduunyo isla markaana an is idhigan.


Si kastuu qofku u haysto farxad jacayl iyo waliba lacag badan isla markana qanacsanyahay odhan kari mayno qofkaasi waa qof guulaystay o qanaaco halkii u danbaysay gaadhey sababto ah qanaacada dhabta ah e nololed waa tan diinta e aynu kor kusoo xusnay.


In qofka bil adanka ah e ah muslimka badhax tiran u noqdo qof ku dadaala diintisa alle(سبحانه وتعالى)ku xidhnaanshihisa iyo waliba raacida nabi maxamed(صلى الله عليه و سلم) waa arinka qudha ee lagu gaadhaayo nolol ifaysa oo heer sare ah if iyo akhiraba isla markana leh guul iyo gobonimo aduunyo iyo akhiraba isla markana anu noqon shakhsigu qof ku qanacsan acmaasha u samenaayo o u mar walba kor u qaada dadaalkisa u ugu jiro baadigobka arrinkaas iyo raali galinta ilaahay si aynu uynu u guulaysano if  iyo akhiraba.


Mahadnaqa mar walba ah xaalad walba o lagu jiro ha adkaato ama ha noqoto mid fudud wa shay mar walba laynago bahanyahay si aynu u gaadhno nolol dhadhan leh o jano inoo jari karta.

Ilaahay o aynu mar walba u mahadnaqnaa waxay inaga dhigaysaa dad ku nool nolol heer sare ah o hagaagsan.

Ugu danbayn waxan kusoo xidhayaa hadalkayga mahadnaq baladhan o an u mahadnaqaayo ilaahay iyo shacab waynaha muslimiinta ah Dhamantood.


By: Mohammed Adam Hassan

Engineer Developer Researcher and Politician.

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...