Sujuudda Aqrinta Quraanka (Qaybta kowaad)

0
Thursday April 01, 2021 - 11:17:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sujuudda Aqrinta Quraanka (Qaybta kowaad)

    Sujuuddana waxaa lala imaanaysaa iyadoo aan la oranaynin "Allaahu Akbar"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sujuuddana waxaa lala imaanaysaa iyadoo aan la oranaynin "Allaahu Akbar"



Sujuuddani waa mid hal sujuud ah oo sunno ah, lalana yimaado marka qofku uu aqriyo aayadaha Sujuudda mid ka mid ah, aayadahaasi waa kuwo ku dhex jiraan erayo tusinaya sujuudid, marka aayadahaas aqrintu soo gaarto oo la aqriyana ay sunno tahay in loo dhaco sajuud, inta aan loo gudbin aayadaha ka dambeeya, waxaa la mid ah marka qofka isagu aqriyo, haddii qof kale aqriyo aayadahaas mid ka mid ah isaguna dhagaysto oo uu sujuudo, haddii Salaad ka mid ah salaadaha Faatixada kor loo aqriyo lagu jiro oo imaamku uu aayadahaas mid ka mid ah aqriyo waxaa sunno ah inuu sujuudo dadka ku xiranina ka daba sujuudaan, haddii uusan sujuud la imaanina dadka ku xirani sujuudi maayaan.

Sujuuddana waxaa lala imaanaysaa iyadoo aan la oranaynin "Allaahu Akbar" marka Sujuudda loo dhacaayo iyo marka laga soo kacayaba, sababtoo ah Rasuulka (n.n.k.h) Sujuuddana wuu la imaan jiray mana laga soo warin inuu xittaa hal mar "Allaahu Akbar yiri" laakiin asaxaabta qaarkood ayey ka sugnaatay.

Salaadda lagu jiraa haddii ay tahay Salaad aan Faatixada kor loo qaadin lana aqriyo aayad sujuudeed waxaa karaahiyo ah in lala yimaado, Sujuuddan marka laga soo kaco ayaa Quraanka horay loo sii wadanayaa, haddii aan Salaad lagu jirin marka sujuudaan lala imaanaayo waxaan shardi ahayn in qiblada loola jeesto, ee meeshii loo jeedo ayaa loo sujuudi karaa, sababtoo ah sujuudani Salaad ma ahan, ee waa sujuud iska gooni ah, in la weeso qabaana Sidoo kale shardi ma ahan, sababtuna waa sidii Hadda Aan soo xusnay oo kale, iyo wax daliil ah oo sidaas tusiyaa inaysan jirin.

1) Aayadaha Sujuuddu halkee ayey Quraanka uga jiraan?

2) Maxaa la aqrinaya marka la sujuudo

Inshaa Allah beri ayaa soo dhamaystiri doonnaa

FAHAMKA KITAABKA IYO SUNNADA (????book)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...