Dalka Faransiiska Oo Bandaw Seddexaad Galay

0
Thursday April 01, 2021 - 09:42:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Faransiiska Oo Bandaw Seddexaad Galay

    ''Waan ogahay in fulinta isbedelladani ay si wayn u saamaynayso waalidiinta iyo ardayda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Waan ogahay in fulinta isbedelladani ay si wayn u saamaynayso waalidiinta iyo ardayda"

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xayiraad hor leh ku soo rogay dalkaas mudo afar todobaad ah oo ka bilaabmaysa Sabtida. Hadal uu ka jeediyey telefishanka ayuu madaxweynuhu go'aanka ku shaaciyey waxaanu sheegay in la xidhi doono suuqyada waaweyn iyo iskulladaba.



Waa markii seddexaad oo muddo laba sano gudahood dalka Faransiiska xayiraado lagu soo rogo, kadib markii cudurka safmarka uu saameyn ba'an u geystay dalkaasi.


Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa waxaa uu sheegay in waxbarashada lagu qaadan doono qaab online ah laga bilaabo isbuuca soo socda.


Wuxuu sheegay inuu ogyahay saameynta ka dhalan karta in isbeddelo lagu sameeyo jedwalka waxbarashada, laakiin wuxuu sheegay inay tahay talaabada kaliya ee lagu dammaanad qaadi karo badqabka caafimaad ee caruurta.


''Waan ogahay in fulinta isbedelladani ay si wayn u saamaynayso waalidiinta iyo ardayda iyo qoysaskoodaba. Laakiin waa sida keliya ee ku haboon ee fayraska aan ku xakamayn karayno inaga oo aan waxbarashadii aan dhaawacayn iyo mustaqbalka caruurteenaba'', ayuu yiri Macron


Madaxweyne Macron ayaa sidookale sheegay in la kordhiyay bandawgii sarnaa 16 deegan ee Farasniiska kuwaas oo horaanti bishan laga helay kiisas badan ee cudurka covid19


Dhammaan dukaamada aan muhiimka ahayn ayaa la xiri doona laga bilaabo Sabtida waxaana la mamnuucay safarada wax ka badan 10km ama (lix mayl) hadii qofka uusan haysan sabab macquul ah. Waxaa uuna Madaxweynaha ugu baaqay shacabka Faransiiska inay wada shaqayn yeeshaan si loola tacaalo cudurkan safmarka ee corona.


''Bishan bilaabmaysa waa inaan wacyi gelinaa dadkeena waayeelka ah iyo kuwa nugul iyo caruurteena si aan uga ilaalino cudurka oo aan ugu sahalno in ay fahmaan waxa dalka, qaaradda iyo duniduba marayaan. Sababta oo ah guusha bishan Abriil aan gaadhnaa iyo istiraatijiyadduba waxay ku xidhan tahay qof kasta oo inaga mid ah iyo sida aynu masuuliyad isu saarno. Waana sida aynu u awoodi doono in aan rajada u soo noolayno. Rajadaas oo si tartiib tartiib ah nolosha caadi ugu soo celin doonta waana ay tahay in aan cashar ka barano laakiin waa in aynu midaysnaanaa oo aan go'aan lahaanaa''. Waxaa sidaasi sheegay Madaxweyne Emmanuel Macron.


Khudbadiisa tooska looga sii daayay telefishanka maalintii Arbacada, Mr Macron wuxuu ku tilmaamay xaalada dalka inay tahay mid "xasaasi ah" wuxuuna sheegay in bisha April ay noqon doonto midhalis ah


Madaxweynahan 43 sano jir ah ayaa sheegay in laba mid kala dooro ay ku jiraan o tartan uu u dhexeeya talaalka, iyo isku dayga lagu xakameynayo faafida cudurka ee dhinaca kale.


Baarlamaanka ayaa ka doodi doona talaabooyinka uu ku dhawaaqay Mr Macron ka hor inta aan loo codeynin maanta Khamiista, sida laga soo xigtay xafiiska raiisul wasaaraha.


In kabadan shan kun oo qof ayaa ku jira xaruunta daryeelka degdega ah ee faransiiska , waana tiro aad u badan iyadoo dalkaasi uu haatan wajahayo Mowjadii saddexaad.


Faraansiiska ayaa ilaa hataan waxaa uu diiwangeliyay in kabadan 4.6 malyan oo kiis iyadoo in kabadan 95,495 ay u dhinteen cudurka Covid19.

 

 

BBC

Loading...
Loading...