Facebook Oo Barteeda Ka Saartay Cod Uu Trump Lahaa

0
Thursday April 01, 2021 - 09:37:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Facebook Oo Barteeda Ka Saartay Cod Uu Trump Lahaa

    "Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda."

Facebook ayaa bogga xaaska wiilkiisa ka saartay muuqaal uu lahaa Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.




Shabakadda baraha bulshada ugu weyn ee Facebook wuxuu Mr Trump uu xayiraad saaray bishii January kaddib marki ay taageerayaashiisa ay weerareen dhismaha koongreska oo ku yaalla magaalada Washington.


Lara Trump oo barnaamij ku leh warbaahinta Fox News waxay marar badan soddogeed Trump ay ka wareysatay arrima kala duwan.


Kaddibna waxay soo dhigtay sawirka ay ka qaadday farriin E-mail ah oo ay facebook u soo dirtay oo ay ugu sheegeyso in boggeeda la xayiri karo.


Farriinta E-mailkana waxay leedahay: "Waxaan kuula socodsiineynaa bogga Lara Trump ee Facebook inaan ka saarnay waxyaabihi ku jiray ee ku saabsan hadalka madaxweyne Trump taasoo ka baxsan xayndaabka aan u dejinnay akaawunada Facebook iyo Instagram uu Trump leeyahay, waxaana intaa dheer codka Donald Trump ee shabakadda lagu baahiyeyna in la saarayo taasoo keeneysa in xayiraad dheeri ah la sarayo akaawunnadiisa."

 

Lara Trump oo guursatay Eric oo ah wiil uu dhalay Trump, barnaamijkeeda tabinta tooska ee dhinaca internet-ka ay adeegsan lahayd waxay ku soo bandhigtay muuqaal ahaan iyada oo bogga ay Facebook ku leedahay soo dhigtay.


Facebook waxay bogga Trump ay xayirtay wixi ka dambeeyey 7-dii January, xilligaasi oo ku beegneed weerarki ay taageerayaashiisa ku qaadeen xaruunta Koongreska.


Madaxa Facebook Mark Zuckerburg oo xilligaasi difaacay xayiraadda Akoonka Trump ay ku soo rogtay wuxuu yiri: "Waxaan aaminsannahay khatarta ka dhalan karto madaxweynaha oo loo oggolaado xilligan inuu adeegsado barahaasi".


Donald Trump waxaa sida oo kale laga xayiray akoonnadi uu ku lahaa Twitter iyo YouTube.


Maxaa keenay xayiraadda Twitter ee xilligaa?

Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu dibadbaxayaasha wuxuu ku yiri "Waan idiin jeclahay" kahor inta uusan ugu baaqin inay guryahooda aadaan. Wuxuu sidoo kale ku celceliyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan in lagu shubtay doorashada.


Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda.


Shikradda ayaa sheegtay in akoonka madaxweynaha uu sii xirnaan doono haddii aanan laga tirin qoraalladaas.


Waxay sidoo kale shirkaddu sheegtay in haddii mar kale meel looga dhaco shuruucda Twitter-ka... ay taasi sababi doonto in gebi ahaanba la xannibo akoonka @realDonaldTrump".


Waxay tan ka dhigan tahay inay soo dhammaanayaan maalmaha Donald Trump ee isticmaalka Twitter-ka. Madaxweynaha laguma yaqaanno inuu dheg u dhigo shuruucda Twitter-ka.


Dhanka kale, Facebook ayaa muddo 24 saacadood ah xannibay akoonka Mr Trump. YouTube ayaa sidoo kale tiray muuqaalka.


Facebook ayaa yiri: "Waan ka saarnay sababtoo ah waxaan aaminsan nahay inay sii hurineyso ee aysan reebeynin qalalaasaha socda."


Taageerayaashiisa ayaa galay xarunta Kongareeska waxayna isku dhaceen booliiska, taas oo sababtay dhimashada hal haweeney ah.


Qalalaasaha ayaa sababay in la hakiyo dooddii Kongareeska ay ka yeelanayeen guushii Joe Biden ee doorashada.


Aqallada wakiillada iyo kan sare, ayay xubnaha Jamhuurigu dood ka keeneen ansixinta natiijada doorashadii dhacday bishii November.


Kahor qalalaasaha, Madaxweyne Trump ayaa taagerayaashiisa ku sugnaa National Mall ee Washington u sheegay in doorashada lagu shubtay.


Saacado kaddib, markii ay rabshado ka dhaceen gudaha iyo bannaanka US Capitol, wuxuu ka soo muuqday muuqaal isagoo ku celiyay sheegashada been abuurka ah.


Wuxuu dibadbaxayaasha ku yiri "Waan idiin jeclahay" wuxuuna dadkii weeraray dhismaha Capitol ku tilmaamay "waddaniyiin".


YouTube ayaa sheegay inuu ka saaray muuqaalkaas sababtuna ay tahay inuu meel uga dhacayo siyaasadaha ku aaddan faafinta ku shubashada doorashada.


Waxay u muuqataa in madaxweynaha la doortay ee Joe Biden uu marka talada qabto la dagaallami doono fakradaha xagjirnimada ah ee lagu wadaago baraha bulshada.

 


BBC

Loading...
Loading...