Baroortu Orgiga ka Wayn!!

0
Thursday April 01, 2021 - 09:17:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baroortu Orgiga ka Wayn!!

    Sheekada la Wad-wado iyo waxa ii Muuqda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekada la Wad-wado iyo waxa ii Muuqda.

Waligeedba way jirtay in qof danbaabo oo toobad baa ka furan, laakiin sheekadan bannaanka la soo dhigay ee la wawado iyo doodihii qoyska ee la innagu soo dhex tuuray waa duulaan ku tala gal ah oo cidi maalgalinayso oo lagu soo qaaday dhaqankeena qaybihiisa ugu wanaagsan; waa filin la sameeyay oo si waaqiyciya ama run run ah loo jilayo; waaba intii aynu duinda dheerayn oo la rabo in la innaga burburiyo.



Haddii aad u fiirsato mashruuca waxa laga wadaa wixii la isku odhan jiray Somaliya oo dhan; waxanu leeyahay dhammaan dabeecadihii lagu yiqiin mashaariicda caynkaas ah; waa koox isku xidhan Xamar illaa Hargeysa. Sidaas baa lagu sameeyaa ummadaha aan lahayn dawlad u ilaalisa dhaqankooda iyo akhlaaqdooda wanaagsan; shaqadaana waxa iska leh dawladda sida Dastuurkeenu dhigayo, mana jirto waxa aanay ogeyn oo waddanka ka socda ee wax kasta way ka war hayaan, laakiin haddii lagu ogaado in mabda'aagu yahay maxaan cunaa iyo ma tahay lacag oo wax kastaana agtaada ka yahay iib (for sale) , dee waxa kugu filan in lagaa laaluusho wax kasta! Khatar bay ku tahay nolosha aadamaha cid aamnisan lacag kaliya; xataa gaalada aan ilaahay aqooni taas way ogyihiin. Maxay kula tahay adiga saaxiib?


W/Q: Prof-Abdi Ali Jama

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...