Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q….10aad

0
Thursday April 01, 2021 - 08:42:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q….10aad

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

=” Markaad hadlayso ka dhig erayadaada kuwa kooban oo ka turjumaya warka intiisa mudnaanta leh, waayo mar kasta oo aad dadka la wadaagto macluumaad dheeraad ah waxa ay ka dhigan tahay in wax badan lagaa ogaaday. Haddaad madal wax ka sheegayso ka dheh hadal qaydhiin oo kooban, sababtoo ah wax badan oo aad tidhaahdo waxa ay sababi kartaa in aad ku dhawaaqdo wax aan loo baahnayn oo khariban”. Robert Greene.



=” Noloshu ma aha waxa aad haysato ee waa waxa aad adigu tahay. Waad awoodi kartaa in dhinacyadaada aad ka soo buuxiso wax walba oo aad u baahan tahay marka aad lacag leedahay waxaad waayi kartaa qanaacada nafta oo ah mid aan la iibsan Karin. Anigu waan garanayaa dad caafimaad qaba oo lixdii laxaad u dhammaystiran yihiin kuwaasi oo aan haysan kala badh farxadda aan anigu dareemayo”. Nick Vujicic.


=” qofka maqlay Qur’aanka ee aan qushuucin, dembiga xusuustay ee aan murugoon, cibrada arkay ee aan waxba ku qaadan, masiibada maqlay ee aan xannuun dareemin, culimada la fadhiistay ee aan waxba ka baran, saaxiib la noqday kuwa caqliga badan waxna aan ka fahmin, wax ka akhristay dadkii magaca leh waayahooda balse aan hammigiisu dhaqaaqin, kaasi waa xawayaan u nool inuu wax cuno waxna cabbo xittaa haddii uu yahay insaan kuu jawaabaya marka aad la hadasho”. Dr Mustafe Al-Siba’i.


=” Dadka hadalkoodu waa sida dhagxaanta waaweyn oo kale: haddii aad dhabarka ku qaaddo way ku dhaawacayaan, haddii aad jaranjaro ku dhisatana meel sare ayaad gaadhaysaa waanad guulaysanaysaa”. Imaam Shaafici.


=” Qab weyni ay sababtay aqoontaadu yaanay ruuxdaada gelin, hana is kibrin si aanay kuu bararin xididka qofka barara marka uu cadhoodo, iskana ilaali in aad xaqirto tayada dadka aad la nooshahay adiga oo sabab uga dhiganaya in aad heerkooda ka sarrayso waayo waxa dhici karta inay ku anfacdo talada uu kuu soo jeediyo mid jaahil ahi. Adduunka aynu maanta joogno ma jiro qof aqoon dhammaystiran gaadhay ama ku filnaaday naftiisa isaga oo aan cidna u baahan”. Dr Mustafe Mahmoud.


= " Doofaarku waa noolaha ugu xishoodka daran guud ahaan xawayaannada ku nool adduunka. Waa xawayaanka keliya ee saaxiibadii u yeedha si ay ugu galmoodaan naagtiisa. Waddanka Maraykanka waxa ay dadka intiisa badani cunaan doofaarka. Waxaad arkaysaa goobaha lagu caweeyo habeenkii markay ay niikinayaan iyaga oo kala beddelanaya xaasaskooda waan damiir xumo ay ugu wacan tahay cunista hilibka doofaarka oo naftooda ka yeelay inay u dhaqmaan sida doofaarka oo kale”. Dr. Zakir Naik.


= " Dhibaatada dad badan haysataa waxa ay tahay: haddii loo diido shaqo uu rajo fiican ka qabay ama uu heli waayo qof uu jeclaa waxa markiiba hoos u dhacda kalsoonida naftooda iyaga oo ay ugu wacan tahay awoodda maskaxdooda oo aan ku fileyn. Marka aad leedahay maskax furan waxba uma arkaysid dhacdooyinka ku xeeran nolosha waad ka soconaysaa adiga oo ogsoon in berri aad heli doonto toban shaqo ama aad la kulmi doonto toban saaxiib oo cusub”. Idris Elba.


=” Faham la’aanta taariikhdu waxa ay keentaa in wixii hore dib loogu noqdo. Kuwa aan waxba akhriyin markay hoggaanka qabtaan waxa ay iska dhaadhiciyaan in wixii hore ay ka wanaagsan yihiin waxa hadda jira, oo waxa ay fagaaraha ka sheegaan in iyaga mooyee aanay jirin cid kale, oo waddanka waxa ku soo kordhisay. Waxaanay ujeedadoodu tahay inay dadka maaweeliyaan si ay kursiga u sii joogaan”. Ahmed Assid.


=” Wakhtiga aan firaaqad ahay waxaan jeclahay akhriska buugaagta kala kuwan ee falsafadda ka hadla si aan maskaxdayda u quudiyo adduunkana aan wax badan uga ogaado. Hasayeeshee xilliyada qaar marka aan fadhiisto goobaha lagu qaxweeyo, waxa ay saaxiibbaday iigu yeedhaan : suufiga, ninka waalan, cilmaaniga iyo erayo caynkaasi ah oo silloon. Waan u dhoollacaddeeyaa aniga oo aan waxba ka soo qaadin hadallada gurracan ee ay barbaartu ku durayaan naftayda” Haaruun Saciid Diraac.


=” Markaan dib u milicsaday noloshayda waxaan xaqiiqsaday wakhti kasta oo aan u maleeyey in wax wanaagsan la ii diiday in la igu beddelo wax ka khayr badan wixii aan sugaayey. Marka aad xaaladdan la kulanto waxa mihiim ah in qalbigaagu uu yaqiinsado wixii uu Alle kuu diido in aanay naftaada faa’iido u lahayn haddii lagu siiyo”. Imaam Al-Ghazali.


=” Noloshu waa mid soconaysa ee ama qosol muuji si aad duruufaha adag uga tallaabsato ama oy si ay naftaadu dhibbane ugu noqoto dhirbaaxada culus ee wakhtiga kuu gaysto. Ogsoonow oohintu kaama bogsiiso murugada balse waxa ay kaa mamnuucdaa raaxada ay dareemi lahayd naftaadu”. Lama garanayo cidda tidhi.



Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

La soco…………………………

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...