Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabmay Sadex Gobol Oo Muhiim Ah

0
Thursday April 01, 2021 - 07:15:25 in News by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabmay Sadex Gobol Oo Muhiim Ah

    Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabmay Sadex Gobol Oo Muhiim Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabmay Sadex Gobol Oo Muhiim Ah


Hargeysa(HWN):-Kaadh qaybinta codbixyeyaasha doorashooyinka, ayaa maanta oo arbaca ah si rasmi ah uga bilaabmaysa Gobollada Togdheer, Maroodi Jeex iyo Awdal, iyada oo socon doonta muddo saddex cisho ah.




Kaadh qaybintan saaka bilaabmaysa oo noqonaysa saddexdii gobol ee u dambeeyey, madaama oo ay hore looga soo qaybiyey Gobollada Sool, Saaxil iyo Sanaag, ayaa waxa ay saddex gobol ay maanta ka bilaabmayso ka socon doonaa muddo saddex maalmood ah oo dadkii dhawaan is diiwaan geliyey lagu siin doono kaadhadhka ay ku codaynayaan doorashada soo socota.


Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka ayaa kooxihii ka shaqaynayey Gobollada iyo Degmooyinkan, ayaa u kala diray shaqaalihii ka shaqaynayey kaadh qaybinta.


Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa bulshada u soo jeediyey in ay qaataan kaadhadhkii codbixinta, madaama oo maanta ay ka bilaabmaysaa saddexda ee Gobol Maroodi jeex, Togdheer iyo Awdal, halkaas oo ay ka socon doono saddex cisho, waxaanu Guddoomiye Riyo-raac u soo jeediyey in ay fursadan ka faa’idaystaan oo qaataan Kaadhadhka codbixinta.


Guddoomiyaha Komishanku, waxa uu soo jeediyey in bulshadu ay raacdo tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka ee COVID19-ka, isla markaana taxadir muujiyaan.


Loading...
Loading...