Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Muxuu Ka Yidhi Xaaladiisa Caafimaad Ka Dib Caabuqii Covid-19?

0
Thursday April 01, 2021 - 07:13:08 in News by
  • Visits: 1375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Muxuu Ka Yidhi Xaaladiisa Caafimaad Ka Dib Caabuqii Covid-19?

    Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Muxuu Ka Yidhi Xaaladiisa Caafimaad Ka Dib Caabuqii Covid-19?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Muxuu Ka Yidhi Xaaladiisa Caafimaad Ka Dib Caabuqii Covid-19?

Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Guddoomiyaha Guddiga la dagaalanka Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inuu ka bogsaday Xanuunkaasi oo laga helay muddo Laba Toddobaad ka hor ah.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo aan Warbaahinta ka soo muuqan tan iyo markii Xanuunkaasi laga helay, ayaa qoraal uu Shalay ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay Isniintii lagaga waayay Xanuunka Covid_19, sidaasi darteed uu ka bogsaday Xanuunkaas.


Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qoraalkiisa oo koobnaa ku yidhi "Ka dib markii shalay (Isniintii) la iga qaaday tijaabadii caafimaad ee COVID-19 waxa Alle mahadii ah inaan noqday "NEGATIVE”, oo aan xanuunkaas ka ladnaaday.”


Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu u Mahad-naqay Dadweynaha reer Somaliland "Waxaan u mahadnaqayaa shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan ummada kale ee ii soo ducaysay.” Ayuu yidhi.

Xanuunka Covid_19 ee Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inuu ka bogsaday, ayaa xilligan faro-baas ku haya Shacabka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, waxaana Maalinba Maalinta ka dambaysa sii kordhaya Dadka u dhimanaya, sida laga soo xigtay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.


Loading...
Loading...