Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Digay Faafida Xawliga Ku Socota Ee Covid-19

0
Thursday April 01, 2021 - 07:03:26 in News by
  • Visits: 1577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Digay Faafida Xawliga Ku Socota Ee Covid-19

    Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Digay Faafida Xawliga Ku Socota Ee Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Ka Digay Faafida Xawliga Ku Socota Ee Covid-19

Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay xanuunka Covid-19, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay taxadir iyo feejignaan badan sameeyaan, si aanu u fidin oo loo xakameeyo.




Suldaanka guud ee Beesha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo la hadlayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Qadarka ILLAAHAY ayay wax kastaaba ku dhacaan, cid kasta oo ku qoran inay xanuunkan Covid-19 u dhimato way ku dhimanaysaa, ee maadaama oo aynu nahay ummad muslim ah, mar kasta waxaa inagu waajib ah inaynu aamino inay wax kastaaba ku dhacayaan qadarka ILLAAHAY, ee dadkii inagaga dhintay xanuunkan iyo dadkeena kale ee siyaabaha kaleba u dhinta waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu u naxariisto, dadkeena xanuunsanaya inuu xanuunka ka dulqaado, ee xanuunka Koronaha waxaynu iskaga xakamayn karaa iyadoo aad loo taxadiro, oo aynu ka taxadirino siduu ku faafayo, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu xanuunkan inaga dulqaado”.


Mar wuu ka hadlayey bisha Ramadaan wuxuu yidhi "Bishii khayrka iyo fadliga badnayd ee Ramadaan ayaa foodda ina soo saartay ee ILLAAHAY ha ina gaadhsiiyo, oo caafimaad qab iyo khayr ha inagu gaadhsiiyo”.


Dhanka kale, wuxuu Suldaan Xasan ku baaqay in gurmad lala gaadho dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.


Loading...
Loading...