Madaxweynaha Masar Maka Dhabayn Karaa Hanjabaadaha Uu Itoobiya U Jeediyey?

0
Thursday April 01, 2021 - 06:55:00 in News by
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar Maka Dhabayn Karaa Hanjabaadaha Uu Itoobiya U Jeediyey?

    Madaxweynaha Masar Maka Dhabayn Karaa Hanjabaadaha Uu Itoobiya U Jeediyey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Masar Maka Dhabayn Karaa Hanjabaadaha Uu Itoobiya U Jeediyey?

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa ka digay 'cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta' waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile, uu saameyn ku yeesho biyaha Masar.

Abiy iyo Al-Sisi ayaa dhowr goor ka kulman xallinta khilaafkan, balse weli xaaladdii halkeeda ayey taagan tahay


"Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dhibic ka mid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doono xasilooni darro aanan la maleysan karin" ayuu yiri madaxweyne Al-Sisi.


Itoobiya waxay sheegtay in ay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka, marka ay roobabka bilowdaan halka Masar iyo Suudaan ay doonayaan in wadahadal lagu soo afjaro muranka.


Sidee loo arkaa hadalka madaxweynaha Masar?

Dr Axmed Tiir wuxuu sheegay in "hadalka ka soo baxay madaxweynaha Masar, loo fasiran karo in uu dhammaaday sabarkeedii oo muddo dheer ay Itoobiya ka war-wareejineysay".


"Waxay Masar isku day'day in dhex-dhexaadinta ay ku soo darto Mareykanka, Yurub iyo Qaramada Midoobay, balse Itoobiya way ka diidday oo waxay ku adkeysatay in Afrika uun dhex-dhexaadiska ahaado, marka aad ayay u sii adkaatay," ayuu yiri.


Wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan mustaqbalka mashruuca buuxinta biyo xireenka Nile si quwadda korontada looga dhaliyo, ayaa fashil ku soo dhamaaday.


"Laba bilood ka dib oo ku beegan bisha toddobaad, waxaa bilaaban doonto buuxintii labaad ee biyo-xireenka, kaas oo Masar ku ah dhibaato wayn. Sababtoo ah, waxaa yaraan doono biyhii Niilka ee waligeed Masar u isticmaali jirtay beeraha boqolkiiba 97%.


"Sidaa darteed Masar waxay u muuqataa inay derbiga soo taabatay oo ay diyaar u tahay in ay tallaaboyin qaaddo, inkastoo u maleeynaayo in hadda uusan dagaal ka qarxi donin meesha."


Wuxuu intaa ku daray Dr Axmed Tiir: "Masar markii heshiiska is afgaradka ee wabiga Niil laga saxiixanayay, sannadkii 2015-kii, dowlad daciif ah ayay ahayd oo weli Afrika ka raadinayso isctiraaf. Itoobiya na waxay ahayd dowlad awood leh".


"Al-Sisi xilligaas wuxuu saxiixay heshiis Masar dulmi ku ah, isagoo doonayay inuu xukunkiisa dhidibada u aaso, marka hadda wuxuu doonayaa inuu tii saxo oo haatan Itoobiya gool ka dhaliyo."


Xaalka Masar iyo Itoobiya muxuu ku dambeyn karaa?


Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ayaa salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayso webiga Niilka buluugga ah.


"Xaalku ma ahaan doono mid wanaagsan, haddii loo fiirsado sida ay hadda arrinta ku socoto."


"Itoobiya waxaa ka go'an inay dhisto biyo xireenka, waxayna ay dooneysaa in ay dhaqaale ka sameeyso oo ka dhaliso tamarta, kana kireyso Masar lafteeda, Suudaan, dowladaha Yurub iyo guud ahaan Afrika. Sida uu qabo Dr Tiir.


"Halka Masar na ay nolosheeda dhanba ku dhisantahay webiga Niil. Marka waxay u baahantahay taxadar badan, waxayna ila tahay in aakhirka meel dhex-dhexaad ah la isugu imaan doono."


"Waxaan u maleeynayaa in Masar wixii ay wada qaadneysay in ay ka hari doonto, halka Itoobiya ay iyadana buuxinta biyaha ay sameyn doonto xilliyada roobka ay badan yihiin oo aynan dhib soo gaarsiin beeraleyda Masar."


Dhismaha biyo-xireenkan ayaa sannadkii 2011-kii laga billaabay Webiga Nile-ka buluugga ah ee waqooyiga dhulalka sare ee Itoobiya, halkaas oo ah meesha ay 85% ka yimaadaan biyaha webiga Nile.


Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar ay ka baqayso in mashruuca uu Itoobiya u suurto-gelin doono in ay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...