War Degdeg Ah: Muuse Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

0
Wednesday March 31, 2021 - 13:28:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Muuse Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

    WAREEGTO MADAXWEYNE: 31 /03/2021

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAREEGTO MADAXWEYNE: 31 /03/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021 uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.



Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Cabdi Maxamed Rodol,

Maareeyihii Guud ee hore ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay'adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan Go’aamiyey;


In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Loading...
Loading...