Xisbiga Waddani Oo Noqday Kii Ugu Horeeyey Ee Dib U Doorta Musharixii Madxweyne Xigeen Ee Guuldaraystay Iyo Qorshaha Kulmiye La Tagayo Awdal

0
Wednesday March 31, 2021 - 12:46:10 in News by
  • Visits: 1871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Noqday Kii Ugu Horeeyey Ee Dib U Doorta Musharixii Madxweyne Xigeen Ee Guuldaraystay Iyo Qorshaha Kulmiye La Tagayo Awdal

    Xisbiga Waddani Oo Noqday Kii Ugu Horeeyey Ee Dib U Doorta Musharixii Madxweyne Xigeen Ee Guuldaraystay Iyo Qorshaha Kulmiye La Tagayo Awdal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Noqday Kii Ugu Horeeyey Ee Dib U Doorta Musharixii Madxweyne Xigeen Ee Guuldaraystay Iyo Qorshaha Kulmiye La Tagayo Awdal

Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa mar kale waxa uu Murrashax Madaxweynaha ee Xisbigaasi u soo xulay Candiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka uu mar kale ku sidkan yahay Murrashaxii Jagada Kuxigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay wada dhaceen doorashadii Madaxtooyada 2017-kii.
No description available.



Shirkii Golaha Dhexe ee shalay ayaa xubnaha Golaha Dhexe, waxa ay cod aqlabiyad ah ku doortay Murrashax madaxweyne Kuxigeenka, inkasta oo aanay jirin cid la tartantay.

Dib u doorashada Murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cali, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa noqotay mid taariikhi ah, ka dib markii Xisbi Mucaarad ah oo ka mid ah Somaliland uu dib u soo celiyo murrashax u taagnaa jagada Madaxweyne kuxigeenka oo doorasho madaxtooyo, isla dhaceen murrashaxii Madaxweynenimo.

Murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Waddani Maxamed Cali, markiisii koowaad murrashax Madaxweyne kuxigeen loo doortay 2016-kii, xilligaas oo uu loollan adag kala kulmay Siyaasigii Guddoomiye kuxigeenka Waddani ahaa ee Axmed Muumin Seed, ayaa shalay 30 bish March mar kale loo doortay jagadaasi.

Tallaabadan, Xisbiga Waddani ku soo celiyey Murrashaxan, oo aanay dood badan ka dhalan sababta keentay, ayaa dadka siyaasadda falan-qeeyaa ay tilmaameen in ay tahay mid uu Guddoomiyaha Xisbigaasi u arko in mar kale, isaga iyo kuxigeenkiisa la siiyo fursad kale doorashada Madaxtooyada ee sannadka 2022-ka, madaama oo ay doorashadii hore 40% keeneen codadkii la bixiyey.

Arrinta kale ee keentay soo noqoshada Murrashaxan, ayaa dadka qaarkood aaminsan yihiin in haddii dood la geliyo in ay taasi keeni karo in Murrashax Madaxweynaha laftiisa su'aal laga keeno soo noqoshadiisa, taas oo khilaaf ka dhex abuuri karta Waddani, sidii hore ugu dhacay Kulmiye ka dib doorashadii 2003-dii oo siyaasiyiin Xisbigaasi ka mid ah soo jeediyeen in la beddelo Siillaanyo oo murrashax ahaa, madaama oo uu guul darro ka soo hooyey doorashadii wakhtigaasi, iyada koox kalena soo jeedisay in wakhti la siiyo, taas oo khilaaf culus gelin gaadhay Xisbigaasi.

Xulashada murrashax Madaxweyne kuxigeenka, ayaa inta badan Xisbiyadu ku saleeyaan istiraatijiyado kala duwan oo salka ku haysan deegaanka Gobolka awdal iyo Beelaha degaa, sida ay u kala taageeraan Xisbiyada.

Qodobka la weydiinayey ee la filayey in Xisbiga Waddani uu ka qiyaas qaadanayo, ayaa ahaa in xulashadiisa Madaxweyne ku-xigeenku ay noqon karto mid la jaan qaadaysa, is beddelka Siyaasaddeed ee ku yimid Gobolka Awdal, taas oo ay keentay ka dib markii Madaxweyne kuxigeenka imika Cabdiraxmaan Saylici oo labadiisii Teeram qaatay in laga saaray Hoggaanka Kulmiye, oo qorshahan Kulmiye bannaanka u saaray mid ka mid ah Beelihii Gobolka Awdal ee taageerada siin jiray Kulmiye, isla markaana Siyaasiga Maxamed Xasan Saajin lagu beddelay, loona badinayo inuu noqon doono murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee doorashada 2022-ka, kaas oo ay isku deegaan yihiin murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka ee Waddani ee shalay doortay.

Deegaanka uu ka soo jeedo Saylici, oo aan imika fursad ku haysan Kulmiye iyo Waddani, ayaa waxa dhici karta in ay Is bahaysi siyaasaddeed la galaan Xisbiga UCID, oo siin kara jagada Murrashax Madaxweyne kuxigeenka, haddii aan la siinba ka Murrashax Madaxweynaha.

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayey Murrashaxiin u soo xuleen tan iyo Doorashadii Madaxtooyada ee 2003 - 2017
Kulmiye, waxa uu doorashadii u horreysay ee madaxtooyada ee 2003-dii uu u soo xulay Murrashax Madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxaana la tartamay Cabdi Xasan Buuni iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Alle ha u naxariisto labadaba.

Xisbiga Kulmiye markii uu ku guul daraystay Doorashadaasi, waxa uu beddelay qorshihiisii Murrashax Madaxweyne kuxigeenka, wax dejiyey qorshe cusub oo uu meesha kaga saaray Cabditaxmaan Aw cali, madaama oo ay isku deegaan hoose ay ahaayeen murrashaxii Madaxweynaha ee xisbigii UDUB, Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu u arkay in Beel aan ahayn ta Rayaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali, in la siiyo Murrashax Madaxweyne kuxigeenka si Xisbiga cod uga helo Beeshaasi, waxaana la keenay oo murrashax noqday 2008 Cabdiraxmaan Saylici, kaasoo Beeshiisa iyo beello kale oo ay xulufo ahaayeenba si weyn u taageereen Kulmiye.

Qorshahaasi wuu u shaqeeyey Kulmiye,oo waxa uu ku guuleystay doorasadii 2010-kii.

Mar kale, Kulmiye waxa uu soo sharaxay Saylici doorashadii 2017-kii, inkasta oo duruuf siyaasi ahi keentay murrashax kuxigeenimadii Cabdiraxmaan Saylici, balse Qorshaha Murrashaxii Kulmiye ee doorashadaasi muu ahayn in Saylici u noqdo murrashax madaxweyne kuxigeen.

Xisbiga Kulmiye, mar kale ayuu dejiyey qorshe cusub oo ku aaddan doorashada Madaxtooyada ee 2022-ka, isaga oo soo dhaweeyey mid ka mid ah Beelaha Awdal, oo iyaga saaxadda Madaxweyne kuxigeenka ka maqnaa muddo, waxaana la keenay siyaasiga saameynta cusub ku yeeshay gobolka Awdal ee Maxamed Xasan Saajin, kaas oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee kulmiye, iyada oo lagu wado inuu noqdo Murrashax Kulmiye ee doorashada 2022-ka.

Xisbiga UCID, ayaa isaguna waxa uu doorashadii u horreysay ee 2003-dii murrashax Madaxweyne kuxigeen u noqday Alle ha naxariistee Siyaasi geeriyooday oo la odhan jiray Axmed Cabdi Siciid, kaas oo markii dambe ka mid noqday Mudanayaasha golaha Wakiillada.
Doorashadii 2010-kii, ayaa waxa kale murrashax kuxigeen noqday Alle ha naxariistee Maxamed rashiid Sheekh Xasan.

Doorashadii 2017-kii ayuu Xisbiga UCID noqday Xisbigii u horreeyey ee murrashax madaxweyne kuxigeenka siiya siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool, kaas oo noqday Axmed abyan.

Saddexdaasi doorashoba Murrashax madaxweynaha ee UCID, waxa uu ahaa Faysal Cali Waraabe.

Loading...
Loading...