Sideen U Qaabilnaa Ramadaan, Bishii Khayrka Iyo Quraanka.
Eray
tabintii, iyo haybaynti. Axmed Cali
Kaahin. Q.1aad.
Adoonka wanaagsani wuxuu ku qaabilaa, toobad
saafiya, go’aan adag, ka gacan qabsashada khayrka, iyo ku camirid camalo
suuban, Allaale baan ka tuugaynaa in cibaado suuban inagu gargaaro. Waxaan
halkan kusoo gudbindoonaa, barnaamij rag iyo dumara, oo bisha Ramadaana. Aan
isku dayno in aan ka faaiidaysano, saacad kasta oo saacadaha ramadaanta ah,
wixii faaiido iyo intifaaca aakhiro iyo aduun inoo leh
BARNAAMIJKA
RAGA.
SUBAXA KA HOR.قبل الفجر
·Salaada Tahajudka ku dadaal , adoo mid gaara samaysanaaya habeenkii guriga التهجد قال تعالى ( أمن هو قانت آناء الليل ساجداً وقائماً يحذرُ الآخرة ويرجو رحمة ربه ) الزمر : 39
·Suxuurtu waxa ku jira barako badan ku dadaal.السحور : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( تسحروا فإن في السحور بركة ) متفق عليه .
·Wakhtigaa suxuurtu waa wakhti dahabiya oo Allaah scw. Dambi dhaaf la waydiisto. الاستغفار إلى أذان الفجر قال تعالى ( وبالأسحار هم يستغفرون ) الذاريات : 18
·Tuko labada rakcadood ee ka horeeya Salaada subax, waxay ka qiimo badan yihiin aduunyad iyo waxa dhexyaala. السحور : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( تسحروا فإن في السحور بركة ) متفق عليه
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!