Xisbiga Kulmiye Oo Ka Muquurtay Shirka Waddani Iyo Bahdil Lagu Sameeyey Afhayeen Buuni Oo Goor Danbe Gaadhay

0
Tuesday March 30, 2021 - 13:55:25 in News by
  • Visits: 2613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Oo Ka Muquurtay Shirka Waddani Iyo Bahdil Lagu Sameeyey Afhayeen Buuni Oo Goor Danbe Gaadhay

    Xisbiga Kulmiye Oo Ka Muquurtay Shirka Waddani Iyo Bahdil Lagu Sameeyey Afhayeen Buuni Oo Goor Danbe Gaadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Muquurtay Shirka Waddani Iyo Bahdil Lagu Sameeyey Afhayeen Buuni Oo Goor Danbe Gaadhay

 


Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ka maquurtay inuu ka qayb galo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani, oo lagu marti qaaday in ay marti sharaf ahaan uga qayb galaan.

May be an image of one or more people, people standing and indoor


 

 

Shirkan oo saaka ka furmay Hargeysa, oo lagu soo marti qaaday xisbiyada UCID iyo Kulmiye, ayaa waxa ka soo xaadiray Masuuliyiinta UCID oo keliya, halka ay ka baaqdeen madaxda KULMIYE.


 

Cabdinaasir Yusuf, oo ka tirsan UCID oo ka hadlay shirkan Golaha Dhexe ee Waddani, ayaa ku hambalyeeyey qabashada shirkooda.


 

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo ka hadlay shirkan, ayaa sheegay in ay Kulmiye ku casuumo shirka, balse ay ka xun yihiin in ay iman waayaan.


 

Lama oga sababta uu Xisbiga Kulmiye uga baaqday Shirkan Masuuliyiinta Waddani ay sheegeen ku casuumeen.

 

dhinaca kale afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa goor danbe gaadhay xarunta uu ka socdo shirka xisbiga Waddani isaga oo damcay inuu xisbigiisa ku matalo martiqaadkii ay ka helaan mucaaridka balse wakhtigii loogu tala galay oo uu ka soo habsaamay ayaa sababtay in la fasaxo isaga oo aan ka hadal shirka.


 

shirgudoonka shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa afhayeenka Kulmiye ku wargeliyey inuu ka soo habsaamay wakhtigii loogu tala galay isla markaana uu fasaxan yahay maadaama oo haatan ay ka hadlayaan arimaha hoose ee xisbiga.

 

 


Loading...
Loading...