Axkaamta Ramadaanta, Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub, Qaybtii 1aad

0
Monday May 06, 2019 - 08:23:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta, Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub, Qaybtii 1aad

    Hordhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac
Erayga ‘soon’ waa ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in aan la samayn, waana in aad xilli tirsan ka af xidhnaato cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda Carbeed waxa ay ka soo dheegtaan aayadda ka warramaysa Maryan Bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka in ay wax tilmaanto mooyee, ee tolkeedna su’aashii ku soo celceliyeen, ayey si kooban ugu tidhi, "Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.”



Culimadaasi waxa ay yidhaahdaan waxa ay ka joogsatay hadalkii ; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyada oo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.


Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaa diintu la’aantii noqonmayso mid dhammaystiran, waana tiirka afaraad ee Islaamka. Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay in ay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.


Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taa oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto in uu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga Abu Huraysa warinayo ee Bukhaari iyo Muslin soo saareen, "Waxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, soonka anigaa leh, anigaana ka abaal celinaya.”


Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa in ay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sida oo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya, se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.


Bishani maaha bil ugub ku ahayd soo saaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT. hase ahaate, waa bil la yaqaanay oo ergooyinkii hore ba ummadahooda fari jireen, Sida Alle SWT yidhi, "Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyey loogu waajibiyey, si aad u baqataan.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo. Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT.


Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email:[email protected]

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...