Saddex Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

0
Tuesday March 30, 2021 - 09:00:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

    "saddexda qof ee ku geeriyootay qaraxa ayaa ahaa dad shacab ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"saddexda qof ee ku geeriyootay qaraxa ayaa ahaa dad shacab ah"

Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku geeriyootay afar kalana wey ku dhaawacmeen qarax shalay barqannimadii lala eegtay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo lagu magacaabo Mahad Sharaawe xili uu marayey agagaarka xarunta dagmadaasi, sida ay ilo kala duwan u sheegeen idaacadda VOA.

 

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa dhawaqeeda laga maqlay xaafadaha ku dhaw degmada Dayniile.

 

Sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen, saddexda qof ee ku geeriyootay qaraxa ayaa ahaa dad shacab ah oo marayey halka qaraxa uu ka dhacaya, halka afarta dhaawac ahna uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ilaalada mas’uulka la bartilmaameedsaday.

 

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana dhanka kale ilaa iyo minka aan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

 

VOA


Loading...
Loading...