Xukun Wareejin (Power Transfer)

0
Tuesday March 30, 2021 - 08:48:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun Wareejin (Power Transfer)

    Sida nidaamka caalamku uu yahay, dowlad kasta oo la doorto waxay leedahay muddo xileed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida nidaamka caalamku uu yahay, dowlad kasta oo la doorto waxay leedahay muddo xileed


Sida ku cad Cahdiga Qaramada Midoobay (UN Charter), xukunka aan ahayn boqortooyo (Monarchy/Kingdom)

ama aan ku imaanin inqilaab militari (Military Coup), wuxuu leeyahay qaab xukunkaasi isu beddelo marka uu dhamaado muddo xileedka dowladdaasi. Dalalka dimoqraadiga ah ee xukunkooda iyo madaxweynahoodu ay ku yimaadaan doorashooyin uu shacabku u codeeyo wakiilladiisa iyo madaxdiisa waxa ka jira 2 nooc oo madaxtinimo ah:

1) Madaxweyne uu doorto baarlamaan (hal aqal ama laba aqal ka kooban) shacabku soo doortay oo loo yaqaan madaxweyne baarlamaani ah (parliamentary president) sida Soomaaliya iyo dalal kale oo la mid ah, iyo

2) Madaxweyne uu shacabku toos u doorto oo loo yaqaan madaxweyne shacab (popular president) sida kan Maraykanka iyo dalal kale oo la mid ah.

Sida nidaamka caalamku uu yahay, dowlad kasta oo la doorto waxay leedahay muddo xileed kooban oo dhowr sannadood ah (badanaaba waa 4 ama 5) oo waajibaadkeeda uu ka mid yahay in ay dalka doorasho ka fuliso dhamaadka muddo xileedkeeda. Haddii doorashadu ay ku qabsoonto waqtiga ay dowladdu u qorshaysay ama ay dib uga dhacdo duruuf kastaahi ha keentee balse ay qabsoonto muddo uun kaddib, hay'adaha dastuuriga ah ee dowladdaasi oo dhan ayaa maamulka si wadaya (iyagoo ah dowlad xilgaarsiin = caretaker government) ilaa laga dooranayo kuwii xilka kala wareegi lahaa.

Xaaladda Soomaaliya oo kale, waxaa caado ahayd in Madaxweynaha la doorto uu si sharaf leh xilka ugala wareego Madaxweynaha ka horreeyey ee looga adkaaday doorashada. Arrintaasna waxay Soomaalidu waayo-aragnimo iyo cashar uga soo qaadatay 2dii isbeddel ee u dambeeyey ee Villa Somalia dhexdeeda Madaxweyne Shariif Sheikh uu xilkii ugu wareejiyey MW Xasan Sheikh Sebteembar 2012 iyo sidoo kale habkii quruxda badnaa MW Xasan Sheikh uu xilkii iyo calankii qaranka ugu wareejiyey MW Farmaajo Feb. 2017.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyadoo aan dhamaysanin halkii sano ee ugu horreeyey muddo xileedkeedii afarta sano ayaa caqabado, mucaaradad iyo dagaallo siyasadeed lagu billaabay iyadoo ay isu kaashadeen xoogag siyaasadeed oo ka kooban dowlad-goboleedyada qaarkood, madaxweyneyaal hore iyo siyaadiyiin kale oo ay horkacayeen ilaa afartii sannadood loogu dhameeyey xasarado iyo hagardaamooyin loogu talo galay, nooc kasta oo doorasho ahna la hor istaagay. Tanaasulaad fara badan oo ay samaysay dowladda MW Farmaajo kaddib ayaa la saxiixay heshiis siyaasadeed dhexmaray DFS, D/Goboleedyada xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir 17kii bishii Sebteembar 2020; waxaa xigay isafgaradkii Guddiga Farsamada ee Baydgabo 16kii Feb. 2021, kuwaas oo haddana ay diideen Madaxda PL & JL oo garab ka helaya siyaasiyiin la magac baxday musharraxiin madaxweyne iyo quwado kale.

Bilihii u dambeeyey sannadkii hore iyo 3dii bilood ee la soo dhaafay dadka iyo dalka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka caasimadda Muqdisho oo dhibaatooyin ku filan la daalaa dhacayey, ayaa waxaa ragaadiyey abaabul dagaal, argagax iyo colaad abuurid ku wajahnaa in Muqdisho mar uun dagaal ka dhaco oo dhiig qulqulo ee loo noqdo murugadii dhimasho, dhaawac, qax, barakac iyo burbur hantiyeed oo hor leh, dowladduna ay sidaas ku baaba'do meeshana lagu kala tago.

Ilaahay Mahadiis, taas waxaa diiday oo maya yiri shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho/Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ah oo iyadu ka mas'uul ah amniga dadka iyo dalka.

Intaas oo dhan waxaa ka sii amankaag iyo fajac badan, markii odayaal caan ah lkn caqli yar iyo rag madax ah oo dalka hore u soo hoggaamiyey ay caado ka dhigteen dhaar, hanjabaad iyo in ay maalin kasta shirarka iyo warbaahinta hortooda la soo istaagaan Farmaajo ha ka soo baxo Villa Somalia ama derbiyada ayaa inta looga dhaco laga soo jiidayaa !!! sharaf daranaa oo ceeb jeclaa !!! erayadaas oo kale waa wax laga xishoodo kana mid ma ahan habdhaqanka iyo habmaamuska dowladnimo.

Soomaaliyeey bal qormadaan aad u aqriya ee ha lays waafajiyo in doorasho la diido, haddana Madaxweynaha la yiraahdo ka bax madaxtooyada ama waa lagaa soo jiidayaa. Bal ka warrama xilwareejinta noocan ah ?

Gabogabadii, xukun wareejinta (power transfer) caalamka iyo dowladaha horumaray laga yaqaanno waa midda aan hore uga soo hadlay kuna xusay sida uu qabo Cahdiga QM (UN Charter).

FARRIIN KALE:

Mudaneyaal iyo Marwooyin, arrin ayaan rabaa in aan u iftiimiyo ummadda Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in la fahmo lagana dhiidhiyo. U fiirsada beesha caalamku marka ay ka hadlayso geedi-socodka hannaanka doorashooyinka dalkeenna, waxay tiraahdaa Soomaalidu waa in ay la timaado "doorasho wada oggol ah". Ma lays weydiiyey waxa ay ula jeeddo "wada oggol"? waa yey doorasho dhicin...waa yaan hore loo soconin...waa jugjug meeshaa joog; aan ka soo qaadno in aanu nahay 10 qofood oo rabno in aan laba arrimood kala dooranno ama mid qaadanno. Haddii 8 ama 9 naga mid ahi ay meel isku raacdo; 2da ama 1da kalena ay diiddo; ma 1 ama 2 ayaa loo fadhinayaa oo loo dhinanayaa ? Beesha caalamku ha is waafajiso dimoqraadiyad, aqlabiyad (majority) iyo wada oggol ? idinka ayaan idiin daayey ?

XUSUUSIN:

☆Soomaaliya waa dal madaxbannaan, xor ah oo xubin ka ah QM; lehna dastuur iyo shuruuc u gaar ah iyo sidoo kale hay'ado dowladeed oo dastuuri ah sida baarlamaan, madaxtooyo, xukuumad iyo garsoor iyagu iska leh go'aanka ugu dambeeya ee masiirka dadka iyo dalka☆



W/Q/ Cali Maxamed Geedi {Ra'isul Wasaare Hore}

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...