Ma Ubaahantaha Inaad Hesho Vitamin D

0
Tuesday March 30, 2021 - 08:41:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ubaahantaha Inaad Hesho Vitamin D

    "Sababta Aad Ugu Baahan Tahay Iyo Sida Uu Kaaga Caawinayo Vitamin D Dagaalka Fayrasyada Sida Covid19"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sababta Aad Ugu Baahan Tahay Iyo Sida Uu Kaaga Caawinayo Vitamin D Dagaalka Fayrasyada Sida Covid19"

Vitamin D, wuxuu muhiim u yahay lafaha, ilkaha iyo muruqyada. La'aantiina waxay horseedi kartaa cudur lafaha ah ee loo yaqaan 'rickets' oo carruurta ku dhaca iyo xaalad la mid ah daciifnimada lafaha oo iyana loo yaqaan osteomalacia, oo dadka waaweyn ku dhacda.




Hase yeeshee seeynisyahannada ayaa hadda ka fakaraya in Vitamin D uu door muhiim ah ka qaato sare u qaadidda difaca jirka, marka sidaa darteed waxaa suurogal ah in uu la dagaalami karo fayrasyada sida Covid-19.


Muxuu yahay vitamin D?

Vitamin-D waxaa loo yaqaanaa "fitamiinka iftiinka qoraxda", sababtoo ah waa nafaqada keliya ee jirkaaga uu helo marka uu maqaarkaaga qoraxda iftiinkeeda ku dhaco.


Fitamiin-D wuxuu kaa caawiyaa in jirkaaga uu safiican u qaato maadooyiinka calcium iyo phosphate, oo ah nafaqooyinka qof ka caawinaya inuu helo ilko, murqo iyo lafo caafimad qaba.


Hase yeeshee labaatankii sanno ee la dhaafay waxaa soo ifbaday in fitamiin-D uu sidoo kale door weyn ka cayaaro caafimaadka qeybaha kale ee jirka, marka laga soo tago lafaha, sida ay sheegeen cilmi baarayaasha.


"Vitamin-D wuxuu kaalin muhiim ah ka cayaaraa maamulka difaaca jirka."

Vitamin-D ma kaa caawin karaa la dagaallanka fayrasyada sida Covid-19?


Prof Cashman ayaa sheegaya in seenisyahannada ay aqbaleen in vitamin-D lalal xiriirinayo sare u qaadidda khatarta cuduradda ku dhaca wadnaha, sokoroowga iyo noocyo ka mid ah xanuunka kansarka, iyo cudurada faafa.


Balse xiriir toos ah oo ka dhaxeeya fitamiin-D iyo Covid-19 miyaa jira?

Prof Cashman ayaa sheegaya in baaritaannada seeynisyahannada ay muujinayaan inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Fitamiin-D iyo Covid-19, balse waxa uu sheegay in haatan aan si rasmiya loo shaacin karin in si toos ah fitamiin-D-ga loogaga hortagi karo amaba lagu daaweyn karo fayraska corona.


Balse seeynisyahannadu waxay sheegayaan in cilmi baaristaasi ay hadda meel wanaagsan mareyso.

"Waxa keliya ee hadda la isku raacsan yahay waa in caddayntu aysan ahayn mid xoogan, laakiin waxaa jiro tijaabooyin socda oo laga soo saari doono cadeymo cusub." Covid-19 waa hal sano jir, waxay qaadaneysaa wakhti yara dheer si xogta oo dhammeystiran loo helo.


Prof Jon Rhodes, oo ah barfasoor ku takhasusay cilmiga dawooyinka, kuna nool UK, ayaa sheegay in fitamiin-D-gu leeyahay astaamo lid ku ah iska caabinta, isla markaana ay jiraan baadhitaanno sheegaya in ay hoos u dhigi karto jawaabta jidhka ee fayraska.


Tani waxay ku habboonaan kartaa bukaanka coronavirus ee aad u xanuunsan halkaas oo waxyeello daran ay ka dhalan karto, waaxyaha iska caabintiisa ee daciifay.


Qaybta Caafimaadka Dadweynaha ee England waxay dadka kula talineysaa in ay tixgeliyaan qaadashada fitamiin-D-ga inta lagu gudo jiro xilliga guga iyo xagaaga maadaama bandawga coronavirus uu sii socon doono.

Caadi ahaan, qaar badan oo naga mid ah ayaa jecel in ay bannaanka ku qaataan wakhtigooda. Sidoo kale na qorraxda way saamaysaa maqaarkeenna.


Fiitamiinnada qorraxda, oo ay wehliyaan kuwo kale, waxay gacan ka geysan karaan jidhkeenna inuu ku habboon yahay ka-hortagga cudurrada iyo caabuqyada - oo muhiim ah inta lagu guda jiro safmarka Corona, si uusan qofku ugu nuglaan cudurro kale.


Halkee ka heli karnaa vitamin-D?

Isha ugu weyn ee fitamiin-D waa iftiinka qorraxda sida uu sheegay Prof Cashman, balse inta aanu ka heleyno qoraxda waxay ku xirantahay awoodda maqaarkeena.


Laakiin waxaa sidoo kale kaabista fiitamiin D-ga si weyn looga heli karaa suuqyada waaweyn iyo farmashiyeyaasha. Waxay noqon karaan uun fitamiin-D ama qayb ka mid ah kiniinnada ka sameysan 'multivitamin'.


Ha iibsan wax ka badan inta aad u baahan tahay si aad qayb uga noqoto in cid kasta ay hesho inta ay u baahan tahay, sida ay khubaradu sheegayaan


Waxyaabaha ku qoran liiska calaamadda ee Vitamin-D waa D3.


Dhinaca kale waxaa sidoo kale heli karnaa cunnooyinka sida kalluunka, hilibka cas, ukunta caanaha xoolaha inkastoo dad badan aysan heli karin cunnooyinkaasi.


Cunnooyinka kale ee laga helo fitamiin-D waxaa ka mid ah digirta, bariiska, khudaarta, iyo qamadiga.


Miyaan qaadan karaa tiro fara badan oo Vitamin-D ah?

Jawaabtu waa maya. Inkastoo fiitamiin D-ga ay aad u ammaan yihiin, qaadashada in ka badan inta lagu taliyay maalin kasta waxay noqon kartaa khatar mustaqbalka fog.


Haadii ay kula ahaato in aad qaadatid kaabayaasha VITAMIN D:


  • Carruuta jirta 1-10, waa in aysan qaadan wax ka badan 50 microgram, maalintii
  • Dhallaanka, ka yar hal sano, waa in aysan qaadan wax ka badan 25 micogram, maalintii
  • Dadka qaangaadhka ah, waa in aysan qaadan 100 microgram waxka badan maalintii

Qaadashada tiro farabadan wuxuu mararka qaarkood dhakhtarka kula talin karaa bukaannada fitamiin-D-goodu hooseeyo ee la xaqiijiyay.


Dadka qaar ee qaba xaalado caafimaad qaarkood, sida dhibaatooyiinka kelyaha, si badbaado leh uma qaadan karaan fiitamiin-D.

 

BBC

Loading...
Loading...