Edbintii Ardeyga iyo Ushii Ka Danbeysey (Qeybta 1aad)

0
Tuesday March 30, 2021 - 08:40:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Edbintii Ardeyga iyo Ushii Ka Danbeysey (Qeybta 1aad)

    Ciyaarta Kubadda cagta ayaan aad u jeclaa, waxaana ka ciyaari jirey dhowr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaarta Kubadda cagta ayaan aad u jeclaa, waxaana ka ciyaari jirey dhowr


Sanadku waa 2006, goobtuna waa Xamar, xiliguna waa habeen Khamiis ah, waxaana maamulka magaalada gacanta ku haya Xooggaga Maxaakiimta oo dhowaan dagaal dhiig badani ku daatey kagala wareegey hoggaamiye Kooxeedyadii kala heystey.

Habeenka Khamiista ah waa iiga duwan yahey habeenada kale, oo waxaa soo galaya Maalin Jimce ah oo aan ka nasan doono howlihii todobaadka.

Bare ayaan ka ahay dhowr Iskuul oo magaalada ka jirta. Arbacadii shaley aheyd, ayaan fasal aan xiisad ku lahaa, ka qaadey imtixaan qiimeyn ahaa, oo isla maalintii la saxey, lana qeybiyey natiijada. Maalintaas waxaa jirey ardey sameeyey falal lid ku ahaa habraaca imtixaanka, isku dayeyna in uu sameeyo qishid, waxaana taas ka dhalatey in laga jaro dhibco, kadib markaan isku raacney maamulka dugsiga. Ardeygii kuma qancin ganaaxa, wuxuuna sameeyey hanjabaad iyo waa noo taalaa!

Ciyaarta Kubadda cagta ayaan aad u jeclaa, waxaana ka ciyaari jirey dhowr garoon, waxaan sidoo kale u ciyaarayey Koox ka ciyaarta heerarka 2aad iyo 3aad. Maalmahaas waxaa magaalada ku soo kordhey, oo dhowr meelood laga furey goobo jirdhis, sidoo kalana kubadda cagta lagu ciyaaro.

Aniga iyo rag aanu saaxiibo aheyn, waxaan iska diiwaan geliney xaruun jirdhis oo xaafadda laga furey, waxaana dooranay xiliga habeenka ah, maadama maalintii la shaqeeyo ama wax la barto.

Marka xiisadda jirdhisku noo dhamaato, waxaan u kala bixi jirney labo koox, kadibna waxaan ciyaari jirney kubadda cagta. Sidii caadadu aheyd, habeenkaas markii ay noo dhamaatey xiisadda jirdhiska aheyd, ayaan afar afar u kala baxney, waxaana noo bilaabatey kubad xaraarad leh. Durbadiiba kooxdii aan u dheelayey waxaa looga shubey 2 gool, waxaana sii kacdey xaraaradda ciyaarta, kaaga sii darane, aniga ayaa kooxda kabtan u ah, waxaana anigu habeenkaas ku eedeysanahey xil gudasho la'aan iyo kubado aan khasaariyey.

Muddo 30 daqiiqo ah markay ciyaartu socotey, ayaan mar qura indhaha ka qaadney dhalinyaro hubeysan, afkuna u xiran yahey, oo gudaha garoonka soo galey, isla markaana ku dhawaaqaya "Joojiya Gaalayahey, Yahuud ayaa tihiin, Xoolo ayaa tihiin" iyo erayo kale oo ka xun! Waxayna noo sii raaciyeen qoryo xaggeena lagu soo beegey, laakiin aan la ridin!

Dantuba tiriye, ciyaartii ayaan joojiney, waxaana aniga oo dhibsanaya hakadka ciyaarta, si is xilqaam ah, ku weydiiyey "War maxaad tihiin? Oo maxaad naga doonaysaan?"

Habeenkaas waxaa nagu cusbaa dad hubeysan oo garoon ciyaareed soo galaya, maxaa yeeley waxaa magaalada heysan jirey Kooxo hubeysan oo lakala lahaa, badiyaana ma dhici jirin in ay garoomada lagu ciyaaro soo galaan! Sida muuqatase, waxaanan weli fahminba isbadalka magaalada ka dhacey, noociisa iyo waxa la iska doonayo.

Jawaabta su'aasheyda oo af ah aniga oo sugaya, ayaan ku baraarugey dhawaqa Ul Jeedal ah oo dusheyda ku dhacdey, iyo hadal la socdey oo aanan halkaan ku qori karin! Ninkii usha igu dhuftey, ayaan goostey inaan gacanta la gaaro oo gadaal yeelkeede, aan sidaas xisaabtu ku xirmin! Saa markaan hal gacan tuurey, ushiina la qabsadey, ayaan maqley hadal culus oo ahaa "Ha isdilin" iyo hubka oo dhammaan xaggeyga u soo jeedaa!

Hadda waan gartey in aysan xaaladdu caadi aheyn, waxaana isku dajiyey inaan hubsado dadkaani waxa ay yihiin, waxaana sax ila ahaan waysey inaan ku baxo gacan aan la aqoon, markaas ayaana goostey inaan is dejiyo, oo gadaal waxay ka noqotoba hubsado dadka na soo weerarey.



Kofi Adam



La Soco Qeybta 2aad.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...