Ismarin Waaga Dawlada Aynu Jaarka Nahay E Somalia W/Q Mohamed Aden Hassan.

0
Monday March 29, 2021 - 10:17:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismarin Waaga Dawlada Aynu Jaarka Nahay E Somalia W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Hadii wax hashiis caadiya la gali waayo maxaa dhici kara?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii wax hashiis caadiya la gali waayo maxaa dhici kara?

Hadii aynu falanqayno Somalia o ah dal aynu jaar nahay isla markaana waxyaabo badan inaga dhaxeyan waxa ka tagan is marin waa kii ugu darnaa abid dhinaca doorashoyinka iyo In hashiis laga gaadho isla markaana wax lawada ogolyahay lagu hashiiyo o u dhaxeeya dawlada Somalia iyo maamul goboleedyada hoos yimaada.



Hadda arintu waxa ay ka dhex tagantahay madaxwayne farmaajo iyo labada maamul gobeled e puntland iyo jubaland ay kala hogaaminayaan madaxwayne saciid dani iyo madaxwayne axmed madoobe.


Waxa ayna tahay in farmaajo ka gulaystay axmed madoobe maadam u gado gacanta ku dhigay madaxwayne farmaajo o u kala waregay maamulka jubaland samayn ahaan maadama u farmaajo degan ahaan kasoo jeedo Gado.


Dhinaca puntland wali si toos ah umu soo fara galin wallow u cunaqabatayna hoose ku soo rogay aanu dadku badankisu darensannayn.


Waxyabaha u kaga aarsan karo puntland waxa ka mida in u ku kiciyo dadka reer Somaliland e ku nool gobolka sanaagta fog maadama ay Somalia wali dhul kaga fadhido Somaliland , run ahaantina waa arimiha wali inaga dhiman o ay habontahay in xakuumada manta jirta talaboyin deg deg ah ay qaado o xaduudka dalka dhamaan ku soo xidhayso.


Dadka degaankaas ku nooli waxa ay u bahanyihin dawlad Somaliland o si toos ah u gacan qabata isla markaana deganka sanagta fog gaadhsisa arimaha deg deg ah e loo bahanyaahy sida waxbarashada , laydh jaban iyo biyo nadiif ah dadkaas gobta ahna si wacan wax loo baro o jamacado tayaysan loo geeyo isla markaana ay hormuud ka noqdaan horumarka ka jira dalkooda Somaliland.


Hadii wax hashiis caadiya la gali waayo maxaa dhici kara?

Hadii xaalku sidan kusii socdo waxyabaha dhici kara waxa ka mid in ay puntland ku dhawaaqdo madaxbanaani toos ah o ay yeelato wasiir arimo dabaded iyo da oo marka u horesaba cilaaqadka u jari doonto dawladda dhaxe , jubaland na waxa ay si toos ah xadhidhka ugu jari doonta dawlada dhaxe iyada kaliya ka talinaysa inta kasoo hadhay gedo waa hadii ay wax isbadali waayane .


Waxyabaha kale I dhici kara waxa ka mida in garab ka kale ay ku dhawaqan madaxwayne iyo raysal wasaare ka madax banan Rooble iyo farmaajo.


Waxa dhici karta muduharaadyo waawayn o isku hor imaad toos ah dhalin kara wallow u farmaajo ka adkaday mudaharadyada ka dhaca muqdisho iyo midow ga musharaxintaba siyaasad ahaan isla markaana ay xoge hoose shegeyaan in u kala furfuray.


Sido kale waxa iman doonta hadii guul la gaadhi waayo in ay beesha caalamku si toos ah usoo fari galiso oo doorashadu ay maamusho isla markaana ay gadh wadayn ka naqoto.


Sido kale waxa iman doonta in la wiiqo awooda farmaajo o raysal wasarahu gadh wadayn kawada noqdo dalka ,dadka iyo xakuumadaba.


Waxan u rajenayaa Somalia guul iyo in ay hoos uwada fadhistaan , Gacmo geel jire hoos baa lo dhaqaye yaanay waxba idinka xumaan insha allah guul baan u rajenaya shacabka somaliyed e ku nool soamalia.


Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan Email:[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...