Doorashada Dib Ha Loo Dhigo Shacabkana Ha Loo Tudho

0
Monday March 29, 2021 - 10:08:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Doorashada Dib Ha Loo Dhigo Shacabkana Ha Loo Tudho

    W/Q: Mustafe Ismaaciil Dhinbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mustafe Ismaaciil Dhinbiil

Cudurka Covid-19 wuxu si weyn uga muuqda dhulka Somaliland waxa isa soo taraya geerida iyo tacsiyaha wadanka oo dhan taabatay waxa dabar goaya  dadkii waayeelka ahaa ee wadankan caqliga iyo talada u ahaa waana xil iyo waajib ina saaran in dadkaas loo tudho si loo xakameeyo faafista cudurkan ee xawliga ku socota waxanay gelaya cudurkani guri walba dadka uu dilayaana waa waayeelka iyo dadka u nugul

 

Waxan soo jeedin lahaa in dib loo hakiyo doorashada inagoo dhanka aadamanimada ka eegayna mar hadii aynaan adeegsanayn technology oo qof weliba aanu post ama gurigiisa ka soo codayn karin

 

Doorasho inoogu kacaysa faafista Covid-19 oo sababi karaysa dhimashada kumaankun qof inaynu ku raali gelino sadexda xisbi iyo afraad kursi doon ah waa taariikh madow iyo talin khaldan

 

Guud ahaan hala joojiyo shirarka hotels iyo isu soo baxa dadweynaha guud ahaan waad ogtihiin caalamku wuxu tacaalaya cudurkan waxanay qaadanaysa wakhti in laga gudbi marxaladan pandemic period intooda badan wadamada caalamku waxay ku jiraan lockdown

Mustafe Ismaaciil Dhinbiil 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...