Dulmiye Aan Is Ogeyn!

0
Monday March 29, 2021 - 10:05:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmiye Aan Is Ogeyn!

    W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

Waxaa jira rag mar walba iyo meel walba dumarka liidda ama takoora oo hadana aamisan inaanay wax dhib ah u geysanin haba yaraatee! Wuxuuba isu haystaa inuu u hiiliyay!

 

Mudane, markiiba maskaxdaadu yay kuu taxaabin xaggaa iyo dhaqanka reer-galbeedka! Waxaan ka hadlayaa waa marwo sharfan oo ku dhegan dhaqankeena suuban & diinteena shariifka ah!

 

Dadka cunsuriga ah qaarbaa aaminsan in aanay dadka madawga ah abuurtooda necebayn, haseyeeshee, waxa kaliya ooy neceb yihiin tahay dhaqankooda iyo garashadooda! Waa arin isku raran ah 

 

Bal qiyaas haduu qof ajinabi ahi kugu yidhaahdo Soomaalidu waa sidaa iyo sidaa isagoo ina ceebaynaya, haddana ku dooddo dhaqan-xumadooda uun baan necbahaye abuurtooda ma necbi!

 

Caddaan hoy-laawe ah oo midab-takoor ah haddii la waydiiyo, maxaad madawga ku neceb tahay? Waxaa suurtoowda inuu ku yidhaahdo, waa dad ma-shaqaystayaal ah, caajisloow ah, oo jecel inay cashuurta dawladu naga qaaddo uun raqaan! Isagu xaalka  uu ku sugan yahay ee

saboolnimo ama guri la'aaneed wuxuu u arkaa arin ayaan-darro ah oo iska ku-meelgaadh ah, taasoo aanu ku metalin caddaanka kale! Waa arin isku raran ah!

Wuxuu kuu sharaxayaa siday hiirtaanyo (PTSD) iyo qulub-raagey (Major Depressive Disorder) noloshiisii u baabi'yeen ee aanu sidan isagu u dhalan! Kani waa DULMIYE sabool ah!

 

Dhinaca kale mudane,  Madaxweynaha Tanzania Saamiya Suluhu ma saxbaa mise waa khalad inay iyadoo haweenay Muslim ah xukunto 61% Kiristiyaan ah, 35% Muslim ah, 4% cawaan ah (Pew Forum 2018)?

 

Mudane, ma saxbaa mise khalad inay Muna Sharmaan qareenimo baratay oo UNta qaybta xeerarka baddaha UNCLOS shaqo ka heshay, dabeeto dawladdii XSM siisay dhammaan sirtii iyo macluumaadkii badeena lagu difaaci lahaa, isla markaana ku qancisay inay dacwadda Maxkamada Aduunka geeyaan?

 

Mudane, ma saxbaa mise waa qalad in gudoomihii hore ee Bankiga Dhexe Yusur Abraar diiday inay "cadkeeda" qaadato oo ay saxeexdo in lacagtii dibadda inoo taalay ee boqolaalka milyan ee dollar ahayd in lagu wareejiyo Sharman Law Firm oo hadda ku maxkamadaysan Maraykanka inay lunsadeen lacagteenii badh, laakiin inteedii badnayd ay Yusur ka badbaadisay oo ay joornaalada aduunka ugu af-dheer ku daabacday Musuqii ay diiday!

 

Tirro ma leh inta haween geesiyaal ah oo Soomaaliyeed ina difaaceen! Waxa maanta isoo toosiyay, markaan arkay rag leh, in dumarka xil loo dhiibbaa kuma haboona, markaa ujeedadaasi maxay tahay?

 

Waan u cudur daarayaa walaalahaasi waa dulimiyeyaal aan badankoodu is ogeyn! Waxaan aad u bogaadiyay culimadii reer USA ee sida weyn u difaacay Ilhan Cumar markii ay tartamaysay. Dhamaanteena waxaa inagu waajib ah inaynu xaqa sheegno, oo aynaan ku fiirsan haweenkeena DULIMIYEYAALKA aan is ogeyn!

 

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...