Taariikh Nololeedkii GEneral Ismaciil Ahmed ( Nura Ismaaciil Ahmed).

0
Monday March 29, 2021 - 09:56:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii GEneral Ismaciil Ahmed ( Nura Ismaaciil Ahmed).

    * N.B Geeridi dishaay Geedkaa Ha Ba'o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Geeridi dishaay Geedkaa Ha Ba'o

 Waxan ku dhashay 1930 kii degaan-degmeed u dhow Magaaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ee Somaliland. Horaanteydii hore ee yaraanta nolosheyda waxa ku soo korey magaaladda Ceerigaabo. Hase-Ahaatee, markii aan ahaa 7 jir ahaa ayaan waxa aan u wareegay magaaladda Cadan ee dalka Yemen oo aan ka bilaabey iskuulkeygii iyo waxbarashadeydii maadaaama aan waxbarasha madaniga ah ee dhulka Somaliland ee wakhtigaas aaney dhisneyn.1948 oo aan dhameystey waxbarashaddii madaniga aheyd iyo dugsigii sare, kuna dhameystey Magaaladda Cadan, ayaan waxa aan u soo wareegey Somaliland. Halkaas oo aan shaqo ka bilaabey kuna biirey shaqaalihii dowladda (i.,e. Civil servants) ee maamulkii muatacmarka ingiriiska ee dalka Somaliland xukumayey.  Shaqadaas oo aheyd shaqaalaha xafiiska karaaniyiinta ee dowladda. Taas oo aheyd shaqadda kaliya ee loo ogolaa Soomaalidu in ay qabato.  Muddo ayaan halkaas ka shaqeeyey, oo aan dhowr jeer ka dalacay anigaa oo imtixaan madani ah oo uu maamulku qaadayey marayey. Waxaanan ka gaadhey, mudo dabadeed, in aan noqdo madaxa ugu sareeya shaqaalaha Soomaalida ee xafiiska maamulka dowladda ka shaqeynayey.

 

 Sanadkii 1954-kii ayaa waxa uu maamulkii Isticmaarka ee ingiriiska ee dalka xukumayey kala saarey maamulkii booliska iyo maamul cusub oo loo sameeyey daryeelka xabsiyadda. Sidaa-daraateed, waxa uu maamulkii uu ii direy meel la yidhaahdo Wakefield College oo dalka Ingiriiska ku yaaley, oo lagu baran jirey cilmiga maamulka xabsiyadda, daryeelka maxaabiista, iyo dambi-baadhista fal-dambiyeedyadda. Muddo ayaan halkaas ku maqnaa oo aan waxbarashadeydii ku soo qaatey. Markii aan ku soo noqdey dalkii Somaliland, waxa aan shaqadda ka bilaabey maamulkii cusbaa ee daryeelka xabsiyadda dalka oo aan ka gaadhey ilaa iyo xigeenka maamulka guud ee xabsiyadda ee dowladdii mustacmarka ingiriiska ee Somaliland.Sanadkii 1960-kii iyo xoriyaddii Somaliland kadib, ayaa waxaan madax ka noqdey maamulkii xabsiyadda guud ee dalka, oo aan kala wareegey sarkaalkii ugu sareeyey maamulka xabsiyadda ee Ingiriiska oo aan ku-xigeen u ahaa xornimadda horteed, oo dalka ka tagayey, maadaama xukunkii dowliga ee mustacmarka Ingiriisku dhamaadey. Waxaanan noqdey sarkaalkii xukumayey xabsiyadda Somaliland xornimadda dabadeed. Inkasta oo dowlad qaran oo Soomaaliyeed ay sameynsatey bishii 1st Julaay ee sanadkii 1960 oo ay labadii gobol ee Somalia iyo Somaliland ay ku midoobeen dowlad qaran, hadana maamulkii sharciga dowladeed ee labada gobol oo kala duwanaa owgeed, iyo maamulka sharciyeed ee khaaska u ah maareynta xabsiyadda ee labada gobol oo kala duwanaa darteed, waa ay suurto galiweydey in la mideeyo, si sharciyan ah, maaamulkii xabsiyadda ee labada gobo lee Somalia iyo Somaliland. 

 

 Sanadkii 1961, bishii December, ayaa raysal-wasaarahii qarankii Soomaaliyeed ee midoobey, Mudane Dr. Abdi-Rasheed Cali Sharmarke iga codsatey in aan mideeyo labadii sharci-maamul ee labada gobol xabsiyadooda lagu kala xukumi jirey. Waxaanan markiiba bilaabey in aan isku tolo maamul sharciyeedka iyo maamul-howleedka labada gobol iyo xabsiyadooda. Hase-Ahaatee, maadaama xagga Somalia lagu xukumi jirey sharcigii mustacmarka Talyaaniga. Xagga Somaliland ahna lagu xukumi jirey "Indian’s penal code”, oo ahaa sharciga xabsiyadda ee Somaliland, muddo ay ayey nagu qaadadey sidii sharci-dejin iyo mid maamul hoose ahba, aanu ugu sameyn laheyn labada qaybood. Oo aanu uga soo saari laheyn ciidan mideysan oo qaranka oo dhan xukuma xabsiyadiisa. Waxaanan la kaashaney qaramadda midoobey (UN) oo maamulka isku darkiisa iyo xeer-dejinta cusub ee maamulka xabsiyadda Soomaaliyeed naga caawisey sameyntiisa. Muddo sanad ah dabadeedna waxa aanu awoodney in aanu sameyno ciidankii ugu horeeyey ee qaranka soomaaliyeed yeesho ee maamulka xabsiydda loo xilsaary, oo gaadhayey 12, 0000 qofood oo isugu jira saraakiil, saraakiil-xigeen, iyo alifley iyo dabley. Kuwaas oo u qaabilsanaa daryeelka, ilaalinta, fayo-dhowrka, tababarka maxaabiista, iyo wax soosaarka cuntadooda sida qodista beeraha oo diidanku sameeyey iyo farsamadda gacanta oo la bari jirey maxaabiista.Sanadaddii u dhaxeysay 1967 ilaa iyo 1971 aniga oo ah sarkaal kornel ah, ahna taliyihii ciidamaddii xabsiyadda qaranka Soomaaliyeed, waxaan aan ku wareegey ciidankii Boliiska ee Soomaaliyeed oo la hoos geeyey ciidamaddii xabsiyadda ee Soomaaliyeed. Hase-ahaatee, sanadkii 1971, bishii November, ayaa dowladii kacaanka ee Soomaaliyeed, ayaa dib iiga codsatey in aan u sameeyo una abaabulo ciidankii xabsiyadda ee Soomaliyeed oo loo bixiyey Ciidanka Asluubta ee Soomaliyeed. Anigana waxa laga dhigey Sareeyo-guuto, isla markaas.

 

 

 

Sanadkaas 1971 ilaa iyo 1988 waxa aan madax ka ahaa ciidankii Asluubta ee Soomaaliyeed oo aan ka dhigey ciidan ka dhisan dhan kasta, hadey noqoto cudud, hadey noqoto aqoon, iyo hadey noqoto agab dowladeed iyo mid ciidanba, oo lagu maamuli karo dhamaan xabsiydda qaranka.Muddo  yar kadib aasaaskii ciidanka Asluubta Soomaaliyaad ee Sanadkii 1971 waxa uu ciidanku ku guuleystey in aanu dhaqan galino sharcigii UN-ta ee qeexayey xaquuqta iyo waajibaadka maxaabiista ee daryeelkooda iyo badqabkooda. Waxan kaloo ciidanku awoodney in aany si deg-deg ah ku dhisno aqoonta iyo tayadda saraakiisha, saraakiil-xigaan ciidanka.Sanadkii 1971 ayaan waxa aan dowladdii qaranka ee Soomaaliyeed ay dareentey in ay jirto dayaca caruur badan oo Soomaaliyeed. Markaas ayaa waxa ay ciidanka xabsiyadda bilaabeen daryeelka caruurta darbi-jiifka ah (i.e., National’s Orphanage systems) ah, oo ay u dhiseen meelo u gaar ah oo agabkoodii u dhan yihiin, oo lagu xanaaneeyo laguna ilaaliyo naftooda, caruurtaas jilicsan ee dayacan ee umadda Soomaaliyeed Oo darbi jiif ah. Taasina waxa ay dhashay in laga maarmi waayo sameynta iskuulo laseexdo iyo xarumo lagu hayo caruurtaas. Waxa aana Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu sameeyey xarumihii Ubaxa Kacaanka iyo iskuuladoodii lagu korin jirey caruurta aan waalidka laheyn. Waxa kale oo ciidanka Asluubta ee Soomaaliyeed uu smeeyey iskuulo farsamadda gacanta ah oo ciidanku kaseemey todoba (7) gobol loo dalka ah, gaar ahaan, degmadda Lafoole, Hargeysa, baydhabo, Kismayo iyo magaalooyin kale. Iskuuladaas oo tayadoodu sareesay, soona saarijirey, ardey injineero farsamadda gacanta ah, oo waliba takhasus dambe ugu bixi jirey dalkii East-Germany oo naga caawin jirey dhisidda aqoonta farsamadda gacanta ee iskuuladaas. Dhamaan ardeydaas ciidanka Asluubtu tababartey ee ay farsamo-yaqaano xirfadley ah kasoo saareen waxa ay kor u dhaafayeen 10, 000 ardey.

 

Mudaddii aan ciidanka aan madaxda ka ahaa waxa aan waxbarasho, wada-shaqeyn, iyo aqoon koransi aniga iyo saraakiishii ciidanka Asluubta aanu ugu baxney wada badan oo dibadda ah, gaar ahaan, dalalkii East Germany, UK, Italy, Iraq, Tanzania, Kenya. Sanadkii 1988, bishiisii May, ayaa dowladii qarankii Soomaaliyeed iga wareejisey maamulkii ciidankii Asluubta oo aan xukumayey ilaa iyo markii aan dhisay ee sanadkii 1971, horena aan u xukumi jirey markii la odhan jirey ciidanka xabsiyadda ilaa iyo sanadkii la aasaasey ee 1961 iyo bishii Disember. Waxaana isla bishaas May ee sanadkii 1988, lay magacaabey la taliyihii xagga nabadgalyadda ee madaxweynii qaranka Soomaaliyeed ee Madaxweynw M. S. Barre, Howshaas oo aan hayey ilaa iyo burburkii qaranka Soomaaliyeed ee Sanadkii 1991. Waxaan kale oo aan ka mid noqdey golihii dhexe ee xisbigii hantiwadaaga kacaanka ee Soomaliyeed iyo golihii shacabka ee Soomaaliyeed ilaa iyo burburkii qaranka Soomaliyeed.

 

* N.B Geeridi dishaay Geedkaa Ha Ba'o

Qore: Nura Ismaaciil Ahmed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...