Dawlada Soomaaliya Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Socdaal Baaqday Oo Farmaajo Iyo Abiy Ahmed Ku Iman Lahaayeen Somaliland
Hargeysa(HWN):-Raysal wasaare ku xigeenka dawlada federaalka ah ee soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa soo bandhigay fursad dublamaasiyadeed oo uu sheegay inay somaliland lumisay.
Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale ka hadlay halka ay ku dambeeyeen wada hadaladii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyey uu hakad ku yimid.
Ugu horayn raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo ka hadlaya wada hadaladii labada dhinac ayaa waxa uu yidhi "Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas'uuliyiinta kale ee ka soo jeeda Soomaaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas midho dhal noqdaan".
Sidoo kale waxa uu cadeeyey in xidhiidh toos ahi ka dhaxeeyey madaxweyneyaasha soomaaliya iyo somaliland "Markii madaxweyne Farmaajo la doortay ka dib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annaga aragtidayadu waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii hore u socday, mid aanu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro, markii dambena waxaa toos u wada xidhiidhi jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xidhiidhkaasina waxa uu wanaagsanaa laga soo bilaabo ilaa bishii March ee sanadkii 2018.”
Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya ayaa cadeeyey in somaliland ay lumisay fursad dublamaasiyadeed oo qaali ah waxaanu yidhi "Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen may suurta galin ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy", ayuu yidhi raysal wasaare ku xigeeenka soomaaliya oo u waramay goobjoogtv.
Sidoo kale warar la xidiidha qorshaha uu raysal wasaaraha Itoobiya ku doonayey inuu ka soo dago Hargeysa isaga oo ay wada socdaan madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynaha somaliland uu ganafka ku dhuftay isla markaana uu raysal wasaare Abiy Ahmed ku wargeliyey inaanay suura gal ahayn in wakhtigan uu Farmaajo ka soo dago somaliland.