Taiwan Baa Yaabtay. Qore: Cabdi Muxumed

0
Sunday March 28, 2021 - 11:04:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taiwan Baa Yaabtay. Qore: Cabdi Muxumed

    "Haddaba Somaliland oo Habaar kaga dhacay xagga maamulka iyo fahamka siyaasadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddaba Somaliland oo Habaar kaga dhacay xagga maamulka iyo fahamka siyaasadda"

Habeen habeenadda ka mida ayaa nin dhalin yaro ahi u soo hoyday gurigoddii isagoo maalinimaddii oo dhan qaad ku gurayay isagoo aad u mirqaansan ayaa uu kula kulmay Daaradda gurigoodda Aabbihii oo fadhiya aabbihii iyo hooyaddii midna  kuma ogayn inuu qayilo musqusha ayuuna dhowr jeer iska daba galay isagoo arkay in aanay caadi ahayn xaaladdu Caawa iyo Musqulgalidiisu shakina ku abuurtay bal inay hooyaddii iyo Aabbihii dareemeen inay wax si ka yihiin isaga caaw. haddana Kaadi aan caaddi ahayn ayaa kolba qabata oo uu xaggaa iyo musqusha ula cararaa. Waalidkii oo goobta fadhiyay ayaa dareemay inaan xaaladda wiilkooddu caaddi ahayn caawa. Wiilkuna waa uu dareemay in waalidkii ay ka war heleen waxa ku soo biiray, hase ahaatee wax habeenkii oo dhan xaal sidaa ahaadaba waa la kala seexday oo qof waliba u hurdo tagay qolkiisii. Intaasi haddii ay dhacday, markii uu waaggii baryay ayaa wiilkii ka sheekeeyay wixii kala qabsaday qaadkii aan caaddiga ahayn ee uu ka dhargay iyo isaga. Taasi oo uu ku ladhay in xataa waalidkii oo uu ugu sii darnaa Aabbihii ay ka yaabeen kaaddi badnaantiisii. Halkaas ayuu qaadkaasi ku xanbaartay magaca ah "Aabbaa Yaabay”, kuna hir galay magacaasi oo ka yimi wiilkaa iyo wixii qaadkaa kala qabsaday.



Haddaba Somaliland oo Habaar kaga dhacay xagga maamulka iyo fahamka siyaasadda oo la odhan karo waligeed ma helin hogaamiye sax ah, haddii laga tagi waayana waa intii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee 1993 ilaa 2002, oo la odhan karo inta maanta Somaliland lagu majeerto ee ah Haya’ddo dhisan dhamaan inay ka soo Maaxdeen isaga. Intaas uu Cigaal sameeyay waxba laguma darin in la hiiggo mooyee, kuwaasi oo aad is odhanayso qaarkood wax lagu daro daayoo wax yar baa ka sii qiiqaya.


Aan u soo noqdo waxa maanta ladhka igu kiciyay waa Somaliland oo intay godob ka gashay Dawladda China ee awooda (veto) ga ku leh gollaha la isku muquuniyo ee Qaramadda Midoobay, haddana aan wax ay dhaafsatay jirin ee halkeeddii iska hawaarta siddii habla waynta.


Axmed Dirir waa xildhibaan ka tirsan golaha guurtidda Somaliland, waa aqoonyahan bartay xidhiidhka caalamigga ah, waana qofka kaliya ee aan arkay waliba kuwa xilalka inoo haya ee fahmay khatarta ay leedahay cadow aad ku yeelato gollaha amniga. Iyadoo aanay Somaliland ilaa hadda garan xitaa sababta ay u samaysatay cadowgaa China. Dhibta sii wayni waa iyadoo aan waliba caddow samaysiga wax ay dhaafsatay ama ay ku badalatay aanay jirin, oo aan ka ahayn laba daarood oo midna Tapie loogga kireeyay wakiilka Somaliland ee Taiwan, ka Taiwan mid looga  kireeyay Hargaysa taasi oo  lagu sheegay Safaaradda Somaliland ee Taiwan  Hargaysa iyo  waxoogay soo dhawayn ahayd oo ka timi USA oo soo dhawaysay inay Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelatay Taiwan. Intaa wax ka badan oo ka soo gaadhay Somaliland ma jirto. Somaliland faham darro wayn ayaa ka haysata sidda ay u shaqayso siyaasadda adduunku iyo sida loo ciyaaro shaxdda Siyaasadda ee Caalamka, sababtuna waa sidaa aan  hore u soo sheegaye  Somaliland rabbi ma siin hogaamiye wax fahmaya oo aan odhan karo waliba ilaa 1960kii, waxaa kaga dhacay habaar dhanka siyaasadda. Arintan ayaa I soo xusuusisay Maqaal uu maalin Hadhwanaag News ku qoray muwaadin reer Somaliland ah oo la yaabay dhacdo aanu filayn oo kaga timi Siilaanyo oo markaa ahaa guddoomiyihii Kulmiye. xilligaas oo uu taladda hayay Riyaale, kaasi oo u qaadan waayay halka uu ka Fud kiciyay oday Siilaanyo dabadeedna ku tiraabay "Wallee Siilaanyaan Turub Baran”. Wallee reer Somaliland ayaa Siyaasad baran ama aan fahmin sida loo falkiyo iyo sida la iskugu xidho bahasha, taasi oo aan aniga layaab igu noqon wax kasta oo igaga yimaadda kuwaas iskugu keen sheegga inay yihiin siyaasiyiinta, hase ahaatee aan anigu u aqaan siyaasiyiin ku sheeg. Kolba jeebkoodda ayay kala soo baxaan erayo aan macno sii ridan lahayn, kuwaasi oo ay ugu sheekeeyaan shacabka.fikraddo siyaasadeed oo dalka iyo dadka wax tar u noqdana aan ka dhalin karin maskaxdoodda, lana iman karin qorshe qaranka Somaliland ku guuro oo Guryo-Samo furra laakiin mar kasta waxa ay u sahamiyaan meel indhaha u daran oo lama degge ah, tan iyo maalintii xorriyadda ee June 26 1960.


Haddaba aan u soo daadago maqaalka iyo dulucdda aan ka leeyahay ee haddii aniga iyo Axmed Dirirba isla garanay anagoo aan is aqoon kuna kala nool laba dhul oo aad u kala durugsan, haddana kala dabeecad ah oo masaafo fogna isku jira oo ku kala duwan afka, dhaqanka, diinta, qaaraddaha iyo inta lagu kala duwanaan karo oo dhan oo kala ah UK iyo Somaliland waligoodna aan is arag, aqoona aan isku lahayn haddana markii aan ha halacsaday (Clip yar) oo uu ii soo diray saaxiibkay Maxamed Cismaan Aadan, xildhibaanka oo ka hadlaya gollaha guurtiidda sheegayana in aynu yeelanay cadow aynaan waxba dhaafsiisan caddowtinimaddiisa oo la yidhaa Shiine oo aynu ku yeelanay golaha qaramadda midoobay oo aan u tilmaami karo xildhibaan Axmed Mirre inaynu dhaafsanay laba shay oo kala ah in ay Taiwan inaga caawiso, sida mashruuc ku saabsan liin macaanta iyo beeristeedda oo ninka beerta ku leh ,horro Haadlay uu yaqaan sida uu u beerto liin macaantiisa iyo E-Government, Taasi oo ah Adeeg aan wax badan ka badalayn E-Dahab oo ay leedahay Shirkadda lacagta xawisha ee Dahabshiil taasi oo haddii aad Xafiisyadda Dawladda Somaliland tagto aan wax hawl ah oo ka socotaa aanay jirin oo ay kuwa shaqaalaha ahi iska fadhfadhiyaan ama ay ku jiraan Face Book, internet ,WhatsApp, iyo wax la mid ah.


Meesha noocaas ah E-Government loo yagleelayaa waa mid iska waraabe taag ah, waxaanay dhacdadaasi isoo xusuusisay mar uu sannad maaliyadeedkii uu soo saaray Janno ka bood oo markaa ahaa Wasiirka maaliyadda Somaliland uu ku daray E-Passport oo uu yidhi waxaa lagu fulinayaa in laga dhiggo E-Passport Dal ku galka Somaliland laakiin ay Su’aashu ahayd Wasiir ciddiba kuma dhoofto Passoprt-ka Somaliland ee maxaad E-Passoprt ka dhigtaa? Xataa isagu waa Janno ka boode Xajka Eebbe kuma soo gudan karo Passport-ka Somaliland ee uu inoo laqimayo inuu E-Passoprt ka dhigayo.


Waxaa arrintaa aan ka soo sheekeeyay ee E-passoprt u baahan wadamadda uu passportkoodu yahay mid haysta aqoonsi caalamiya oo lagu dhoofo loogana baqo qabo in uu ku bato inay isticmaalaan dad aan waddanka u dhalan oo ay dhalan rogaan keena. Laakiin kuwa xukuumadda hor boodayaasha ka ah laftoodda ayaa ku socdaala Passport ajaanib markaa tana waxa ay la mid tahay uun E-passport iyo E-Government garasho darradda Siyaasadeed ee aan ka soo sheekayay uun.


Waxaase iyana in la tilmaamo u baahan wafti ka tagay Czech Republic oo dhawaan ku tagay socdaal gasiiraddan yare ee Taiwan. Wafti balaadhan oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha aqalka Wakiiladda ee dalkaasi, oo ay la socdeen tiro doorra oo ka tirsan xukuumadda dalkaasi oo mid waliba qaybta uu u qaabilsan yahay dalkiisii Czech Republic diyaar u ahaa inuu la kulmo dhiggiisa Tawain. Laakiin inagu Axmed Mirrow waxa aynu dhaafsanay caddowtinimadda Shiinaha mashruuca liin macaanta iyo E-Government ee ay inaga caawinayaan waa kuwaa Siyaasiyiintaadda qaranka aad ku halaysay ee u maqan qaranka Somaliland oo ah mid ay ka jiraan baahiyo badan oo balaadahan oo aan ka tilmaami karo 80% shaqo la’aanta dhalinta iyo dadwaynaha reer Somaliland, aqoonsi la’aanta dalka ku habsatay, biyo nadiifa oo dad iyo duunyo aan la hayn lana filayn mustaqbalka, caafimaadka oo ah lafdhabarta bulsho oo aan jirin, Xatooyo xoolo dadwayne oo xadhkaha goosatay. Intaas iyo in la mida oo xal dhowraya cid u soo muuqataan aanay jirin haddaba Axmedow aniga, adiga iyo dadwanaha reer Somaliland ha ogaadaan in laba Mashruuc ku sheeg aynu ku badalanay cadowtinimadda Shiinaha haddii aanay sidaa ahayn waxa inoo faahfaahin Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) waxa kale ee aynu dhaafsanay caddowtinimadda Shiinaha. Axmed Mirow dadkii reer Somaliland intooddii wax garanaysay waxay taagan yihiin sida qaadkaa la magac baxay "Aabbaa yaabay” Taiwan baa yaabtay.

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...